XAAJO.COM

Jaaliyada Somalida Ethiopia ee SanDiego, California USA oo shiray maamulna doortay

SanDiego, California- Jaaliyada Somalida Ethiopia ee SanDiego, California oo ku shiray xarunta California ee cariga Maraykanka. Shirkan ayay ujeedadiisu ahayd in Jaaliyadu dhisato maamul. Maamulkaas oo ka shaqeeya arimaha Jaaliyada Somalida Ethiopia ee SanDiego dalka iyo dibadaba. Shirkan oo socday saacado ayaa dhamaan Jaaliyadu isku xogwaraysatay.

 Waxaa kaloo shirka lagaga hadlay arimo farabadan oo kala ah dhinaca nabadgaliyada, maalgashiga iyo horumarka deegaanka somalida ethiopia. Intaa kadib, waxaa shirka ka hadlay Suldan Asad Suldan Muxumad Suldan Haybe oo ka hadlay in hogaan loo dhiso Jaaliyada iyo sida ay muhiim oogu tahay shacabka dal iyo dibadba. Waxaa kale oo isna ka hadlay isla shirkaas Suldan Abdiwali Suldan Abdi Haybe oo asaguna ku dheeraaday muhiimada guddiga Jaaliyada SanDiego. Isla goobtii waxaa hadalo qiimo leh kasoo jeediyay Eng Abdullahi Ibrahim Caydiid oo ugu baaqay dhamaan Jaaliyadu in ay u heegaanato dalkooda iyo dadkooda.

Ugu danbayntii shirka ayaa waxaa dhamaan Jaaliyada Somalida Ethiopia ee SanDiego, California la isku raacay in ay hogaanka u qabtaan magacyada hoos ku qoran oo loo doortay xilka.

1. Eng: Abdullahi Ibrahim Caydiid- Gudoomiye
2. Col: Maxamed Sheik Hirsi- Kuxigeen
3. Maxamed Islaam- Afhayeen
4. Abdirashid Bile- Arimaha Bulshada
5. Abdirizak Budul- Xoghaye
 
Abdirizak Dahir Budul
Xoghaye (JSE)

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print