XAAJO.COM

Jaaliyadda Australiya oo dib u dooratay Maamul buuxa

Waxaa maanta gelinkii danbe ka dhacay hoolka shirarka ee xaafadda Bentley ee magaalada Perth ee Galbeedka Australia shir ay isugu yimaadeen jaaliyadda qurbajoogta ee Western Australia shirkaasoo si qiimabadanleh ay usoo qabanqaabiyeen guddida qabanqaabadda ayna ka soo qayb galeen dhammaan qaybaha bulshadda oo ay kamid odayaal, dhalinyaro, culima awdiin kasoo jeeda deegaanka soomaalidda itoobiya.

Hadaba marka jaaliyaddu si aad ah u falanqaysay nabadgalyadda, horumarka, maamulka suuban iyo dimiquraaydiyadda ka hirgashey deegaankeena iyo guud ahaanba itoobiya ayay si buuxda isula qaateen in ay si nidaam ku dhisan oo dardar cusub leh uuga qaybqaataan horumamrka iyo nabadda degaanka ka jirta , halkaas oo ay ku soo saareen go’aan shireed(bayaan) ay si buuxda isula qaateen qodobadan kuna dhiseen
1- Guddi fulinta jaaliyadda soomalida itoobiya ee galbeedka Autralia.
2- In ladhiso wakiilo umetela western Australia jahliyadda guud ee soomaalidda itoobiya ee dalka Australia.
3- In gudida ladoortay iska dhex doorataan howfuliyayaasha jahliyadda.
4- In lasmeeyo qorshe sanadeed howfulineed.
5- Dhisidda ururka dhalinyaradda ee soomalidda itoobiya
6- Dhisidda gole odayaal iyo culima owdiin.
7- Dhisidda golaha Dumarka ee Jahliyadda Soomalidda itoobiya.
Kadib waxaa shirkii halkaa kasii watay gudida fulinta jahliyadda oo si buuxda isula qaatay shaqa qaybsiga gudida kuna ansixiyeen qaabdhimeedka jahliyadda oo ah sidan hoos ku xusan.
Magaca  iyo Xilalka
1- Cabdisamad Soyan Cumar Gudoomiye
2- Suldaan C/laahi Reyfal G/Kuxigeen
3- C/fataax Siciid Xoghayaha Guud
4- Cabdisamad Macalin Bashir Xidhiidhka Dadweynah
5- C/fataax Maxamed Cali Maaliyadda iyo xisaabaadka
8- Sheekh Mukhtaar Sheekh Muxumed Arimaha dhaqnanka iyo diinta
9- Maxamed Shaqlane Gudoomiyaha ururka dhlinyardda
10- Badri Geeljire G/Kuxigeenka rurka dhalinyarada

Waxaa intaa dheer in la go’aamiyay wakiiladda galbeedka Australia uga qayb qaadanayya jaaliyadda guud ee dalka Australia oo kala ah.

11- Cumar faaruq Sheekh Muxumad Wakiilka Jahliyadda guud ee Australia
12- Maxamed Sh. Dahir Sayid Kaldhayare Wakiilka jahlidda guud ee Austrlia

Shirkaasi oo si quruxbadan oo guula kusoo gaba gaboobay waxaana ku xigi doona hir gelinta qorhsa sanadeedka waxqabad iyo qaab dhismeedka hoose ee uruka dhalinyaradda,golaha odayaadha iyo culima awdiinka.

Xaajo.com

Australiya

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print