XAAJO.COM

Jaaliyadda DDS ee dalka Finland oo shirweyn qabsatey(SAWIRO)

XOL: Waxaa taariikhdu markay ahayd 13.10.2012 kadhacay wadanka finland caasimadiisa Helsinki Hotel Radisson Blu Seaside shir ay soo abaabushay jaaliyada somalida ethiopia ee finland kaasoo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta safaarada itoobiya ee wadanka swedan Mudane Xusein Axmed iyo Marwo.Mebrat Bayne

shirka oo ujeedadiisa ahayd taageerida biyo xidheenka ABAY ayaa waxaa kasoo qayb galay jaaliyada ku dhaqan wadanka finlad qaybaheeda kala duwan sida odayaasha waxgaradka culma owdiinka dhalinyarada iyo waliba haweenka.

waxaa shirka warbixin dheer oo qiima gal ah kasoo jeediyay Gud. jaaliyada soomalida ethiopia ee finland Mudane Maxamuud Xasan (Ciwal) kadib waxaa iyagana dhankooda kahadlay masuuliyiinta safaarada Mudane Xusein Axmad iyo Maro.Mebrat Bayane oo faah faahin dheer ka bixiyay heerka uu marayo horumarka wadanki hooyo qaybihiisa kala duwan gaar ahaan deegaanka soomalida waxaa kaloo ay sharxeen muhiimda uu u lee yahay biya xireka ABAY wadanka iyo deegaankaba,intaas kadib waxay shacabkii kasoo qaybgalay bilaabeen inay ka qayb qaataan mashruuca waxayna ugu deeqeen biya xireenka ABAY.

intaas kadib waxaa la bilaabay su aalo ,kadib markii ay masuuliyiinti ka jawaabeen ayuu soo xirmay shirkii.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print