XAAJO.COM

Jaaliyadda DDS ee dalka Yemen oo shir qabsatey

XOL: Waxaa shir aad ubalaadhan isoogu yimid dadwaynaha iyagu kasoo jeeda DDS shirkaasi ayaa waxaa kasoo qaybgalay dadwaynaha qaybihiis kaladuwan sida aqoonyahanaka, odayaasha, culumada, dhalinyarada, haweenka,iyo xukuumda DDS oo iyadu kagaqaybgashay khadka telephoneka waxaana uuga qaybgalay xukuumda madaxwayne kuxigeenka ahna hogaanka nabadgaliyada iyo cadaalada DDS mudane cabdulahi yuusuf weerar wuxuuna shirka kasoo jeediyay qudbad dhaxalgal ah dad waynihii meesha joogayna ay aad uugu diirsadeen.

Hadaba shirkaasi ayaa wuxuu kusoo dhamaaday jawi aad uwanaagsan waxaana marlabaad shirkale laisoogu yimid 17 /4/2012 shirkan labaad ayaa waxaa laisku afgartay in la dhiso jaaliyad matasha dadkan.

hadaba 18/5/2012 taariikhda wadankuna ahayd 10/9/2004 ayaa waxaa doorasho lagu qabtay hool ay safaaradu leedahay waxaana doorashadaasi kasoo qayb galay muwaadiniin kor udhaafaysa 300 ooqof waxaana goobjoog ka ahaa halkaas maamulka safaarada oo uu uhorgalyahay safiirka safaarada mudane cabdulahi xasan uqaabilsanaha arimaha jaaliyadaha mudane burhaanu, qusuulka safaarda mudane tajaane, madaxa amniga mudane dheste, uqaabilsanaha gaashaandhiga kornel indhakajow, madaxa ganacsiga mudane andhu, lataliyaha safiirka islamarkaana ah afhayeenka safiirka mudane dhanabaru, waxaa kale oo kasoo qayb galay saxaafada qaybaheeda kalduwan sida national tv iyo iyo kuwakale waxaa kale oo isna khadka telephoneka kaga qayb galay aa bihii nabada sh. Ibraahin sh.hussen iyo madax kale oo aanan halakan kusoo koobi Karin.

 hadaba ugu horayn waxaa lagu furay shirka aayado qur aan ah uu uu aqriyay yuusuf sh. Maxamed oo uu dhalay sheekha tasfiira magaalada jgjiga in taasi kadib waxaa lagusoo dhawweeyay microphoneka uqaabilsanha arima jaaliyaadka mudane burhanu waxuuna halkaasi kajeediyay ajandaha shirka iyo waxa uu kusaab sanyahay hadana waxaa loo yeeray musharixiin aad ubadan waxaana ugu dambayn soo hadhay 6qof oo uugu cod badnaa waxayna kala ahaayeen 6qof

1 dr abdirahman Hassan abdulahi (dalmar)

 2 -idil shraiif bashiir yuusuf (qalamqalam)
(3)khaddar maxamoud alaki
4 -cabdulahi caaqil xasan
5 -maxamed siciid qaasin
6- mukhtar waxayna jaaliyadu u dhisantay sida

qaabdhismeedka maamulka jaaliyada DDS ee wadanka yemen

1. Dr.abdirahman Hassan abdulahi (dalmar) gudoomiye, kana soo jeeda Fiiq Zone Waxbarasha ahaana haysta Bachelor of science

2- Idil bahir yousuf (qalamqalam) g/kuxigeen, Dhagaxbur Zone,  BA

3-Khaddar mahamoud (alaki), Afhayeen, Dhagaxbur Zone,  BA

4-Abdulahi Aakil hassan, Madaxa maaliyadda, Gode, BA

5- Mohamed sied kasin, xoghaye,    Liibaan Zone, BA

6- Mukhtar maxamed mahad, Arimaha Bulshada, Afdheer Zone, BSC

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print