XAAJO.COM

Jaaliyadda DDS ee Qatar oo diraysa Tacsi geeri ku timid Eng. Xiis

Iinnaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun,

Geeridu waa xaq ayada uun baana lagu wada danbayn,
28kii bishan sideedaad 2012 waxaa geeriyooday allaha u naxariistee Gudoomiye ku xigeenkii jaaliyadda Ismaamulka DDSI ee Qatar
Engineer Xiis Cumar Xuseen, asaga oo gudanayay shaqadiisa
masuulku wuxuu geeriyooday kabacdi markii uu taayir u baxay gaadhigii uu watay asaga oo high way ama laamida wayn saaran
allaha u naxariistee Engineer Xiis waxa uu ahaa nin Lagu yaqaanay wanaag, raganimo iyo dhaqan wanaagsan
Wuxuuna soo qabtay shaqooyin badan intuu xilka jaaliyadeed hayay

hadaba guud ahaan Jaaliyadda DDSI iyo Guddigeeduba waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Waalidkii Marxuum Engineer Xiis uu ka geeriyooday
(Hooyo, Khadiija Xaaji iyo Aabo Cumar Xuseen) iyo dhamaan eheladii, qaraabadii iyo xigtadii uu ka geeriyooday allaha unaxariistee Mudane Xiis
waxaanu leenahay samir iyo iimaan allaha idinka siiyo isagana naxariistii janno allaha ka waraabiyo

Aamiin Aamiin Aamiin

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print