XAAJO.COM

Jaaliyadda DDS ee Yemen oo shir weyn isugu timid(+SAWIRO)

XOL: Jaaliyadda DDSI ee dalka Yemen ayaa waxey isugu timid shirweyn oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne badan iyo masuuliyiinta jaaliyadda ee dalka Yemen iyo masuuliyiin kasocotay safaaradda Ethiopia ee dalka Yemen. Shirkan oo lagu furey aayadaha Quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyey Sheekh Yuusuf Dhancadde oo ah maamulaha xawaaladda Taran.

Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyey madasha safiir kuxigeenka dalka Ethiopia ee safaaraddeeda Yemen Dim Beru Alemel oo khudbad dheer ka jeediyay waxaa isna meeshaas ka hadley wakiilka oo uu ku amaanayay waxqabadka xukuumadda DDSI ee uu hoggaaminayo Cabdi Maxamuud Cumar. INtaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyey guddoomiyaha jaaliyadda DDSI ee dalka Yemen Cabdiraxman Xasan Cabdullahi(Dalmar). Waxaa dhanka telka kaga qaybgalay shirkaas wasiirka xafiiska Qurba Joogta ee Deegaanka Soomaalida Axmed Maxamed Shugri.

Shirkan oo ahaa mid aad looga soo qaybgalay ayaa looga hadley sidii looga qaybqaadan lahaayeen hormarka iyo dadaalka nabadda ee ka hanaqaaday deegaanka Soomaalida.

 

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print