XAAJO.COM

Jaaliyadda DDSI Imaaraadka Carabta oo direysa Tacsi balaadhan

ANNAGA OO AH QURBAJOOGTA JAALIYEDDA SOOMAALIDA ETHIOPIA EE ISUTAGGA IMAARADKA CARABTA WAXAAN ANNAGA OO KA TIIRAANYEYSAN GEERIDII KADISKA AHAYD EE KU TIMID RA’ISUL WASAARIHII DALKA MUDANE MELES ZENAWI U DIRAYNAA TACSI MADAXWEYNAHA DAWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA MUDANE CABDI MAXAMUD CUMAR, XISBIGA ESPD, DAWALADDA FEDERAALKA EE ETHIOPIA, QOYSKII IYO USRADII MUDANUHU KA TAGAY IYO DHAMAAN SHACABWEYNAHA ETHIOPIA OO DHAN MEEL AY JOOGAANBA.

ATO MELES ZENAWI WAXA UU DALKA IYO SHACABKA ETHIOPIA U QABTAY MUDDADII UU XUKUNKA HAYEY WAX LA SOO KOOBI KARO MA AHA WAANA MAKHRAATI MADOONTO OO BEESHA CAALAMKA AYAA KA MAKHRAATI KACAYSA HORUMARKA UU GAADHSIIYEY DALKA ETHIOPIA.

WAXA UU HORUMAR LA TAABAN KARO OO MUUQDA KA GAYSTA DHAMMAAN KAABAYAASHA HORUMARKA BULSHADA OO DHAN SIDA TACLIINTA , ISGAARSIINTA , DHAQAALAHA , DHISMAHA WADOOYINKA , CAAFIMAADKA , BEERAHA IYO NABAD KUWADA NOOLAANSHA QOWMIYADAHA ETHIOPIA. HADDII AAN NAHAY QURBAJOOGTA SOOMAALIDA ETHIOPIA WAXAAN SI GAAR AH U DAREENSANAHAY KAALINTII UU RA’ISUL WASAARUHU KAGA JIRAY NABAD GALAYADA IYO HORUMARKA SHACABKA SOOMAALIDA ETHIOPIA EE UU HORMOODKA KA YAHAY MADAXWEYNE CABDI MAXAMUD CUMAR IYO XISBIGA DAWLADA DEEGAANKA SOOMAALIDA ITOOBIYA EE ESPD.

WAXAANU XISBIGA TALADA DAWLADDA FEDERAALKA ETHIOPIA HOGAANKA U HAYYA EE EPRDF KA RAJAYNAYNAA IN AY DADAALKII HOGAAMIYIHII WEYNAA EE XISBIGA ATO MELES ZENAWI IYO HIMILOOYINKISII HORUMARINEED EE UU LA DAMACSANAA GUUD AHAAN DEEGAAMADA QOWMIYADAHA ETHIOPIA IYO GAAR AHAANA DEEGAANKA SOOMAALIDA ITHIOPIA HALKII KA SII WADI DOONAAN.

WAXAAN MAR LABAAD ANAGOO MAANTA KAGALA QAYBQAADANAYNA MUNAASABADA AASKA,KALA SOCONA TELEFISHINADA U DIRAYNAA TACSI TIIRAANYO LEH MADAXWEYNE CABDI MAXAMUD CUMAR , DAWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA ETHIOPIA , SHACAB WEYNAHA EHIOPIA IYO DAWLADDA FEDERAALKA AHBA UGA TACSIYEYNAYNAA GEERIDA ATO MELES ZENAWI OO AAN LEENAHAY SABIR ALLAHA INNAGA WADA SIIYO DHAMAANTEENBA.

GUDDIGA JAALIYADDA IMARAADKA CARABTA EE SOOMALIDA ETHIOPIA.

1. Ismaaciil Suldaan odowaa ( Gudoomiye)
2. Eng. Cabdiraxmaan Cali Dhogor ( Gudoomiye kuxigeen)
3. Najiib Cusmaan Maxamed ( Af hayeenka iyo isku duwaha jaaliyadda )
4. Sucaad Daahir Xusseen ( Madaxa hanti dhowrka jaaliyadda)
5. Dr. Saccad xaaji Xirsi ( Madaxa abaabulka iyo horumarinta jaaliyadda)
6. Bashiir Maxamed Rooble ( Madaxa dhaqaalah jaaliydda)
7. Maxmuud Rasheed Yusuf (Xog haynta jaaliyyadda )

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print