XAAJO.COM

Jaaliyadda Qatar ee DDS oo ka dooday wadahadalkii burburay

Shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen dadwaynaha u dhashay DDSI ee ku nool dadka Qatar ayaa ka dhacay wadanka Qatar caasimadiisa Dooxa, shirkaas oo ahaa shir si aad u heer saraysa u dhacay dadkuna hadaladooda ka wada dhiibteen ayaa waxaa kasoo qayb galay  Odayaal, aqoon yahan, Culimo, Dhalain yaro iyo dhamaan Xubnaha Hogaaminta Jaaliyadda DDSI ee Qatar  (JDDSIQ)

Sida caadada inoo ah dhaqanka islaamkuna uu yahay waxaa kulanka lagu bilaabay wacdi diini ah oo uu noosoo jeediyay sheikh Axmed oo ka mid ah culimada Deegaanka u dhalatay ee ku nool wadanka Qatar wacdigaas oo uu sheekhu kaga hadlay faa iidooyinka isku duubnaanta iyo nabad ku wada noolaanshaha  loona baahan yahay manta in gamcaha la is qabsado .

Gudoomiyaha jaaliyadda Qatar mudane Maxamed Faarax (Geelle) ayaa madasha ka istaagay asagoo halkaa ka jeediyay hadallo aad u qiimo badan oo dhamaantood si fiican shacabku ugu dhag raaricin hayeen, gudoomiyuhu wuxuu si waafi ah uga war bixiyay hawlaha shaqo ay jaaliyaddu qabatay xilliyadii u danbaysay, gudoomiyuhu wuxuu sidaa kale carabka ku dhuftay in ujeedada shirkani uu yahay fikir kadhiibad shacbiyeed oo ku aadan waxa laga qaba waan waantii nabadeed ee baryahan laga dhawrayay Caasimada Nayroobi ee dalka Kenya  ugu danbayntii wuxuu gudoomiyuhu hadalkiisii kusoo gabagabeeyay in kooxda Mucaaradka ah ay ku soo laabato miiska wada hadalka Dastuurka Dawlada Federalka Ethiopiana ay Qaataan hadii ay nabad doon yihiin dadkooda iyo dalkoodana ay u diir naxayaan.

Sheekh Axmed khaliif oo hadalkiisa cod dheer ku gaadhsiinaya dhamaan  Dadwaynaha DDSI meel kasta oo ay joogaanba kuna hadlaya Codka shacbiga Jaaliyadda Qatar  ayaa hadalkiisa sidan u dhigay

Anigu waxaan u arkaa in Inagodanihii labaad uu meesha  joogo oo aan dal iyo dad toona larabin. Manta dhibaatada nahaysatana waxaa weeye kooxda yar ee duurka ku jirta waxaan walaalahanna ogaysiinaynaa inaan maskaxda laga khaldin ninkii  run dooniyoow dalkii annagaa tagnay Dawlaan haysannaa Xaga dadka, Dalka, diinta, Dhaqaalaha iyo dabiicadaba, intaba dawlad ku filan ayaan haysanaa walaalahana waxaan ugu baaqaynaa inayna nabad galyo darro abuurin oo ummadooda, ubadkooda, dalkooda iyo dadkoodaba ay u naxariistaan oo ayna ka shidaal qaadanin dad ina Godane oo kale ah iyo dad shisheeye oo aynan dadka sharafta leh odayaasha iyo culimada dalka u dhashay ay laynhayaa inay daayaan nimankaa Huteelada seexan haya lama hadlayo waxaan lahadlayaa dhallin yarada duurka lagu baa bi’yay ee loogu sheekeeyay barri baan idin xoraynaynaa, Dawladnimaan soo wadnaa, shaydaan baa ina aqoon sanhaya ee loogu  khudbeeyay Tawaada markaad jabisaan baad maska ku dhexjira dilaysaan oo macnaheedu yahay Shacabka markaad baabi’isaan ayaad cadawga u tagaysaane shacabka baabi’iya war waxaasi waa khalad maskasdana yaan la idinka khaldin ee shacabkiina u naxariista duurkana kasoo xarooda dadkiinana kaalaya oo wax la qaybsada

Odayaashu waxay dawlada ka codsandeen inay sii dardar galiyaan horumarka ay wadankooda iyo shacbigoodaba u wadaan aadna ay usii adkeeyaan nabad galyada deegaanka ugu danbayntii waxay culimadu

ugu duceeyeen madaxwayne  cabdi inuu ilaahay cumrigiisa raajiyo

Gabo gabadii shirkii jaaliyadda ayaa kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo farxad. Hadaladii shirka laga duubay oo maqal iyo muuqaal ah maalin dhaw ayaad naga helaysaan insha allaah.

 

Xaajo.com

Doha, Qatar

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print