XAAJO.COM

Jaaliyadda UAE oo bogaadisay Booqashadii Doolaal Ee Deegaanka Somalida Itoobiya

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa jaaliyadda Soomaalida Itoobiya ee Imaaraadka Carabta soo gaadhaya bogaadin iyo amaan ku socota guud ahaan jaaliyadda gaar ahaanna Dr. Doolaal xaal-xaal oo naga soo gaadhaysa wax garadka iyo waayeelka u dhashay Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ku nool daafaha dunida. Waxay wax garadku noo soo gudbiyeen qoraalo iyo taleefano ay ku taageerayaan mawqifka geesinimada leh ee Dr. Doolaal uu ka qaatay kooxda nabadiidka iyo khudbooyinkii dhaxal galka ahaa ee uu kaga hadlayey taariikhda  soo jireenka ah iyo marxaladihii dhabta ahaa ee uu  soo maray dawlad deegaanka  Soomaalida Itoobiya. Shacab waynaha DDSI ee maanta,  oo  xoogiisu  ahaa  dhalinyaro da’doodu yartahay xiligii  isbadalka  taariikhiga ahi  ka curtay  dalka Itoobiya, ayaa waxay  khudbadihii Dr. Doolaal u noqdeen fursado qaali ah oo  ay darsi taariikhi ah ka dhigtaan oo ay ka faaiidaystaan  xaqaa’iqii dhacay dabyaaqadii qarnigii la soo dhaafay. Waxay dad badan ogaadeen been ka sheegii nabad diidka fara ku tiriska ahi ku faafiyeen dhalinyarada aan waxba kala soconin sidii ay wax u dhaceen iyo khaladaadkii ay sameeyeen. Waxayna dad aad u farabadan oo qurbajoog ahi cadeeyeen in warbixintii Dr.Doolaal xaal-xaali uu ka baahiyey media ha ee  ku saabsanaa  arrimaha DDSI ay wax weyn ku kordhisay  mawqifkoodii taageerada ahaa halka kuwo mugdi badan ku jirayna waxbadan ka badalay mawqifkoodii hore ee ku aadanaa UBBO iyo hadafkeeda khaldan.

Waxay qurbajoogta DDSI si gaara u soo dhaweyeen si xooglena ugu amaanayaan  Dr. Doolaal xaal –xaali socdaalkiisii  meelo ka mida deegaanada DDSI isaga oo soo maray Mustaxiil, Qalaafe, Godey, Dhanaan, Qabridahare, Shaygoosh, iyo Dhagaxbuur. Socdaalkaas oo ay intiisa hore weheliyeen Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamud Cumar iyo wafti ka socda Federaalka, marka laga bilaabo Zoonka Qoraxay magaalo madaxdiisa Qabridahare ilaa iyo jigjiga wuxuu soo maray dhulka isagoo waliba habeen seexday degmada Shaygoosh. Meel kasta oo uu soo marayna waxaa sii xoogle oo gacaltooyo badan ku dheehantahay ku  soo dhawayey shacab weynaha ku nool  tuulooyinka, miyiga iyo magaalooyinka uu soo marayey. Intii uu safarka ku jiray wuxuu u kuur galay horumarka dhinac walba leh iyo nabad galyada ka aslaaxday deegaanka wuxuuna warbixin ka helayey odoyaasha iyo waxgaradka ku sugan meelihii uu soo maray oo dhan. Dr. Doolaal xaal-xaali oo in badan deegaanka uu soo maray ka maqnaa waxa uu sheegay in aan wakhtigii ugu dambaysay isaga iyo wakhtigan lays  garab  dhigi  Karin  faraqa  horumarineed  ee deegaanka uu soo maray DDSI ka hirgalisay.

Waxaa wax lagu qoslo noqotay in ay  kooxda been ku noosha ah ee nabad diidka ahi  isugu sheekeeyaan inay dagaalo ka sameeyeen meelo ka mida meelihi uu marayey Dr.Doolaal, taasoo uu sheegay   inay tani la mid tahay wixii hadda ka horba ay sheegan jireen,  laakiin sheegashadani  inay  isaga uga duwantahay kuwii hore  maadaama aan isaga hadda cidi wax u sheegayn  oo uu xaqaa’iqa dhulka ka jira xog ogaal u yahay. Waxayna taasi cadayn iyo makhraati cad u tahay beenta ay nabad diidku  ku maaweeliyaan kooxda yar ee dhalinyarada ah ee maskaxda ka xadeen.

Waxaa xussid mudan in  Dr.Doolaal xaal-xaal  ay la socdeen  guddi ka tirsan jaaliyadda DDSI  ee Imaaradka Carabta  kadib markii ay martiqaad ka heleen xukuumada DDSI,  gaar ahaan madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar , si ay uga qayb galaan Kullanweynaha Wadatashiga Shacabka iyo Xukuumada ee Dardar galinta Horumarka, Nabadgalyada, iyo Maamulka Suuban oo ka socday magaalo madaxda DDSI ee Jigjiga. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne ka kala yimid degmooyinka iyo gobolada DDSI oo dhan, waxa ay jaaliyaddu si buuxda uga qayb qaadatay oo dhagaysatay warbixintii madaxda degmooyinka iyo dhibanayaashii ay UBBO sida waxshinimada leh u  waxyeelaysay iyo kuwii iyagu dhibka u gaystay dhibanayaasha. Warbixintaas oo aad u murugo iyo naxdin badnayd dad bandanna isbitaalo loo qaaday kuwa kalena ku dhinteen waxay noqotay wax aan laga sheekayn Karin inkasta oo qaybo kamida laga soo daayey media ha.

Arrintaa waxaanu kaga hadli doonaa qoraalo kale.

Waxaanu halkan uga mahad celinaynaa Madaxweynaha DDSI   Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, iyo Maamulka DDSI  iyo warbaahinta ESTV,Cakaaranews  sida wanaagsan ee ay noo soo dhaweeyeen mudadii shirku socday iyo intii ka dambaysayba.

Cabdiraxman Cali Dhogor

G/Kuxigeenka Jaaliyadda DDSI ee Imaaradka Carabta

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print