XAAJO.COM

Jijiga Ma Diyaarbaa?: Qurba Joog badan oo fasaxa waddamada galbeedka kusoo aaddan Jijiga

XOL:Tan iyo intii ay nabadda, heshiiska iyo hormarka ka curteen dalka Ethiopia gaar ahaan Deegaanka Soomaalida waxaa diyaar garoow badan ku jira dad aad ubadan oo ka tagaya waddamada galbeedka iyadoo midwalba raba iney soo gaadhaan dhulkii hooyo iyagoo aad ugu xiisa qaba. Warbaahinta Xaajo ayaa waxey weydiineysaa caasimadda Jijiga ma qaaddaa qurba Joogta Deegaanka?

Waxaa warbaahinta Xaajo soo gaadhaya qoraalo badan oo ay dad badan nagu wargalinayaan iney usocdaan waddankii hooyo iyagoo qaarkood ay tala weydiinayaan qaarkoodna ayba weydiinayaan hoteeladii ay kaseexan lahaayeen meesha qaarna ay wali ka shikisan yihiin amnigooda maaddaama oo been badan ku maqan tahay kuna socotay muddo dheer.

Waxaa soo dhaw fasaxyada waddamada ree galbeedka oo ah xiliyada Dugsiyada la xidho waxaana soo xidhxidhan boorsooyin aad ubadan, waxaa soo guuraya qoysas badan waxaana lasoo wadaa caruur badan oo raba iney waddankooda soo arkaan iyadoo qaar badan ay rabaan ineysan soo laabanin oo ay iska joogaan waddankooda. Haddaba Jijiga diyaar ma utahay iney walaalaha soo dhaweyso ama qaaddo. !

Ganacsatada Deegaanka iyo xukuumadda Deegaanka Soomaalidu ha isku diyaariyaan iney diyaariyaan dhismayaal ay dadku dagaan iyo waliba sidii khibradda qurba Joogtu u noqon lahayd mid wanaagsanaata oo soo jiidata.

Waxaan leenahay Jijiga iska daaye Qurba Joogta dhan waxaa qaadda dagmada Araarso waxaana idin leenahay gacal isma cidhiidhyee soo dhawaada waddankiinu waa idiin baahan yahay idinkuna waad u baahatiine kaalaya oo soo dhakhsada.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print