XAAJO.COM

Ka Qaybqaado dhameystirka Guriga Illaahay (Masaajidka Iimey) hana ka hadhin kheyrka(SAWIRO)


Waxaa dhamaan walaalaha kheyrka jecel lagu wargalinyaa lagana codsanayaa in magaalada Iimeda Galbeed uu kasocdo dhisme masaaajid weyn oo jaamac ah oo ay dadku ku cibaadeystaan aadna loogu baahan yahay. Masaajidku meel wanaagsan ayuu marayaa waxuuna u baahan yahay dhameystir maaddaama uu muddo soo socday dadkii degaankuna ay waayeen tabar ay ku dhameystiraan.

In kheyrka iyo wanaagga la isku kaashado waa wanaagga muslimiinta lagu yaqaano waana amar eebbe xaggii ka ahaadey. Kheyrka uu leeyahay qof masaajid dhismihii kaqaybgalay waynu garan karnaa. Sidaas darteed walaalaha dhamaantood Muslimiinta ah, kuwa Soomaaliyeed, kuwa deegaanka Soomaalida, jaaliyaadka Dagmada Iimey iyo gobolka Godeyba waxaa laga codsanayaa iney dhismaha masaajidka kasoo qaybgalaan waxii ay awoodaan.
Waxaana lagala xidhiidhayaa faahfaahinta iyo bixinta tabarucaadkaba magacyada hoos ku qoran waxaana taburacaadkaas lagu diri karaa xawaaladaha oo dhan.

 

 

Abdirahman Abdulahi Abdi Bile -London 07565567762 ama
Mohamed Sheikh Abdi ( Hure) – Jigjiga 00251915744553

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print