XAAJO.COM

Jaaliyadda Qoraxay oo casha sharaf u sameysey Khadar Ismail

Jaaliyada Qorexeey ee ku nool gobolka MN oo casho sharaf usameysey wasiirka horumarinta miyiga iyo magaaloyinka ee DDSI mudane khadar abdi ismail oo booqasho kujooga gobolka MN ee cariga mareykanka.

 Kulanka jaaliyada gobolka qoraxeey iyo wasiir khadar abdi ismail oo dhacey habeenimadii isniinta oo taariikhdu aheyd 7/16/12 ayaa ahaa kulan caadi ah oo kamida kulan ay kusoo dhaweynayaan wasiirkooda uga yimid dhulkoodii hooyo iyo warbixin kusaabsan waxqabadka xukuumada uu wasiirka kamidka yahey.

Wasiirka oo intii uu MN joogey aad loogu soodhaweyey oo qeybaha kaladuwen ee jaaliyada laqaatey kulan guud iyo mid khaas ayaan loo kala hadhin soo dhaweynta wasiir Khadar abdi ismail, soodheynta wasiir khadar oo ay kaqeybqaateen dhamaan jaaliyada reer MN qeybeheeda kaladuwan sida guurtida odayaasha DDSI, ururka dhalinyarada ee sedyo, jaaliyada st cloud MN, xafladii guud ee soodhaweynta wasiir khadar abdi ismail iyo jaaliyada gobolka MN, jaalida gobolka qorexeey, ayaa dhamantood ahaa kuwo farax galiya wasiir khadar iyo reer MN.

 Wasiir khadar oo warbixin aad uqiimo badan kasoo jeediyey kulankii uu laqaatey jaaliyada qorexeey ayaa ahaa kuwo aad ufarax galiyey dadka reer qorexeey,wasiirka ayaa aad ugu dheeradey waxqabadka jaaliyada reer MN guud ahaan iyo gaar ahaan reer qorexeey sidii ay uga qeybqaateen ladagaalanka kooxdii nabadiidka aheyd oo saldhigoodu ahaa MN kana sifeeyey, iyo soo dhaweyntii waftiyadii isdabajooga ahaa ee uu horkacayey madaxweynaha DDSI oo uu wasiirkuna uga mahadceliyey sida ay heeganka had iyo jeer ugu yihiin soo dhaweynta dawladooda,iyo halgankii dheera ee ay kulawareegeen gobolka MN oo maanta xarun uah DDSI oo aan maanta loo dhaxeynin MN iyo DDSI.

Jaaliyada qorexeey ayaa iyana mahad celin aad ubalaara usoo jeedisey wasiir kahadar abdi ismail oo aad ugu faraxsan booqashada wasiirka iyo waxqabadka xukuumada uu hogaanka uhayo madaxweyne abdi mohamud omar.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print