XAAJO.COM

Khilaafku waa sharci ee ha shareysan.WQ Bishaar

Marka hore waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheledii iyo qaraabadii aay ka bexeen Regii habeenhore sida xaqdarrada ah loogu xasuuqay magaalada Gaarissa. Waxaan sidoo kale cambaareynayaa ciddii ka dambeeysay.

Waxaa igu kalifay soo gudbinta maqaalkan gaaban, kadib markaan arkay isfahamdarrada iyo jahawareerka haysta Bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad iyo sida loogu fashilmay qaabkii loo xalin lahaa.

Ma rumeysni in maqaalkan iyo wax u dhow toona lagu soo bandhigikaro ama lagu xalinkaro dhibkeena, laakiin xaqqa in mar walba la sheegaa waa waajib.

Iskhilaafka Makhluuqaadka

Iskhilaafka makhluuqaaadka Alle waa mid asaal ,sharci iyo ilaahi ah islamarkaana ku dhisan xikmad rabbani ah iyo sunnadiisa, lamana beddeli karo sunnada Alle.

Aayadaha 27-28. ee suuratul Faadhir waxaay na barayaan, Khilaafka iyo kala duwanaanshaha u dhexeeya guud ahaan Makhluuqa Alle, sida miraha, dhirta,buuraha, xayawaanada duurjoogta ah iyo kuwa la dhaqdo iyo Bani-aadamka.

Sidoo kale Aayadda 12. ee isla suuratul Faadhir waxaa ku cad iskhilaafka u dhexeeya Badaha.

Khilaafka iyo is-maandhaafka Basharka

Khilaafka Basharka waa mid soo-jirren ah oo gaamuray laga soo bilaabo maalinkii ifka la keenan Aabeheen Aaadam csw iyo Umunaa Xawaa oo ah labadii qofood ee ugu horeeray ee ifka loo soo bixiyo.

Umunaa Xawaa waxaay ka maseyrtay hooskeeda kadib markii aay biyo ka dhex aragtay, una maleysay Haweeneey kale.

Waxaa halkaas ka bilowday ismaandhaafkii ugu horeeyay ee Basharka.

Waxaa xigay Khilaafkii ugu qaabka darnaa ee Qaabiil iyo Haabiil oo ilma Nabi Aadam ah ee Haabiil qudha lagaga jaray.

khilaafkii bilowday waqtigaas wali waa uu socdaa wuuna soconayaa ilaa buunka Qiyaamaha la afuufo, sida ku cad Aayadda 118. ee suuratul-Huud, ((Allah haduu doono Basharka waxuu ka dhigi lahaa umad qura, Dadka kama suulayaan khilaaf illaa in yar oo rabbigaa u naxariistay maahee, sidaas ayuu Allah u khalqay)).

Maadaama aan rajo laga qabin in khilaaf dhamaado inta aduunyadu jirto, waxaa qassab ah in lala noolaado ama la aqbalo, loona hogaansamo sunnada Alle ee khalqigiisa.

Faaidooyinka Khilaafka sharciga ah!

Khilaafku waxuu leeyahay iijaabiyaad ama wanaag farabadan, waa hal’abuuraha nolosha basharka iyo horseedaha baraaruga iyo horumarka basharka iyo caalamka, waa hadii la fahmo la dhaqanka Khilaafka iyo sida looga faaideeysto.

Faaidooyinka khilaafka waxaa ka mid ah,

aragtida ama go’aanka aay isla meel-dhigaan labada qofood ama wax ka badan ee kala aragtida ah, ayaa mar walba saxda uga dhow midka uu gaaro qof keliya, ama koox isku fikir ah. Dooda iyo munaaqashadu waxaay daaha ka rogtaa dhinacyada qarsoon ee xaajada.

Aragtiyada is diidan ee afraada isu timid iyo ahamiyada aay siinayaan xaajada iyo weliba farqiga thaqaafadeed ama waaya-aragnimo ee aay is dheeryihiin waxaay suuro-gelisaa in xaajada la iska taago dhinacya badan, si wacanna loo gorfeeyo.

Qofka marka uu la xaajoonanayo dad kale oo weliba ka aragti gedisan, caqligiisa ayuu ku biiriyaa caqliyo kale, Cilmigiisa cilmiyo kale,Sidaasi darteed ayuu go.aanka iyo gunaanadka xaajadu inta badan noqonayaa mid ku dhisan sawir-guud oo laga dhex helay qadaa-dhiggii caqliyadii badnaa ee is biirsaday.

Ma dhabbaa inaad tahay qof samaha jecel,yoolkiisuna yahay in bulshadu gaadho wanaag,horumar iyo barwaaqo aduun iyo aakhiro ?

Hadaay jawaabtu tahay haa! Hadaba xasuuso jiritaanka dad badan oo kugu waafaqsan intaas iyo in ka badan, laakiin hadana kugu khilaafsan weyga iyo wadada loo marayo.

Si loo gurto miraha iyo wanaaga Khilaafka ama looga badbaado mariid, waabay, sun iyo dha’dhaminta dhunkaal la qooshay,waxaad laazimtaa qodobada soo socda iyo kuwa lamidka ah, si lafna ku xaganto ilkana ku nabad-galaan islamarkaana xal loo gaaro:

1. La imow niyad-samaan iyo daacadnimo

2. Hadafkaagu ha noqdo in muranka la xaliyo, qassabna ha ka dhigin in taada laguu raaco 100%.

3. Nafkaada ku qanci jiritaanka afkaaro kala gedisan iyo in khilaafku yahay fidhra ilaahi ah uunka ideylkii.

4. Qalbiga kala dagaal inuu keeydiyo cadaawad gaar-ahaaneen oo ka dhan ah dhinaca kale.

5. Si hufan oo waaqic ah u soo bandhig ra’yigaaga kuna dadaal ka dhaadhicinta qofka ku khilaafsan, xisaabtana ku darso ka tanaazulid dhibcaha qaar.

6. Ka hadal xaajada iyo xalka,hana ku mashquulin dhinaca ku khilaafsan, hadaad ka maarmi weyso ka hadalka dhinaca kale, ku gaabso dhinaca wanaaga.

7. Allah tala saaro, hana ka daalin intaad nooshahay.

Waxaa laguu hubaa inaadan marna khasaarin.

Xasuusin iyo tusaalooyin ku:

Qofka Qoriga sita ee umadda gumaadaya, ama Tooreyda iyo Budka la ordaya ee masaakiinta dooxaya, iyo midka gafuurka buuraya oo qolka isku xiray ama dadkii ka go’ay, sababtuna tahay in lala yimid ra’yi ama fikrad khilaafay tooda, waxaan leeyahay:

1.Ma xasuusataa khilafkii dhexmaray malaaikta Cadaabka iyo Malaaikta Janada ee isku qabsaday, Ninkii gooyay boqolka nafood ee lagu yiri u hijroo dhulal kale, ee geeriyooday intuusan gaarin meeshii uu ku towbad keeni lahaa.

((Ka eeg aayada 69. ee suuratu Saad))

2.Qisadii dhex martay Nabi Ibraahim CSW, iyo malaaikii soo martiday, malaaikta waxaay u socotay labao arimood oo kala ah, bishaaradii Ibraahim aay ugu bishaareeynayeen dhalashada Isxaaq csw, iyo halaagii Qoomkii gaalada ahaa ee reer luudh. Is fahamwagu waxuu biloowday markii inta uu gowracay Dibi buuran islamarkaana u shiilay, ee aay ku gacan-seeyreen iney cunaan, ileen waa malaaik u muuqaal eg sida basharka.

Wuu ka baqay wuuna arga-gaxay oo waxuu mooday inaay dhib la maaganyihiin, malaaiktiibaa fahamtay oo ku tiri isdeji waxaan kuuwadnaa bishaaro, sidoo kale waxaan halaagi rabnaa reer Luudh.

Nabi Ibaraahim waxuu qoonsaday warkii, oo ku yiri malaaiktii, ” seebaad u halaageeysaan, Nabi Luudh baaba ku dhex noole”!!!

Waxaay ugu jawaaben dan uga bax adiga,

anaga ayaa kaa og.

(Qisadan waxaad ka heli kartaa suurado badan, sida HUUD, DAARIYAAD.

3.Nabi Daawuud iyo wiilkiisa Nabi Suleymaan csw, soo iskuma khilaafin kala xukminta labadii Haween ee isku qabsaday Ilmaha, ama Cunuga.

Waxaay ahaayeen labo haween oo haysta labo wiil oo yar-yar, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa soo weeraray waraabe, waxuu qaatay/cunay mid kamid ah wiilashii, hooyadii wiilkeeda waraabaha cunay oo ah haWeeneey da’ah ayaa isku deyday khiyaano, waxaay tiri wiilkan anaa dhalay, waxaay u xukun tageen Nani Daawuud csw, waxuu wiilkii siiyay duqdi weyneed.

Waxaa ka werhelay willkiisa oo ah Nabi Suleeymaan csw, waxuu isticmaalay khidad ama kaarto si loo ogaado hooyada dhabta ah ee dhashay wiilka. waxuu yiri, tooreey ii keena, waan idiin kala jarayaa wiilka, islaanti weyneed waa ogolaatay in wiilka la kala gooyo oo qofba go ama dhinac qaadato, Hooyadii wiilka ee da’da yareed ayaa tiri, “may hakala jarin wiilka ee iyada ha qaadato” sidaas ayuu Nabi Suleeymaan ku ogaaday in iyada dhashay wiilka.(ka eeg aayada 79. ee suuratul Al-ambiyaa))

4.Nabi Muuse iyo walaalkii Haaruun csw, muran ma dhex-marin, ka dib markii uu Nabi muuse ka soo laabtay Dhuuru-siinaa ee uu yimid qoomkii oo caabudaya Dibi uu sameeyay Muuse-saamiri, kadib Nabi Muuse intuu carooday oo uu tuuray looxyadii waxyiga ugu qornaa, soo gerka ma jiidin Nabi haaruun ilaa uu ka baryootamay Haruun!(Ka eeg aayadaha 92-94. ee suuratu Dhaahaa, iyo aayada 150. ee suuratu Al-acraaf).

5.Sidoo kale waxaa is khilaafay Nabi Muuse CSW. iyo Khadar, ka eeg Suuratul Al-kahfi, qisada oo mufassal ah.

6.Tusaalaha ugu dambeeya ee aan siinayo qofkan waashay, ee umadii baa’bashay, naftiisana dhibay, in la khilaafay darteed,

Ka waran hadaad adiga is khilaafsantahay, maxaad ku eedi makhluuqa kale!!!!

Waxaad ii sheegtaa goorta la tukado Istikhaarada, maxaase loo tukadaa? Istikhaara, waa salaad labo rakca ah, oo la tukado saqda dhexe ee habeenimo.

Waxaa la tukadaa marka qofka iyo naftiisa iskhilaafaan oo uu go’aan gaari waayo.

Sababtunaa waxuu ergeeysanayaa Allah, waxuu ka dacwoonayaa naftiisa.

Waxuu leeyahay, “Ilaahoow tabar iyo taag ma hayo, ma ledo mana harsado, waa muran iyo dagaal joogta ah aniga iyo nafteyda, ee nagu hanuuni labadan amar koodii kheyr ku jiro”"

Mararka qaar khilaafka nafta iyo qofka waxuu sababaa dagaal gacan ka hadal ah, Waxuu qofka adeegsadaa hubka darandooriga u dhaca, Tooreeyada iyo weliba Xargaha laisku ciijiyo, si uu uga taqaluso naftan waashay ee uu ka seexan waayay. Imisaa dhaqtar taala, imisaa waalatay,boqolaal qof ayaa sanad walba qudha iska jara.Khilaafka dhexmara qofka iyo naftiisa ayaa 100 jeer ka badan midka ka dhexeeya dadka kale.

Marka khilaafkii naf keliya looga caalwaayay sow khalad ma aha in lagu ceebeeyo dad kale.

Mar hadii Malaaikta Rabbi is khilaaftay oo Malaaikta iyo Ambiyada iskhilaafeen oo Ambiyada Is Khilaaftay oo saxaabadii iskhilaafeen oo A’imadii iskhilaafeen, oo saalixiintii iskhilaafeen oo adiga iyo naftaada aad iskhilaafsantihiin habeen iyo maalin iyo saacad walba, maxaa ku dhibay!

Mida labaad hadaad muslim tahay, maxaad u kufrini sunada Allah Uunkiisa ku socodsiiyay! Maxaa kuu diiday ka faaideeysiga iyo la dhaqanka khilaafka sida Diinteena ta fartay ama sida Reer Galbeedka iyo umadaha aduunka! Adiga yaad la haysataa xadaarad muslim iyo mid gaal!

GunaanadSu’aal!! Soomaalida waa dadka aduunka ugu shirarka badan, hadana wax heshiis ah ma gaaraan, sabab???

Soomaalida kama hadlaan, xaajo iyo ajanda toona, ee iyaga ayaa iska hadla, Is falanqeeya, is qorfeeya, is lafagura, ilaa goobta lagu caajiso, kadibna waa la kala dareeraa.

Hadii shirka laga soo dareero iyada oo aan cidna dhib soo gaarin oo dadku wada baed-qabaan, waxaa lagu tiriyaa in shirku guul ku dhamaaday.

Waxaa la oran karaa waxyaabaha hortaagan in Soomaalidu dhinac isu raacdo, waxaa ka mid ah:

Jahli,, Diin kuma dhaqmaan, Qaanuunka caalamkana warkiisa daa,,Caajis,,aklaaq-xumo, anaaniyad iyo isla-weyna

an,, ixtiraam-la’aan dhinaca kale, naf-jecleeysi,, xiqdi iyo xasad,, kalsooni’darro dhanka ra’yiga ah iyo dhiiranaan-la’aan,, cabsi,, isku haleyn dad kale,, Faham-la’aan ahamiyadda midnimada,, in xuma loo maleeyo ruuxa kale, iyo baas-abuurnimo.

Bishar Haji

B.haji114@hotmail.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print