XAAJO.COM

Kismaayo ma masbaa galay.?WQ Mr Fiiq

From: abdullahi abdisheekh yusuf:mr fiiq
Salamu calaykum warxmatullah dhamaan muslimiinta aad ayaan usalamaya

Salaam kadib markaan in badan fiirin hayay hardanga siyasadeed ama hardanka hunguri ee ka socda geeska Africa ayaan goostay inaan qoraal kaga dhiibto fikradayda ku aadan waxa ka socda geeska Africa kaas ood mooda inuu dabada lagalay hal magalo iyo waxiii hoos yimada magalada oo aha kismayo hadaba maqaalkan maga ciisu waa
Kismaayo ma mas baa galay maxaa laga radin hayaa;

Cinwankan ayaan doortay markaan arkay kismaayo ood moodo jabad masgalay oo dhalinyaro intay budad waa wayn qatee maska isu cilin yahaan si ay udilaan sidaa maskaa waxaa ka dhigan dadka masakiinta aha ee kunool kismaayo maxaa yeelay laga soo bilaabo26-01 1991 oo ahayd markay bur burtay dawladii dhexe ee Somali ilaa manta oon marayno 2011 kismayo waxaa kala dumaala dagaal yahano iyo hogaamiyo kooxeedyo sidii naag laga dhintay hadaba anoon rabin inaan warka sii dheereeyo bal aan ka soo qabto intii kadan baysay 2006 ilaa manta maxaa yeelay dagaal ka iyo hardanku malinba waji ayuu yeeshaa wajigii ay kismaayo kusoo jirtay mudo dheer oo ahaa inay isku hardii jireen hogamiya koo xeedyo ku salaysan qaab qabiil ayaa waxuu is badalay 2006 kiii waxuuna lasoo baxay waji cusub oo xanbaarsan magic diineed oo ahaa maxaakimtii islaamiga magacan ayaa waxaa ku hoos jiray dadkala watay ahdaaf kala duwan lakin u midaysnaa ladagalan kii hogamiya kooxeed yadii kadibna waxay dagaal koodi la wada galeen dawladii ku meelgaadh ka ahayd ee abdullahi yusuf horkacayay oo wadata Ethiopia wakhtigaana kismaayo waxay kusoo dhacday gacanta maxaa kiimta iya doon dhiig ku daadan hadaba maxaa ka danbeeyay waxaa xigay inay maxaa kiimtii kusoo jabeen dagaladii ay lagaleen Ethiopia kadibna ay ka baxeen dhamaan magalooyinkay kujireen hadaba markii laga cararay magalooyinkii oo dhan ee duurka lagalay kismaayo waxay hadana gacanta u gashay Ethiopia iyo nimankii watay taas oo sahashay mar labaad inay kismaayo gacanta ugu soo dhacdo hogamiye koo xeed waxay malinba maalin soo amaa hataba kismaayo waxaa fooda isku daray niman islamiyiinta ahaa iyo cidamadii hogamiye koo xeedka waxayna sababtay in meeshaa nimankii islamiyiinta ahaa ay dagaal adag kadib dhaxleen gacan ku haynta magalada kadaba maxaa xigay ?

Inta kadib islamiyiintii ayaa u kala abtirsaday 2 qolo oo kala ahaa alshabab iyo xisbul islaam ku waas uu lahaa waxaanu u wada dagalamaynaa inaan kor yeelo kalimada alle hadaba hardan hunguri oo la isku qabtay mamulka iyo canshuurta dagada kismaayo waxay sababtay inay wadadii iyagu isku bilabaan xabada iyadoo diin udagalan kii u ekaday dakad udagalan dagaalkii dakad udagalanka ahaa ayaa waxuu socdaa ilaa manta kaas oo manta isu badalay wajiyo fara badan ood aduunka dhanba moodo inay alaabkaga luntay kismaayo maxaa yeelay web kaad furtaaba kismaayo ayuu sheekada ka bilabayaa hadaba dagaalka kismaayo haduu diin kusalaysan yahay alshabab waxaa hortaala maxaad uladagalanteen waladiini uu ka midka ahaa ninka manta Kenya idiin soo qaatay sheikh ahmed madoobe taas waxay cadayn utahay shababku inay kismaayo xisbul islaam uugu dhaxlaayeen iyagoo ka difaacan haya dakada iyo canshuuraha magalada kasoo gala taas ooy manta hubaal tahay inay ka qomamaysan hayiin maxaa yeelay meel ayna ka filayn ayay arintu kaga timaday waxay islahayeen kalajabiya xisbul islaam kadibna odayasha hogamiyaa xisbul islaam qaar idinka ha idin racaan qaara shariif lakin rag uu ugu hooreeyo mr ahmed madoobe ayaa arintaa go aan ka gaadhay mantana ay umuqataa inay kismaayo faraha shabab ka sii baxayso inkasta oyna cadayn qolada doorkan dumalaysa kismaayo

Hadaba isku soo duu duubo danta kismaayo laga leeyahay waa dan hunguri ee ma aha in dadka kismaayo jooga la hormariyo ama cisa iyo sharaf loo raadiyo lakiin waxaa layaab aha in kismayo ay lamid tahay 1 geel aha oo reer ubahan udhashay lakin malinba nin meel kale ka yimid malayo reer kii hasha lahaana gaajo la seexan la yahiin taas waxaa lamid aha in shacabka kismaayo ay kujiraan rafaad iyo kolba laba qori dhaxdood taas oo sababtay inayna dheefsan wayaan khayraadka magaladooda taasna insha allah waa laga baxayaa

Warkayga waxaan kusoo gunaanadayaa reer kismayow biyo gacmahaga ayaa looga dhargaa ee indinku magaladiina maamusha nin meel kale ka yimidna una idinku maamulin khayraadka magaladiina maxaa yeelay waxaad leedahiin dhamaan intii wax maa muli lahayd lakin ma garan hayo meel wax ka qaldan yahay culimadii dinta aqoon yahandii madiga iyo odayashii dhaqanka intaba waad leedahiin waxaan idin dhihi lahaa
maskan lawada eryayo idinku erya maskuna waa khayraadkiina ayaa noqday mas la wada raadin hayo

By abdullahi_fiiq@hotmail.com
Waqooyiga malaysia

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print