XAAJO.COM

Kooxda Asmara oo shaacisay wadahadalka Ethiopia

XOL:Muddo sanad ka badan oo ay huursaneyd kadib waxaa soo baxaya warar labada dhinacba ay ku sheegeen iney jiraan wadahadal udhaxeeya labada dhinac kaasoo looga danleeyahay in lagu soo afjaro gacan ka hadalka ka jira deegaanka Soomaalida qaybo kamid ah.

Kooxda Asmara ayaa Warfaafinteeda ku baahisey in shirar udhaxeeya iyaga iyo dawladda Ethiopia ay ka dhaceen dalka Kenya bishan Sept gaar ahaan caasimadda Nairobi. Sidoo kale sida ay baahiyeen warbaahinta Soomaalida Qaarkeed ayaa daaha ka qaaday wadahadalkan.

Faahfaahinta iyo faalada iyo maxsuulka ama xisaabaadka labada dhinacba kala soco qormooyinkeena danbe.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print