XAAJO.COM

Laba muwaadhiniin udhalatay DDS oo lagu laayay South Afrika

Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Philinpl ee duleedka magaalada Capetown ayaa sheegaya in maanta barqadii markii ay ahayd 11:30 lagu dilay labo muwaadin oo dhalasho ahaan kasoo jeedda deegaanka soomaalida ethiopia,kuwaasi oo taagnaa dukaankooda hortiisa isla markaasina dajinayey adeeg ayu sideen dukaankooda.

Labadani ganacside ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Cali Dalable iyo Baashi Axmed Saney, iyadoo falkani ayka dambeeyeen tuugo aan heebtooda la garanenin ,kuwaasi oo isaga baxsaday goobta oo markii dambe aysoo gaadheen ciidamada amaanka ee South Africa.

Marxuumiintani ayaa ku nafbaxay isla goobta, iyadoo maantaba lagu wado in lagu aaso qabuuraha muslimiinta ee Athlone ee magaalada capetown. Dhacdadani ayaa imaaneysa todobaad uun kaddib markii gabadh kasoo jeeda isla DDSI lagu dilay duleedka magaalada P.E..

Illaahay ha unaxariisto labadan marxuum ehelka iyo qaraabadii ay ka dhinteena eebbe samir ha ka siiyo.
Ali -Jawhar Hajj Cabdi.
Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print