XOL:Machadka Imaami Nawawi ee magaalada Qabridahar ayaa sheegay inay wadaan dadaalo kor loogu qaadayo tayada ardayda wax ka barata machadka iyo dhismaha cusub ee machadka uu leeyahay.
Machadkani oo ay aasaaseen qurbo joota u dhalatay gobolka qoraxay sanadkii 2011 ayaa ah mid ay wax ka bartaan arday dhan 237 arday kuwaasi ku barta maadooyinka diiniga iyo maadiga ah machadkani oo xidhitaanka sanadiyeedka loo qabtay xaflad lagu sagootiyay arday wax ka barta oo ay ka soo qayb galeen maamulka magaalada waaldiinta iyo marti sharaf kale waxa oga horayntii xafladani ka hadlay kusimaha maayirka ahna madax xafiiseedka waxbarashada iyo kobcinta awooda. Mudane Muxumed Xasan kaasi oo sheegay in machadkan mudada gaban ee uu jiray muujiyay dadaalo uu kor ugu qaadayo tayada waxbarashada .
Sidoo kale Sh cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi oo ah isku duwaha machadka ku hawlan yahay sidii kaalin laxaad leh uga qaadan lahaayeen tirtirida jahliga
Qaar ka mid ah bulshadii ka soo qayb gashay xafladani ayaa igana sheegay inuu machadkani wax weyn ku soo kor xaalda waxbarasho ee magaalada qabridahar ugu danbayntii ayaa ardayda la guudoonsiyay abaal marino kala duwan.
dhamaan qaybaha bulshada iyo maamulka machadka waxay farin balaaran u dirayaan jaliyada qoraxay iyo si wada ah uga qayb qaataa dhisma machadka ee dhawaan la dhagax dhigi doono dhismahaasoo ay ku bixi doonto in ka badan 500,000 oo dalar
Machadka markii hore hindihiisa iyo hirgalintiisa waxaa iska lahaa jaaliyada ka soo jeeda gobolka qoraxay eek u nool dalka dibadiisa hatana waxaa looga fadhiyo inay kaqaayb qatan dhismaha cusub ee dhawaan ladhagax dhigi doono.
Xaajo.com