XAAJO.COM

Madaxweynaha DDS iyo Raisul Wasaaraha Ethiopia oo kulmay

XOL:Wararka ka imaanaya caasimadda Jijiga ayaa sheegaya in Raisul Wasaaraha dalka Ethiopia Haile Mariam iyo madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ay yeesheen kulan saacado qaatay ayna ku shireen magaalada Addisababa.

Inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha ay labadan masuul ka wada hadleen ayaa haddana wararka ka imaanaya dhanka xukuumadda DDS ay sheegeyaan inay isdhaafsadeen xogihii ugu danbeeyey ayna isweydaarsadeen waxii la haboon labada dhinacba.

Xukuumadda DDS ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2010 sumcaddeeda iyo waxqabadkeeduba kor usocdey gaar ahaan soo jiidashada siyaasadda Qurba joogta deegaanka taasoo guud ahaan dalka Ethiopia aad looga dareemay ayna noqdeen qawmiyada ugu badan ee dibadda ku nool ee taageerta dawladda Ethiopia.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print