XAAJO.COM

Madaxweynaha DDS oo Imaaraadka Carabta gaadhay

Wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Cabdi MAxamuud Cumar ayaa ka dagay dalka Imaaraadka Carabta isagoo sida aan warar ku helney kusoo wajahan waddamada Yurub halkaasoo uu kulamo kula qaadan doono jaaliyaadka deegaanka ee ku baahsan caalamka.

Dhanka kale wafti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka DDS Cabdullahi Yuusuf Weerar ayaa iyaguna u ambabixi doona dhanka Waqooyiga Ameerika iyagoo kulamo badan la gali doona jaaliyaadka Deegaanka.

Madaxweyne Cabdi ayaa inta uu kusugan yahay dalka Imaaraadka Carabta la kulmi doono safaaradda Ethiopia iyo ganacstada deegaanka oo halkaas kusugan isagoo uga warami doona xaaladda deegaanka iyo gaar ahaan wada hadalkii burburay.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print