XAAJO.COM

Madaxweynaha DDSI oo kusoo laabtay Jijiga

Wafti uu hoggaaminayay madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin kasocotey dawladda dhexe oo gaadhay gobolka Shabeele iyo Qoraxay ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Jijiga. Waftigan oo diyaarad ku tagay magaalada Godey ayaa soo indha indheeyay mashaariicda jidadka ee kasocda gobolka Shabeele iyagoo markii danbena dhulka kusoo safrey illaa iyo intii ay ka yimaaddeen magaalada Qabridahare.

Waftigan oo ku hakaday magaalada Dhanaan lana kulmay shacabka magaalada Dhanaan ayaa waxey balanqaadeen in magaalada loo sameyn doono Biyo Galin isla markaana ay xukuumaddu dardar galin doonto dhismaha iyo dhameystirka jidka dheer oo si gaabis ah ay u wadeen shirkado gaar loo leeyahay.

Waftigan ayaa magaalada Qabridahare kula kulmey shacabka isla markaana socdaal dhulka ku gaadhey tuulada Maraacaato oo leh magac weyn ayna ku nool yihiiin dad xoolo dhaqato beeralay ah.

Waftiga madaxweynaha oo ay weheliyeen inta badan golaha wasiirada ayaa dib ugu soo laabtey magaaalada Jijiga .

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print