XAAJO.COM

Madaxweyne CMC oo kulan khadka Tel-ka la yeeshay jaaliyadda Qatar

Shir abaabulan oo ay isugu yimaadeen gudiga jaaliyadda DDSI ee Qatar ayaa maalintii shalay ahayd ka dhacay caasimada Dooxa ee wadanka Qatar.

Shirkan ayaa ahaa mid lagaga hadlayay laguna gunaanadayay shirar hore oo hada ka hor guddigu ay isugu yimaadeen laguna gorfeeyay sidii aqoonsi jaaliyadeed loogu samayn lahaa dhamaan bulsho waynta ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan dalka Qatar. Jaaliyadda DDSI ee dalka Qatar ayaa soo bandhigtey aqoonsi(ID) ay rabaan iney jaaliyadoodu sameysato sida ka muuqata sawirkan hoose.

Kulanka ayaa sidii caadada noo ahayd ku bilawday is xasuusinta alle kadibna waxaa hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda mudane Maxamed Faarax Cabdille (GEELLE) oo runtii soo jeediyay hadallo aad u qiimo badan oo uu kaga hadlay horumarka iyo nabad galiyada Deegaanka iyo waliba in ay jaaliyadda Qatar hiil iyo hooba la garab taagantahay xukuumada DDSI oo runtii ayadu ku sifawday daryeelka dadkeeda iyo dalkeeda

Gudoomiye Geelle ayaa ka war bixiyay dadaal dheer oo gudiga jaaliyadu labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ku diiwaan galinayeen aqoonsiga jaaliyadana ugu samaynay lahaayeen dhamaan dadwaynaha kasoojeeda DDSI ee ku dhaqan dalkan Qatar gudoomiyuhu wuxuu sheegay in aqoonsigani uu ka caawin doono dhamaan wixii uu shaqsi walba uga baahdo guud ahaan dalkeena Ethiopia gaar ahaanna DDSI oon dhamaanteen kasoo wada jeedno. Isaga oo kacodsaday dhamaan dadwaynaha jaaliyadda Qatar in ay qaataan kaadhka aqoonsiga guddiguna uu soo bandhigay muuqaalka iyo noocada uu yahay

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisii kusoo gabagabeeyay in loo diyaar garoobo shirar waawayn oo lagaga hadli doono sidii wadanka horumarkiisa looga qayb qaadan lahaa loona sii dardar galin lahaa dhaqdhaqaaqa jaaliyadda Qatar. Gudoomiye Geelle ayaa ugu danbayntii si guud ugu baaqay dhamaan jaaliyadaha kasoo jeede DDSI ee ku kala nool aduunka daafihiisa inay dadkooda aqoonsi siiyaan si ay u fududaato wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda iyo jaaliyadaha.

Nasiibwanaag waxay jaaliaddu khadka taleefanka kula hadashay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ku sugan dalka isu tagga imaaraadka carabta (UAE) madaxwaynuhu wuxu ugu hanbalyeeyay kuna bogaadiyay hawasha iyo shaqooyinka ay gudigu fuliyeen asaga oo ka cudur daartay inuusan wadanka Qatar soo mari Karin wakhtiga oo aad ugu cidhiidhi ah la adligeed madaxwaynuhu waxa uu inta raaciyay in dawladu ay lagarab taagantahay jaaliyadda wax kasta oo ay uga baahdaan wadankii ayagana laga doonayo inay si hufan uga qayb qaaataan horumarka iyo nabad galyada Deegaankood.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print