XAAJO.COM

Tel-ka Mobile iyo Magaalada Dhanaan oo is bartay!

XOL: Waxaa maanta magaalada Dhanaan ee gobolka Godey markii ugu horeysey taariikkhda gaadhay Telka gacanta lagu wato ee Mobile-ka iyadoo adeeggani yahay mid dadka si wayn usoo dhaweeyeen iyagoo ku faraxsan iney helaan adeeggan oo noloshooda waxbadan kusoo kordhin doona.

Xukuumadda Deegaanka iyo midda federaalka ah ayaa sanadahan danbe ku mashquulsaneyd sidii ay qaybweyn uga qaadan lahayd hormarka dalka iyo deegaanka iyo talaabooyinkani ay waxbadan ka midha dhalinayaan ayna tahay adeeg muhiim ah oo loo baahnaa.

Magaalada Godey ayaa dhawaan iyadana loo sii daayay adeegga telka gacanta iyadoo Qabridahare iyo Dhagaxbuurna ay ka horeysay.

Qorshaha ayaa ah in marka hore caasimadaha gobolada laga hirgaliyo kadibna la isku wada furo marka la dhameystiro biraha wararka laliyo oo aad meelo badan ku arekyso deegaanka.

Gobolka Godey iyo Gobolka Fiiqeed dagmooyinkiisa Qaar iyo midka Qoraxay ayuusan wali wada daboolin adeeggani waxaana lagu wadaa in sanadkan inta ka dhiman la gaadhsiiyo.

Shacabka ku nool magaalada Guunka ah ee Dhanaan ayaa aad ula yaabay una soo dhaweeyey iney maanta iyagoo xoolahooda iyo beertooda la jooga ay ehelkooda la hadli kari doonaan meeshii awal telka caadiga ahi ku ahaa dhabriir oo hal meel ka ahaa.

Hirgalinta khadka telka ee magaalada Dhanaan waxey horseedi doontaa inuu mardhaw gaadho ceelasha iyo tuulooyinka ku xeeran sida Shiniile, Burqayar iyo Qorra oo ah meelaha sida caadiga ah loo daggan yahay.

Ugu danbeyn waxaa jirtey murti hore oo Dhanaan aad looga yaqaanay oo ahayd ” Dhadh iyo Dhanaanaa! Maantana waxaan leenahay Mobile iyo Dhanaanaa! Waxey qayb ka tahay HAYAANKA HORMARKA DEEGAANKA!

Xaajo.com

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print