XAAJO.COM

MAGAALADA DHANAAN SIDAY AHAAN JIRTAY, SIDAY TAHAY MAANTA IYO TALADA LA GUDBOON QURBA JOOGTA REER DHANAAN.

Bismilaahi al raxmaani Al raxiim,,,,,

Qormadaydani waxaan ku daah furanayaa maahmaahda ama oraahda oranaysa (SALKU WAA DHANAAN), taas oo macnaheedu ay wada garanayaan dadka reer Dhanaan iyo nawaaxigoodaba, oo ay ku tusinayso sida dadka reer dhanaan ay ugu dhaaran jireen una kool koolin jireen magaalada Dhanaan bari samaadkii taas oo loo fahmi karo in magaalada dhanaan ay dadka reer dhanaan ugu deeqday wax walba oo ay u baahnaayeen, hadaba si kooban aan uga hadlo xiriirka ka dhaxayn jiray magaalada Dhanaan iyo dadka reer dhanaan Xiliydaii hore iyo waxa is badalay iyo xiriirku sida uu noqon doono mustaqbalka.

Magaalada Dhanaan waa magaalo istiraatiiji ah dagmooyin waawayn iyo gobolo badana xuduud juqraafi ah la leh oo ka mid ah Deeegaanka Somalida Ethiopia, ama Somali Galbeed ama Ogadenia (nin walba sida uu jecelyahay ha u qaato), waxaana magaalooyinkaas ka mid (Goday, Qabri dahare, Iimmey, Dhagaxuur iwm).

Magaalada Dhanaan ilaahay wuxuu ku manaystay khayraad fara badan oo ay qayrkeed ku dhaaftay waxaana ka mid ah khayraadkaas 1) khayraadka Beeraha 2) xoolaha nool geel, lo iyo ari 3) khayraadka dhabiiciga ah sida geedaha iyo fooxa.

iwm.

Nimcadaas uu ilaahay ku manaystay dadka reer dhanaan, waxay u isticmaaleen bari samaadkii sidii ay ahayd waxaana soo qaadan karaa :-

01) xaga ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Magaalada dhanaan waxay ahaan jirtay meelaha ugu ganacsiga badan dhulka Somalida Ethiopia, xiliyadii hore, waxayna ahayd magaalo aad u camiran, ganasiga ugu wayna wuxuu ahaan jiray ganacsiga dalaga beeraha, xoolaha nool, iyo beecmushtariga kale.

02) isku xidhnaanta Bulshada reer dhanaan iyo bulshada kale.

dadka reer dhanaan waxay ahaan jireen waxa loo yaqaano dad multi-Cultural ah, waayo magaalada dhanaan maadama ay ahayd magaalo ilaahay nimco ku manaystay waxay wada qaaday oo ku wada noolaa dad fara badan oo ka kala yimid magaalooyinku ku harayraysan waxaan tusaale usoo qaadan karaa dadka reer goday, qabri dahare, iwm, dadka reer dhanaana waxaa kulmin jiray Salku waa dhanaan iyo reer dhanaan baa nahay oo kaliya, taas oo u saamaxday in dad gobolo kale ama dagmooyin kale ka yimid ay dhanaan ugu noolaan jireen sidii gurigoodii oo kale iyo ka fiican taariikhdii horana laguma hayo nin dhanaan bartay oo ka guuray, siday odoyaal wax garad ahi noo xaqiijiyeen.

3) Nabadii iyo hor u markii Dhanaan yaalay xiliyadii hore waxaa ku sii biiray fididii dariiqadii Sayid Muhumed Aw yusuf oo u horseeday dadka reer dhanaan inay si fiican u bartaan shareecada diinta islaamka una dhabaqaan, waxayna dhanaan noqotay magaalo iyo mad raso (School) cid walba ku taanto inay ku noolaato, waxaana ka soo baxay dariiqadaas culumaaudiin diinta meel dheer gaarsiiyay oo reer dhanaan ah.

4) Reer Dhanaan waxay lahaayeen ugaaso iyo oday dhaqameedyo garta siday tahay u naqa oo looga yimaado meel ka duwan, waxaana xusid mudan geedkii DANWAA ee garta lagu naqi jiray.

MAXAA IS BADALAY.

Qixii dagaalkii 1997 kadib, (taariikhdaasi oo uu ruux walba xasuusan yahay), ayaa xidhiidhkii dadka reer dhanaan iyo magaalada Dhanaan mugdi soo kala dhaxgalay kadib markii dadkii reer Dhanaan badankoodii ay usoo qaxeen xaga koonfurta somaliya, kala maqanaanshahaasina wuxuu socday ilaa 1991kii, kadib markii ay burburtay dowladii dhexe ee somaliya, iyadoo qayb ka mid ah dadkii reer dhanaan ay ku soo noqdeen magaaladoodii qiimiga lahayd, ee Dhanaan, dadka badankiisii kalana ay usii qaxeen xagaas iyo kenya,qaarkoodna wadamada Carabta iyo Yurub iyo Waqooyiga America iyo South Africa,

MAXAA ISA SII BADALAY .

waxaa isa sii badalay aragtidayda in dadka reer Dhanaan ee Qurba joogta ah ee dacalada aduunka ku kala baahsan ay dadkii reer dhanaan in tii ku hadhay magaalada Dhanaan ka soo kaxeeyeen qaarna ay qaxootiyada kenya u direen qaarna goday iyo Jigjiga u soo rareen oo ay halkaas biilka ugu diraan, mar dhawayto oo aan tagay jigjiga waxaa la ii xaqiijiyay in dadka reer dhanaan ka ah ee Goday dagan ay kor u dhaafayaan kumanaan kun oo qoys, halkii magaaladii dhanaan ahaydna la soo wada cidleeyay iyada oo lagu mar mar siiyoonayo waa biyo la,aan taasna aan inagu xalin karno, waxaana hubaa in dad badan oo reer Dhanaana oo qurba joog ihi ay wax badan Dhanaan u qabteen hadana Dhaliishaasi inaan leenahay ayaa muuqata.

SIDEE WAX LOO SIXI KARAA?.

Waxaa marag ma doonta ah inuu jiro isbadal, sidaas daraadeed si ay magaalada Dhanaan ula jaan qaado qayrkeed kuna noqoto siday ahaan jiray iyo ka badan waxaa la gudboon qurba joogta reer Dhanaan, inay indhahooda iyo caqligooda furaan lana jaan qaadno waxa socda, cidii dadaal wada ama horay usamaysayna waan u mahadcelinaynaa, xiriirkeenii aan Magaaladeena Dhanaan la lahayna dib u soo celinaa SALKUNA WAA DHANAAN.

Mohamed-Sharif Haji Mohamed

shariifbaashaa@hotmail.com

——————————————————————————–
Date: Tue, 21 Dec 2010 15:38:15 -0800

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print