Tan iyo intii xukuumadda DDS ay ku dhawaaqdey dagmada cusub ee Ceelweyne waxaa warbaahinta Xaajo soo gaadhaya cabashooyin iyo qaylo dhaan aad ubadan oo lagu muujinayo sida ay arintani usaameysey gobolada iyo magaalooyinka ku hareereysan ceelweyne iyo guud ahaan shacabka daga gobolka Fiiqeed.
Qoraalo badan oo nasoo gaadhay ayaa dhamaantood xusey ineysan kasoo horjeedin in la helo dagmo cusub oo usoo koradhey deegaanka taasina tahay qayb kamid ah hormarka deegaanka ayna soo dhaweyneyaan talaabo noocan oo kale balse arinta laga biya diidey ayaa ah inaan dhibaatadii dhabta ahayd aan la xalinin ayna tahay uun dhibaatadii dib loogu rarey meelkale oo aad uga durugsan meelihii la isku heystey.
Magaalada Ceelweyne ayaa ahayd Qabale hoos yimaadda magaalada Dhanaan waxayna jaaliyaadka ree Dhanaan ee dal iyo dibadba kusugan ay sheegeen inaan si wanaagsan loo maamulin magacaabista dagmadaas isla markaana aan cidna laga tala galinin hawshaas .
Qoraal dheer oo naga soo gaadhay jaaliyaadka gobolka Fiiq ayaa dawladda ku canaantey iney arintani dhiiri galin u tahay qofwalba oo raba inuu sad bursi helo iyagoo sheegey in dad gaadhay 1000 ruux ay ku dhinteen dagaaladii sanadaha socdey ee ka dhacey deegaanka Raaso. ” Dad baa soo duuley waxeyna dul dageen dad meel daggan, marka xalku ma ahayn in abaal marin looga dhigo in dad dhulkii lasiiyo ee waxey ahayd in dhulkii ay ka yimaadeen lagu celiyo” ayuu yidhi qurba jooge nala soo xiriiyey .
Iyadoo daafaha aduunka aad looga dabaaldagey loona soo dhaweeyey dagmada Ceelweyne waxaa haddana muuqata inaysan dad badani oo deegaankaas ka agdhaw aysan ku qancin qaabka loo maamuusey hawshan.
Magaalada Dhanaan oo ah magaalada ugu dhaw dagmada Cusub ee Ceelweyne ayaa ka cabata in xukuumaddu ay gacan bidixeyn ku heyso marka la eego dhanka biya galinta oo 20 kii sano ee udanbeysey ay dadweynaha ree Dhanaan ka sugayeen xukuumadda.
Xaajo.com