Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»ONLF, JABHAD GUULEEYSATAY.WQ Cali Maxamed
ONLF, JABHAD GUULEEYSATAY.

Tan iyo markii gumeeysiga itoobiya uu xooga ku qabsaday dhulka loo
yaqaan Ogaden ama Ogaadeenya, waxaa mar walbaba taagnaa halgamo hubeeysan oo lagu diidan yahay caga dhigashada gumeysiga madoow ee ciida Soomaaliyeed. Halgamadaa kuwii ugu waaweeynaa waxaa ka mid ah : halgankii Sayid Maxamed Cabdulla Xasan, Nasrullahi, Jabhada Xoreeynta Soomaali Galbeed iyo ugu danbeeyntii xoreeyntii Ogaadeenya ee dowladii Soomaaliyeed sanadkii 1977.

Dowladii Soomaaliyeed ee Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre
waxey ku guuleeysatay in eey dhulkaa ka xoreyso gumeysiga itoobiya,
Ogaadeenyana waxey xor ahayd mudo sideed bilood ah. Nasiibdarase arigtada doowladaha waaweeyn ee u hiiliya itoobiya qaarkood oo ahaa in Soomaaliya ku soo duushay itoobiya ayaa meesha ka saartay in dagaalku ujeedadiisa ahaa sidii dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya dagan isaga qaadi lahaayeen heeryada gumeeysiga. Dowladahii u hiiliyay itoobiya waxey u hureen maal iyo moodba ilaa Ogaadeenya ku soo noqota gacanta gumeeystihii laga cararayey. Dad badan oo daneeya qadiyada Ogaadeenya ayaa aaminsan hadii dowladii Soomaaliyeed ee xiligaa ku ekaan lahayd taakuleeynta jabhadii Xoreynta Soomaali Galbeed, waxaa markaa muuqatay in jabhadaasi ka miro dhalin lahayd halgankaas.


Waxaa iyana xusid mudan jabhadii Al-Itaxaad oo iyaguna dagaalo ka galay
dhulkaa sanadihii sagaashamaadkii. Jabhadani waxey ku faani jireen in
eey ka koobnaayeen Soomaali oo dhan una dagaalamayeen koryeelida
kalimada Alle, dhibaatooyin ba’an ayeey u geeysteen ciidamada gumeeysiga.

Sababihii ugu weeweeynaa ee baabi’iyay urarkan ayaa waxaa ka mid ahaa
in uu maamulo badnaa isla markaana aanu lahayn istiraatiijid dheer oo
dagaal iyadoo taasi u dheer tahay in qaar ka mid ah hogaankii sare ee
ururkan la haayeen ujeedooyin kale oo aan ahayn xoreynta dadka iyo
dalka Soomaaliyeed ee cadawgu gumeeysto. Iyada oo dagaalku si xoowli ah u socdo ururkana gaaray guulo wax ku ool ah ayaa waxaa is la markiiba soo baxay in ragii ka danbeeyay in dagaal laga galo Ogaadeenya oo ayagu
ahaa madaxdii urarkan bilaabaan miji xaabin.

Is la markiiba waxey is hortaageen sii wadida dagaalka kuna tilmaameeyn
in uusan xaq ahayn, sameeyeena ururo kale sida Al-Islaax,
wakiiladoodii carabta fadhiyay waxey jareen wixii dhaqaale ahaa oo gaari lahaa ragaa jihaadka ku jiray iyagoo la heshiiyay cadowgii eey la dagaalamayeen Super Marketyana kaga furtay Addis-Ababa dhaqaalihii Islaanimada lagaga soo ururiyay wadamada Carabta. Waxaa sida maalin cad oo kale u cadaatay in qaar ka mid ah wadaadadii ku faani jirey in kalimada Alle walaaleeysay aanay ka run ahayn sheegashadoodii hoostana ku wateeyn dano shakhsiyadeed iyo kuwo qabyaaladeedba. Is ku soo duuboo ururkii guulaha gaarayay ayaa bilo gudahood la waayey sida xeeydh cadceed qabatay oo kalana u dhalaalay isaga oo aan burbur meel kale uga imanin, ruux walbana ku noqday halkii markii hore uu ka yimid iyagoo markaa dalkii iyo dadka Soomaaliyeedba cadowga uga tagay.

Doorashadii ka dhacday Ogaadeenya sanadkii 1993 ayaa lagu tilmaami
karaa doorashada kaliya ee u dhacday si cadaalad ah iyada oo aanu jirin
faro galin dibada ka imaaneeysay taasi oo aay ugu wacneeyd tikreega oo
waqtigaa awood badan lahayn. Ururka ONLF ayaa aqlabiyadii baarlamaan
goboleedka si weyn ugu guuleeystay. Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya (JWXO), ayaa waxaa dhidibada u aasaasay muwaadhiniin reer Ogaadeenya ah ujeedada ugu weeyna tahay sidii xornimo loo gaarsiin lahaa Soomaalida Ogaadeenya iyadoo la muujinayo in qadiyadani aayan ahayn mid u dhaxeeysa itoobiya iyo soomaaliya ee arintu tahay umada Soomaaliyeed ee Ogaadeenya oo dooneeysa in eey ka hoos baxdo gumeeysiga. Is la markaana umadaa masiirkooda gacmahooda ku qabsadaan. Tan ayaa ah guusha koowaad oo aay JWXO soo hoyisay. In aan dagaal la galin hadii nabad wax lagu helayo
ayaa ka mid ah mabaadi’da jabhadan. Si loo dhameeyo dibaatada waqtiga
badan soo jiitameysay ee baaba’a iyo burburka u keenay labada
dhinacba ayeey bartamihii sanadkii 1994, waxey JWXO weeydiisatay itoobiya in afti laga qaado Soomaalida Ogaadeenya taas oo waafaqsan dastuurka quruxda badan ee itoobiya ugu talo gashay in eey ku qalado rayul caalamka aduunka kuna sheegtay in qowmiyadii doonta go’i karta.

Axdi ma laha xabashidu lagu aaminaayaa, ninkii xukunka itoobiya ku
yimid taageerada umada Soomaaliyeed wuxuu codsigii baarlamaan goboleedka uga jawaabay isagoo afganbiyay maamulkii sida xorta ahaa lagu soo doortay dagaal cadna ku qaaday JWXO, bilaabayna in uu sameeyo lagu shaqeeystayaal dano kala duwan leh. Kuwaas oo aan waxba maamulin iyaguse la maamulo dhexdoodana is arki karin, waxa kaliya oo aay awood u leeyihiina tahay inkirida danbiyada ciidamada cadowgu ka galayaan shacabka Ogaadeenya iyo ku dhawaaqida nabad iyo horumar aanay jirin meel eey ka jirto.

Waxaa intaa dheer isagoo ciidamo badan oo fasax nooc walba ah heeysta u
diray Ogaadeenya marka lagu daro kuwii horey u sii joogay, amxaarku wuxuu go’aansaday in halgan isaga ka fac weeyn cudud milatari ku muquuniyo.

JWXO, dib u habeeyn ka dib waxey ku guuleeysatay kalsoonidii shacabka
gudaha iyo dibadaba iyo sidoo kale dhamaan qorshayaasheedii siyaasadeed
& milatari taasoo ah sidii eey u fashilin lahaayeen damaca gumeysiga
gaamuray. Ciidanka Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya waa gabdho iyo wiilal wacad ku maray iyagoo Alle iyo umadooda kaashanaaya in eey soo dhiciyaan
xaqa umada oo ah madaxbanaanidooda. Waxey is ku darsadeen wanaag oo
idil hadii eey ahaan lahayd gudashada waajibaadka Alle, is ka dhoowrista
cunida mukhaadaraadka iyo hanti aayan xaq u lahayn, iyo iyaga oo aanan
xabad ku ridin waxaan ahayn cadowga iyo cadow kalkaalka si wanaagsana
ula dhaqma cadowgii dhaawac lagu qabto ama isa soo dhiiba. Guulaha iyo
hab dhaqankan wanaagsan, jabhadu waxey ku kasbatay taageerada kala go’a
lahayn ee loo hayo halganka gudaha iyo dibadaba.

Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya waxey ku guuleeysteen sameeynta iyo
gacan ku heeynta ururka JWXO oo ah urur siyaasi ah is la markaana hubeysan
oo u taagan danaha dalka iyo dadka. Waa urur farxad galinaya muwaadin
kasta oo Soomaaliyeed oo nadiif ah is la markaana ka naxaan maangaabku
iyo kuwa qabyaaladu madax martay oo eey dhibto hurumarka aay umadi
gaarto.

Dhinaca dibada, JWXO waxey soo hoyisay guulo la taaban karo, iyaga oo
ku guuleeystay ka dhaadhicinta wadama caalamka xaqnimada halganka umada
Ogaadeenya, kasbadayna saaxiibo badan is la markaana ka dhigay qadiyada
Ogaadeenya mida loogu hadal heeyska badan yahay golayaasha dunida.
Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya ayaa aaminsan in JWXO ku socoto tubtii
xornimada lagu gaari lahaa is la markaana tahay matalaha kaliya ee xaqa ah,
iyagoo ogolaan doonin in markale qadiyadooda marin habaabiyaan dad
dano qaas ah wata. Laga soo bilaabi tan iyo 1984tii markii jabhadani
halganka ku bilowday afar wiil, laba gabadh iyo labo qori, waxey u babac
dhigayeen dhibaatooyinka xad dhaafka af ee ka imanayay gumeeysiga iyo
kalkaalayaashiisa. Wiilkii ay ku dhashay gabadha mujaahidada ah duurka,
ayaa ku qaan gaadhay isaga iyo hooyadii oo aan dhinacna uga bixin
halgankii dhib iyo dheefna la qeeybsanayay dadkooda. Tani micnaheedu waxa weeye
in Cidii daneynaysa qadiyada Ogaadeenya ku qasban tahay in eey ku daba
feeysho JWXO.


Cali Maxamed
Dhaga01@hotmail.com

Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com