Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Gacalkood helooyin soo dabaala dibindaabyada intey sii fogaanin!WQ Al-Haji
Waxaa nasiib daro inteeda le eg ah in umaddii Ogaadeenya oo dhami ay daanka iyo labada dhaban haysato maanta kadib markii ay soo shaac baxdey in markii ugu horeysey taariikhda deegaanka ay laba urur oo isku mawqif ah ay qorigii ay uwateen Tigreega ay isku jeediyeen ayna wiilashii reerahoodii kasoo tagay isku laayeen sababo ay adagtahay in dad badani ogaadaan.

Waxii dhacey ha dhacee, maxaa xiga ayaa ah suaasha marwalba la isweydiin karaa? Ma ninkii roon reerka ha uhadhaa mise waa midkii walaalnimo iyo waanwaan baa mudan in dib loo eego waxwalbana laga hormariyo danta guud iyo hadafkii ahaa in Tigreega lala dagaalamo. Dhanka kale waxaa maanta magaalo walba oo deegaanka ka tirsan xabsiyadeeda ka buuxa dad masaakiin ah oo lagu soo xidhxidhey iney xidhiidh ama xubno ka yihiin ururadaas hadda banaanka isku rifaya. Waxaa hubaal ah iney tahay taariikhdii ugu qaab darneyd ee gobolku kasoo maro dhanka ururo dagaalamaya oo iyagii isku jeedsada. Waa dhiillo aan la ogeyn meesha ay ka imaaneyso iyo cidda dabka hurineysa.

Maxaa maanta ka xanuun kulul in wiil 10 sano aan reerkiisa arag oo qori u watey inuu Tigree la dagaalo, lasoo sheego in wiilkale oo isna 10 sano qori watey uu diley dagaal dhexmaray dartood. Hooyadii gablantey iyo aabbihii dhalay wiilkaas maxaa loo sheegi marka la yidhaahdo wiilkii waa dhintey oo waxa diley wiil hebel oo urur hebel ahaa. Saw amakaag kuma ahan oo geerida kasaskoow xanuun dheeri ah iyo aakhiro waa saw ma ahan.


Taariikhdu waa ay qormeysaa maalinba maalinta ka danbeysana raad ayay reebeysaa. Ninkii is leh waxbaa qarsoona Illaahay kasakoow umaddu caqli iyo indhaba waa leedahay, waana loo jeedaa cidda gardaran. Nasiib xumo waxaa bilaaway in jaaliyaadkii iswada qabsadaan waxaa kale oo bilawdey in Soomaali inagu wada wiirsato maanta xilli Tigreegu tabar beeley oo ay ahayd in gacanta la isqabsado danta guudna laga shaqeeyo.

Markaad eegto qayalada kasoo yeedheysa meeshan aan joogo ee Afrika, Carabaha iyo waddamadaas gaalada waxaa muuqata in muddo yar dabadeed haddii ay sedan kusocoto ay dhibaatooyin intan ka badan dhacaan. Illaahay dadkeyga waa arkaa waxaana rajeyn inuu faraj kheyr qaba u furo.

Waxaan kusoo koobayaa in ururka ONLF ay arintan dhulka dhigaan kalana tashadaan bulshada isla markaana ay raali galin ka bixiyaan weerarkii ay labeegsadeen walaaladood kadibna la wada hadlo. Khalad waa dhacaa balse waxaa wanaagsan in khaladkaas laga noqdo lagana heshiiyo. Sidoo kale waxaa faran MJXSG Iney laftigoodu ka fiirsadaan ineysan sii buunbuunin sheekadan laguna wareejiyo odayada iyo culimada umadda. Illaahaw hawshan qabooji

Al Haji
ogadenya@hotmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com