Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Keebaan dooranaa 2010? WQ Daahir
Sh ibraahim max'ed .C/max'uud cumar .admiral max'ed cumar ???
Waxaa lawada ogyahay in wadanka S/galbeed(ogadenia) ee ay Ethiopia gumesiga iyo xoogga ku joogto in ay ka jireen walina kasocdaa dagaalo looga soo horjeedo cadawga ilaahay iyo shacabka Somalida ogadenia , jamhado badanna ay ka soo dagalameen , kasoo bilaw bilawgii qarnigii tagay illaa dhamaad kiisii sida DARAAWISHTII, URURKII NASRULLAHI, WSLF , AL ITIXAAD iyo kuwa hada wali jira sida UWSLF ,ONLF .Lakiin su'aasha tagan yaa odhanaysa maxaa natiijo ah oo lataaban karo ayay gaadheen ? seesa shacabku u arkaa??

Sikasta ooy ahaataba waxaa lagudboon ama waa jib ku ah shacabka somalida ogadenia in ay kala doortaan laba arimood oo kala ah
-sii socoshada fawdada , nabadgalyo la'aanta, burburka diinta ,dadka iyo dalka
-iyo helidda nabad waarta , iyo sara uqaadida wacyiga dadka , diinta iyo dalka.

Hadii aan dib ugu soolaabto su'aasha ciwaanka ah
Bal marka hore aan waxyar iftiimiyo sadexdan mas'uul een is bar bar dhigay anigoo kasoo qaadanayo mid waliba meesha shaqadiisa tahay iyo hadaladii ugudanbeeyay e u saxaafad ka jeediyay erayo ka mid ah.

1.Sh Ibraahim Maxed Xuseen: waa madaxa ugusareeya ururka midawga jamhada xoraynta s/galbeed UWSLF. Ururku wuxuu kadagaalamaa gudaha S/galbeed, waana urur islaami ah. hadaladii ugu danbeeyay e uu jeediyo waxay ahayd 24 lulay 2009 wuxuuna kajeediyay qanaadka AL JAZEERA. Wuxuuna sheegay in Ethiopia ay ku hayso shacbkooda dhibaateyn joogta ah sida :cuna qabatayn dhaqaale , curyaamin hay'adaha samafal ka ee ka hawgala wadnka , caafimaad la'aan iyo ayadoo is hortaagto wax alba oo hormarin ah. Dhanka kale wuxuu sheegay in ay ciidamadoodu u gaystaan shacabka dil ,xabsi, kufsi, jidh dil kabaxsan bini aadanimada.


2.Admiral Max,Ed Cumar Cismaan : waa madaxa ururka jamhadda xoraynta ogadenia onlf . waana urur wadani ah oo ka dagaalama wadanka somalida ogadenia .hadaladii ugudanbeeyay waxay bexeen 16 august 2009 wuxuuna kajeediyay VOA laanta afsoomaliga ah. Wuxuuna ka hadlay dhibaatada shacabka uu kujira , sida ay uga dhex dagalamaan iyo in aysan diyaar u ahayn xilligan lajoogo in ay dhul qabsadaan e ay ku jiraan ku dhufo oo ka dhaqaaq , baahida shacab ka ay dawlad u qabaan , iyo in Ethiopia luqada ay garanayso tahay xabad xalakale mayahayno ayuu yidhi max,ed cumar.


3.Cabdi Max'uud Cumar : waa hogaanka nabad galyada iyo cadaaladda deegaanka soomalida ee loo bixiyay kilil 5. waa wadanka somalida ogadenia e. hadaladiisii ugu danbeyay waxay kabexeen VOA laanta afka somaliga ah 23/8/2009 wuxuuna kahadlay arimaha amaanka oo uu sheegay in ay si adag ula dagaalameen nabd diidka, nabadda wadankana hadda ay marayso meel la isku haleen karo wuxuuna sheegay in dahabku bananka iska yaalo meelo badan oo kamid wadanka , wuxuuna ugu baaqay bulshada dibadda in ay maal gashadaan wadankooda. waxaa sidoo kale uu kahadlay arimaha horamarka, wax qabadka dawlada deegaanka IWM .
sikasta ooy ahaataba haddii la isku soo aruuriyo hadaladooda waxaa ka dhex muuqda mid waliba inuu isku dayaayo in uu muujiyo dhibaatada ka soo gaadhaysa shacabka dhinaca kale , asaguna uu wadanka ladoonayo in uu helo dawlad xaq ah madax banaani,hormar iyo wanaag.

Hadaba hadii aanahay shacabka reer ogaadeniya maxaa nala gudboon in aan samayno?, madaawanaa ciyaartan murugada badan (hada ogaadana dadka ay kutiirsayihiin mas'uuliyiintaas waa innaga , sidoo kale dadka udhimanaaya gaajada, dilka –haloo dilo waa dabaqoodi,waa jaajuus ama nabad diid e –waa innaga , dadka xabsiyadda kabuuxana waa innaga, dadka la jidh dilaayo ama lakufsanayana lana barakicinaayo waa innaga)
Hadaba hadii aan dhahno bal aan sugno saan u ogaano midkoodii dhibco bato e , soo maha taasi in aan ogolaanay siisocoshada dhibaatada xanuunka badan ee nagusii fidayso .

Gundtii iyo gabagabadii waxaad moodaa in lasoo gaadhay waqtigii shacabku qaadan lahaa go'aanka kamadanbaysta ah. Sidoo kalena uu is waydiin lahaa maxaa noodan ah? Seen uga bixi karnaa dhibaatadan moolka sii noqonaysa ? uuna odhan lahaa "bas bas war intaa noogu joojiya dhabatada".

Waxay ilatahay in dhamaan wax garadka reer ogadenia (culumadiisa,aqoonyahankiisa,dhalinyaradiisa,marwooyinkiisa) ay lagud boon tahay inay iswaydiiyaan maxaa lagu gaadhi karaa nabad galyada wadanka iyo hormarkiisa?
Qori iyo xabad (oo mudo badan lagu guul daraystahay)
Qalin iyo maskax fayoow
Qalin iyo qori iyo maskax bad qabta oo wada socdo.

Waad mahadsantihin
Wixii talo iyo tusaala ah ku soo dir
dahir111@gmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com