Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Gabay: HANFADE. WT Maxamed Hiirad. (Jawaab suge!)
Hanfade
Maxamed Hiirad
Agoosto 26, 2007

Gabaygan waxa aan tiriyay bishan aynu ku jirno ee August 26 keedii. Ujeedada maansadu waa hoga tusaalayn iyo talo aan tolkay u gudbinayo. Waxa ii muuqatay in dagaalka maanta ka socda gudaha Soomaali Galbeed oo ah mid aan Soomaaliyi u dhammayni in uu yahay mid lagu halaagmaayo. Waxa cad in gumeysiga xabashida iyo tacadiyadooda lagaga hortegi karo oo keliya dagaal loo dhan yahay iyo midnimo. Sida hadda muuqata dagaalkan waxa ku keliya Maxamed Subeer. Taas oo ay caddahay sida cadceedda in ay ku heermayaan haddii aanay isdaba qaban.

Waxa intaas dheer xilliga maanta Soomaaliyi ku jirto oo ah mid ay u qaybqaybsan tahay reero iyo weliba Itoobiya oo kala daadsanaantaas awgeed maanta gacanta ku dhigtay Soomaali oo dhan. Caqli marka ma’aha in la yidhaa Itoobiyada noocaas ah baan qaab qabiil kula dirirayaa.

Waxa ay maansadu reer tolkay oo dhulka aanu wadaagno usoo jeedinaysaa in xilligan maanta lagu jiro aanay dan ahayn in dagaal la galo, balse loo baahan yahay in xeel iyo garaad la isticmaalo. Horaa loo yidhi: colka wadhaf ma lagu dayay ee waxa ay ila tahay in bal maanta nabad wax lagu raadiyo, islamarkaanna la isdiyaariyo, Soomaalina la isla doonno. Waxa weliba loo baahan yahay in Soomaali Galbeed qowmiyado badan bay kula dhaqan tahay Itoobiya ee in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa midnimadeeda.

Xilligan waxa loo baahan yahay in dagaal aan hub ahayn lala galo Itoobiya. Kaas oo aynu xuquuqdeenna ku raadasanaynno innagga oo aan irbad u dhaafin qolyaha maanta gacanta ku haya Itoobiya. Waxa maanta dunida galbeedka ku dhaqan kumaankum u dhashay degaanka Soomaali Galbeed oo qaddiyaddeenna iyo xuquuqdeenna si hufan usoo bandhigi kara. Waxa la marayaa xilli wax kasta oo caalamka dacaladiisa ka dhaca lagu ogaan karo daqiiqado. Dagaalkaas ayaa aragtidayda ku habboon in aynu xilligan galno.

Waxa iyana waajib ah in aqoonta, horumarka iyo nolosha dadkaba lagu tala galo in wakhti kooban kor loogu soo qaado. Waa in mar walba lagu dedaalaa in aynu xoojinno midnimada.

Waxa ay maansada Hanfade loogu magac daray tidhi iyada hogatusalaynaysa tolkay:

1. Axmedow ninkii hoorriyaa talo ka hoostaaye
2. Habeen buu gudaa maalinimo ay hadhkii tahaye
3. Ma haleeelo waanada markii hoo la leeyahaye

4. Duul aan hareeraha wax jira halista dhawraynin
5. Oo hoos u deyahayn kobtii lagu halaagmaayo
6. Haadaan buu ka duulaa tashigaan loo hubsanahayne

7. Haddaan talada madax haybadliyo odayo haaneedin
8. Oo hadafka aayaha la rabo hilin cad loo jeexin
9. Waa hagar naftii laga galoo lagu hanqaarmaaye

10. Haddaan hoos u daadego waxay hibatay laabtaydu
11. Dhaaxay hubqaadeen tolkay hawlgal dirireede
12. Dhaaxay hujuumeen kufriga xabashna heereene
13. Dhaaxay habeen iyo dharaar weerar humayeene
14. Dhaaxaa waraabuhu hirqaday hanaddadoodiiye
15. Dhaaxay habkii dowladnimo u hanqal taageene

16. Ha yeeshee waxay ku hamiyeen haakah may odhane
17. Hannaankaa ka liitiyo siday u hindisoodeene
18. Haasaasahaa laga gartaa tay hadhow noqone

19. Afartaa ha’dii gabayga iyo erayadii Hawd dheh
20. Horay waxaan u soo joogay iyo hubantideedii dheh
21. Hawraarihii Samatar iyo Cali habkiisii dheh
22. Hadal kalana waa haatan iyo hawsha soconaysa

23. Halgankay wadaan reer Subeer waa habawnimo e
24. Hawiraad naftooday galeen hadimo xeel dheere
25. Xabashkaa hawada duulayee badaha soo haabtay
26. Ee Soomaalidii heellanayd halabsadee fuulay
27. Anaa keligay heensaynayoo soo hoggaan baraya
28. Waa riyo hurdadu keentay iyo qaar habsaanihiye

29. Bal inay dagaalkay humeen lagu halaagmaayo
30. Ma hayaan hub iyo saanad iyo ciidan heeganahe
31. Ma hayaan cid hiil iyo wax qabad ay kula heshiiyeene
32. Kuwii hayb u xigay baan haddeer hoyga gelinayne
33. Dar baa magaca haaraamayoo kaaga haayiraye

34. Harti iyo Bah Geri baan hadayn ficil horseedkiise
35. Hareertaa galbeed qaar jiraan soo hinqanahayne

36. Geri iyo jidwaaq la hubsayoo waa hamranayaane
37. Cawliyahan hub soo qaatay baan lagu hallaynayne
38. Reer Aw habaar bay wadaan nama haleeshaane
39. Hawiyaan hadh kuu jiidahayn waa ku hodayaane
40. Isaaq hadalkii daayoo dhammaan waa hundhudhayaane
41. Markii adiga hoobiye madfaca lagu huluuqsiiyo
42. Hambadii dhulkeennii ka hadhay wada hantiyaayaane
43. Annagana hamaansigaa xigaa waa habeen qudha e

44. Makaahiil halkuu naga xigaa haad ku dhacayaaye
45. Haro Xagarray kama foofiyaan geel horweynno ahe
46. Abraahiin hubkaa lala dhacay hibasho weyn reebye
47. Suldaankii hogtaa lagu fadhiyay haatan laga waaye
48. Raggii halaha lagu maali jiray waa hangool jabane
49. Arrintaa bal hoos ugu faqoo hubantideed sheega
50. Haddii kalase anigaa hungiyo ruux hadhiino ahe

51. Afartaana haasaawe iyo hoga tusaalayn dheh
52. Tolkayaan sidii ila habboon halista sheegeed dheh
53. Ma hagradee waxa aan hamiyo waan u hurayaaye
54. Erey kalena waa hadal yaraan dib u habayn mooday

55. Geesigu mar buu hebed noqdaa calal hullaabtaaye
56. Hannaac iyo marbaa loo filaa hooge taag darane
57. Huluulaha mar buu kaga jiraa talo hogaankeede
58. Hubka iyo mar buu tiiriyaa hootaduu sidaye
59. Mar buu nacabka hoosaasiyaa nabad ku heesaaye

60. Qosol aan halkaa jirin mar buu kula hadaaqaaye
61. Halaq iyo mar buu sida abees hilinka seexdaaye
62. Iyadaan la hadahayn mar buu boqon haleelaaye
63. Cashaday habboon tahay ayuu hadimo gaystaaye
64. Oo guluf horseed uu ka yahay ma hadho reebaaye

65. Aniguna habkaasaan la rabay ma hurahaygiiye
66. Harraatida kufaartaan lahaa la herdankood dhaafe
67. Bulshadaa habsaantaan lahaa horumar gaadhsiiye
68. Harraadkay qabaan baan lahaa haro biyood jeexe
69. Hindisaha tacliintaan lahaa waa hirgelaysaaye
70. Hawlgal caafimaad baan lahaa hoyga ugu keene
71. Jidad wada haloosiya dhisaan ku hammiyaa jeere
72. Mar haddaad hormuudkii tihiyo madax hogaameedka
73. Degaamada hanuunshaan lahaa heel isugu keene

74. Hanti lagu gunneeyiyo habliyo hadallo suugaana
75. Dadka naga hor jeedaan lahaa hadafka gaadhsiiye
76. Maamulkaa la hiifaan lahaa, habacsanaan diide
70 Hud-hudkaan dhaliil waxaan lahaa yaanu kuu heline

77. Wadaaddadan hubka qaatiyo kuwaa wada humbaaleeya
78. Ee gaaladaa haaribka ah u hanjabee maaga
79. Ee shacab ku hoobtaan madfaca lagu halgaadaayo
80. Iyo horor naftiisiyo halliga habar agoon haysa
81. Inay nagu hafraan maanan rabin qaar habaaraniye

82. Maansadan hanfade loo baxshee halawgu duulaayo
83. Huqda iyo hurgumadaa qalbiga iga hulaaqaysa
84. Hingilaanta uurkayga iyo, halasyadaa jiifa
85. Hal abuurkan aan qoray ma dhimin hugunka laabtiiye
86. Dulkaasaan ku hoorshee higsada, am I haaraama

Mohamed Hirad
San Diego California
E-Mail:xagar2000@sbcglobal.net
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com