Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Kamidnoqoshadii ONLF ee ciidamada difaaca Tigreega. WQ M Yuusuf
Waxaan qoraalkan ku bilaabaynaa su’aalo aad iyo aad maal,mahan ugu badan shacbiga somalida ogadenia dhexdiisa, su’aalahaas oo ay kamidyihiin onlf xagay ku danbaysay yey matashaa yey dishaa yey daawaysaa yey u dagaalantaa yey ladagaalantaa yaa u taliya yaase lataliya, su’aalahaas oo ah kuwa shacabka somalida ogadenia ayaan wax jawaab ah loo haynin, sababtuna waxaa weeye onlf waxay u qaybsantay danaystayaal iyo dulmanayaal waxaa danaystayaal ah kuwa sheegta inay madaxyihiin, waxaana dulmanayaal ah kuwa qoriga loo dhiibay ee aan garanaynin ciddii ay ahayd inay ku dhuftaan xabadda loona sheegin cadowgooda iyo saaxiibkooda.

Waxaa nasiibdaro ah inaan manta makhraati kanahay inay laba wiil oo walaalo ahi isdilaayaan iyagoon garanaynin waxay isku dilayaan sababtuna tahay inaan caqli nadiif ah oo labadaas wiil u sheega cadowgooda dhabta ahi cidda uu yahay jirin danbigaana waxaa iska leh danaystayaasha dibadda jooga ee dadkuna u haystaan hogaamiyayaal xornimo u dirir dagaalkana kawada dhamaan degaanka absame, kana soo horjeedsaday danihii shacbiga somalida ogadenia.

Doonis xornimo ma’aha inaad walaalkaa disho adigoo cadowga ka garabdagaalamaya, waxaan ognahay in diyaaradaha cadowgu duqeeyeen qaybo kamid ah jabhadaha ka dagaalama dalka somalida ogadenia waqti galabnimo ah kadibna subaxnimadiina ciidanka onlf ay weerar ku qaadeen baaqigii kasoo hadhay weerarkii cadowgu ku qaaday naftood hurayaasha, arintaas iyo kuwo lamid ah oo maalmahan aad iyo aad uga dhaca gudaha dalkeena miyaa lagu tilmaami karaa dagaal xornimo raadis ah, maxaase onlf lagu tilmaami karaa rabitaankeeda? Maxaase keenay in diyaaradaha cadowgu ku duulaan qaybo kamid ah jabhadaha dalka ka dagaalama iyagoo sii dulmaraya ciidamada onlf su’aalahaas oo dhan waxaa laga sugi inay ka jawaabaan kuwa sheegta inay masuuliyiinta onlf yihiin?.

Run’ahaantii Wadanka somalida ogadenia waxuu galay marxalad aad iyo aad u qalafsan oo aan cidina u maqnayn illaahay mooyee waayo haddii ay jiri lahayd cid qadiyadan danaysa oo looga haybaysto waxaa hubaal ah inaysan waxyaabaha dhacaya dhaceen, waxaana la arki lahaa cid u dooda danaha shacabka oo danaystayaasha la xisaabtanta inkastoo shacabka somalida ogadenia manta xaaladdiisu tahay waraaba daala dirirtiisaa loo tagaa oo ayna jirin meel danbe oo loosii riixaa.

Ugu danbayntii waxaa nasiibdara ah in waqtigii halganku ugu fiicnaa ciidan ahaan lawaayo siyaasad caafimaad qabta oo wax hogaamisa, waxaase hubaashu tahay inay arintu tahay reerkiinii alla kumanabadgeeyo iyo dhankiisiiba uma socdo macnaheeduna yahay hoggaanka jabhadda onlf markii horaba xornimodoon ma’ahayn ee waxuu lahaa muraad shaqsiyadeed oo marin la’aan ah waana sida manta muuqata.
Digniin waxaan shacbiga somalida ogadenia uga digaynaa dhibatada iyo xeeladaha cusub ee gumasigu istimaalayo meelna looga soo wadajeedsado sidii shacabka loo badbaadin lahaa, waxaana waxgaradka u dhashay dalka somalida ogadenia ugu baaqaynaa inay faragalin dagdag ah ku sameeyaan danaha shacabka guud ahaan gaar’ahaana dagaalada shacbiga dhexdiisa ah.

Mohamed Ahmed Yusuf


Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com