Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

» Dhulka Ogaadeen/Somaligalbeed wada xoraysta kuna wada Noolaada.WQ Axmed Suudaani
maalmahan waxaa suuqa kujiray war walwal iyo walaac ku dhaliyay shacabka ogaden/somaligalbed meel kasta oo uu joogo. warkaas oo nuxurkiisu yahay dagaalo dhex maray jabhadaha ONLF & UWSLF oo ah labadii jabhadood ee dadka dhaanka oogu maqnaa khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirana uu meeshaa ka dhacay.dagaaladaas oon ahayn kuwii ugu horaayay runtii markaan warkaa maqlay aad ayaan ooga walaacay waxaana is waydiiyay maxaa kula gudboon ood qaban kartaa waxaan isku dayay inaan raadiyo meel lagala xidhiidhi karo madaxda labad jabhadood lakiin iima suura galin. arintaa ayaana igu dhalisay inaan fariintan hawada u mariyo labada jabhadood iyo shacabkaba


Dagaalka labada jabhadood yuu dan u yahay?

qodobadan soo sacda waxaan isku dayi inaan ku cadeeyo inta waji ee dagaalkaasi ku khaldanyahay

1. dagaalka u dhexeeya labada jabhadood wuxuu si toos ah oogu adeegayaa danta gumaysiga ee ahayd qaybi oo xukun oo hada u isu badashay qaybi oo ha is baabiyaan

2.cadowga idin la dagaalamaya waa 70 qowmiyadood wayna idiin midaysan yihiin waxayna dan u arkeen inay idinla wada dagaalamaan idunkuse waxaad
waxaad doorateen inaad kala dagaalantaan isna dagaashaan

3.jihaadka iyo halganka uu bilaabay shacabka ogaden/somaligalbed ee labada jabhadood hormuudka ka ahaayeen wuu ka leexan dantii loo bilaabay ee ahayd in shacabkan boqolaalka sano la dulminayay dulmiga laga dulqaado wuxuuna jihaadkii u leexan in umadii ayadu is baabi,iso ileen labad wiil ee jabhadaha ku kala dhintaa waa labadii walaalaha ahayde

4. dagaalka labada jabhadood dhex mara islaamnimada ayuu ka soo horjeedaa oo laba qof oo muslim ah inay is dilaan waa xaraan. ka wax dila iyo ka la dilaana ahlu naar weeye.

5.dadyowga aduunku ayagoo kala aragti duwan ayay dantooda iyo dalkooda isu kaashadaan ee xooga saara wada noolaanshaha iyo isu dulqaadashada iyo danta guud oo lawada ilaaliyo
6. ku wax qaata walaalihiin soomaaliya iyo waxa ka dhacay markay ayagu dagaalameen. siday dantii guudna u luntay dan gaarahna u suura galin

7. aragtida ah in urukasta u arko in lagu khaldamay uuna is difaacay khaladkana qolada kale leedahay waa inay meesha ka baxdaa waa in lawada qiraa in lawada khaldamay xalna si dagdag ah loo wada raadiyaaa

8. dhaqankii ahaa tolkaa u xoogbadnow oo hadii aad isku dhacdaan awood meel ay ka timid la garan waayay la soo bax waa inay jabhaduhu ka gudbaan

9. dhulkeena dhib baa yaalee dheefi ma taalo marka waxba dhibka ha kala riixanina. Xabad. Haraad. Socod. iyo guure.baahi iyo cabsi ha kala riixanina isku soo dhaweeya

10. isku soo duuboo dagaalku dantiina iyo danta shacabkiina midna ma aha. waa danta cadowgiina

Jabhaduhu maxay ka midaysan yihiin?


1. waa dad wada muslim
2. waa isku ujeedo ujeedadaasoo ah shacabkaa dulman in dulmiga laga dul qaado
3.waa isku dad oo way wada dhasheen
4.waa isku luuqad oo isma fahmi la,a
5. hal wadan iyo hal shacab ayaa ka dhexeeya
intaasi waa waxyaabaha ka dhexeeya inta oogu muhiimsan. eega danta idinka dhaxaysa. ha eegina aragtida idinkala gaysa

Talaabooyinka dagdaga ah ee in la qaado ay haboontahay
1. kulan dag dag ah ooy yeshaan labada hogaan ee jabhaduhu say ooga wada hadlaan dhibkan soo noqnoqday
2. inay soo saaraan qoraal wada jir ah ooy ku mamnuucayaan dagaal danbe oo jabhadaha dhex mara
3. inay wacyi galin dagdag ah u sameeyaan ciidamada labada jabhadood ee wadanka gudihiisa wada jooga uguna qeexaan ujeedooyin loo dagaalamayo
4. in meel fog wax laga eego oo xamaasada iyo gacan qaadka dagdaga ah laga gudbaa
5. waa in la dajiyaa qaab xeel dheer oo ka hortaga in mustaqbalka la dagaalamo
6. waa in la sameeyaa gudi isku dhaf ah oo xalisa khilafaadka labada jabhadood wixii dhacana loo celiyaa

Shacabka ogaden/somaligalbed maxaa la gudboon?
1.dadka wax garad ka ah ee ogaden/somaligalbed waa inay ka shaqeeyaan sidii la isugu soo dhawayn lahaa labada jabhadood looguna canaantaa khaladaadka soo noqnoqday lalana xisaabtamaa

2. dadwaynaha ree ogaden/somaligalbed ee halganka hiil iyo hoo la garabtaagan waa inayna ogolaanin in hantidoodii loo isticmaalo ujeedo u adeegaysa cadowga lana xisaabtamaan ururada

Dhalinyarada mujaahidiinta ah maxaa la gudboon?

waxaan halkan boogaadin iyo salaan diiran ooga gudbinayaa dhalinyarada mujaahidiinta ah ee naftooda u huray diintooda dadkooda iyo dalkooda waxaan idinleenahay ku socda jidka jihaad hana ka weecanina aan la idiin adeegsanin inaad qof mulim ah oo walaalkiin ah dishaan kuna xisaabtama in qof kasta wuxuu gaysta aakharo kaligii lagala xisaabtami


Gunaanad
waan hubaa in hogaanka labada jabhadood ay dareesan yihiin intaa aan soo sheegnay iyo in ka badan lakiin waxay iga tahay ku adkayn iyo canaan waxaan idinka sugnaaba waa heshiis iyo qoriga caaradiisa ood cadowga ku wada jeedisaan.

qore Ahmed Soodaani
aguul20@hotmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com