Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Galkacyo: Ooda uu Jiidayo Maxamed Cumar Ma Baa,bin Raadkii Xubnihii ONLF-tii la Dhiibay?
January 01, 2008
Ma dhabaa in Cabdulahi Yusuf Axmed Madax weynihii hore ee Somaliya iyo gudoomiyihii hore Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [jwxo] Maxamed Cumar Cisman, ay fadhi ku lee yihiin magaalada Gaalkacyo ee Madhatamah Somaliya. Sida ay warar ileedyo sheegeen, Lama oga waxa ay xiligan ka wada hadlayaan labadan nin, waxaa kale oo aan la ogayn in cid saddexdaax ay la joogto iyo in kale, waxaa kale oo iyana la ogayn waxa ay xilagan samayn karaan. Xagee buu ku dambeeyey xidhiidhkii labadan nin u dhaxeeyey iyo in uu biyo dhigay iyo in kale.

Waxaa xaqiiq ah oo ay dad badani Ogaayeen in Cabdulahi Yusuf iyo Maxamed Cumar Cismaan uu ka dhaxeeyey xidhiidh aad u dhaw sanooyinkii ugu dambeeyey. Hadaba marka la dhugto labadan nin waxay saarnaayeen laba doonyood oo u kala socda koonfur iyo galbeed. Maxamed waxaa uu ahaa gudoomiyaha Jabhada onlf oo la dagaalanta xukuumada Itobiya, Cabdulahina waxaa uu ahaa saaxiibka ugu weyn ee ay Itobiya ku leedahay geeska afrika.

Koley labadan nin qadyadi isuma keenin ee saaxiibtinimadoodu waxaa sal uu ahaa arimo ganacsi, maxaa laga ganacsanayey tolow?. Koley sida ay sheegaan dad ku xeel dheer arimaha siyaasada ee geeska afrika waxaa ay ku sheegeen in Cabdulahi iyo Maxamed ay haayeen Saraakiishii Somaliya is fahamkooduna uu sahal yahay.

Waxa heshiiska lagu galayna waxaa uu ahaa sidii Itobiya iyo ururka onlf uu xidhiidh u dhexmari lahaa si colaada nabad loogu badalo. Sida aynu ognahay kulankii ugu horeeyey ee Abdulahi Yusuf iyo Maxamed waxaa uu cadho ku abuuray xubno sare oo ka tirsanaa ururka onlf iyo madax jabhada.

Sida ay waraku sheegeen Cabdulaahi Yusuf dhawr goor ayuu si qarsoodi ah ula kulmay Maxamed Cumar. Warqado iyo lacago ayaa la is dhaafsaday, waxaana xaqiiqa in dhawr warqadood oo uu soo qoray Maxamed Cumar la gaadhsiiyey Meles Zinawi. Maxamed Cumar waxaa ku adkaatay sidii uu uga dhaadhicin lahaa hogaankiisa sare arintan oo uu aad u jeclaa laakiin uusan awood u lahayn in uu go,aan ka qaato kaligii. Waayo waxaa uu ahaa nin uun ku soo booday Jabhadnimada, oo ayna xoog badnayn aaminaadiisu rag hore isu wadayaqaanay soona jabhadeeyey.

Sidda la sheegay Gudoomiyaha onlf waxaa uu ku xan qarsaday Cabdulahi Yusuf oo isna u sheegay Meles in Maxamed Cumar ay awoodiisu yar tahay, loona baahan yahay in la helo raga awooda Jabhada leh ama ku add adag mabda,a onlf. Si arinta loo bisleeyana loo baahan yahay in xili la siiyo Maxamed Cumar. Xanta la sheegay waxay hoos u dhigtay magaca gudoomiyaha ururka onlf oo u muuqday magac u yaal kaliya.
Ragan waxaa ka mid ah baa la yidhi afar xubnood oo uu ka mid ahaa Dr. Maxamed Siraad Dolal oo lagu sheego nin mustaqbalkiisuba yahay ururka onlf iyo rag kale oo ururka mudo dheer ka shaqaynayey.

Gudoomiyaha waxaa uu bilaabay sidii uu wax uga badali lahaa Hogaanka Jabhada. Sidii uu fursad ugu helilahaa ganacsiga uu la galay Cabdulahi Yusuf oo ahaa in la soo afjaro dhaqdhaqaaqa ururka onlf. Arintaa waxaa gacan ku siiyey qaar ka mid ah raga ku add addag onlf-ta oo xukun jacayl dartiis u huray saaxiibkoodii halganka.

Waxaa abuurmay abaabul dhalinyaro iyo haween oo ka abuurmay dalalka reer galbeedka, arinta ay u abuurmeena waa arin ay duruuftu keentay oo ah, dadka dibad joogta ahi waa in ay leeyihiin wax ay dugsadaan. Maadaama ayna dadka reer Ogadeeniya lahayn dawlad ay ku hirtaan waxaa khasab noqotay in shacabka badankiisu ay gacan siiyaan ururka onlf.

Maadaama ay wadaniyadu ku yar tahay dadka Somalida Ogadeeniya, waxaa kale oo iyana jiray dad badan oo gacan siinayey Gudomiyaha oo ay u arkayeen in uu yahay adeerkood.

Dhinaca kale Maxamed Cumar waxaa uu lahaa Ajande u gaar ah oo uusan waligii cidna u sheegin sheegina doonin in uu guul ka gaadho mooyee oo ah in heshiis nabad galiyo uu la gaadho Itobiya. Waxaana uu bilaabay in ciidanka onlf uu madax uga dhigo rag aad ugu dhawdhaw Itobiya aqoona u leh afka iyo dhaqanka Itobiya. Raga waxaa ka mid Cabdi Cabdulahi oo uu Abti u yahay ahna taliyaha xarunta ururka onlf ee xiligan iyo Sulub Cabdi Axmed oo hor u ahaa taliyaha xarunta Ciidanka onlf ahna nin ay ilmo adeer yihiin gudoomiyaha.

Waxaa fajaciso ah in labadan nin [taliye] in ay ciidamada Itobiya qabteen muddo afar goor ah laguna xidhay Harar intii u dhaxaysay 2004 – 2007. Afarta goorba waa la sii daayey waxayna dib ugu noqdeen xarunta ciidanka onlf iyaga oo sheegay in ay soo baxsadeen. Arimahani waaa arimo xaqiiq ah oo ay dadka badankiisu ogg yihiin.

Dhinaca kale waxaa sii batay dhibaatada shacabka ay ku hayaan ururka onlf iyo xukuumada Itobiyaba oo mamarka qaarkood aad moodayso in ay wada shaqeeyaan.

Dhibaato aad u weyna u gaystay shacabka, Arimahani dhibaatada shacabka lagu hayo waxay sii xoojiyeen in taageero badan la siiyo ururka ururka onlf, waayo maalin walba dhibaatooyinka la soo sheegayo daraadood.

Waxaa soo baxay arimo is duqaynaya oo ah in ciidamada Itoobiya ay ciqaabaan shacabka iyaga oo leh onlf ayaad taageertaan, isla markaasna madaxdii ciidanka onlf ay imanayaan magaalooyinka iyaga oo xidhiidh la leh ciidanka woyyanaha.

Xadhiga ayaa laga waraabiyey dadka shacabka ah kolka ay yidhaahdaan, kilalka ayaa la shaqeeya ururka onlf.

Dadkii ku wareeray sida ay arimuhu u socdaan waxaa ka mid ahaa Xaaji Ibraahin Xaad oo ahaa nin aad ugu dhaw xukuumada Itobiya onlf-na col la ahaa, markii uu arinta ka hadlayna waa la xidhay.

Waxaa sii kordhay colaadii u dhaxaysay ururka onlf, oo intooda badani ay daacad ahaayeen doonayeena in la qabto shirkii weynihii iyo xal ururka dhexdiisa. Dhamaadkii bishii December 2006, waxaa ururka onlf uu shir isugu yimid, si shuushka loo bixiyo, waxaase munaafaqadii sii galaafatay xubno hore u jeclaa wanaaga onlf.

Waxaa bilaabtay in si xun loo takooro xubno qaali halganka u ahaa, arintaas oo wali ummada Somalida Ogadeeniya is weydiinayso waxa ay sidani u dhacday?.

Labo sano waxaa saaxada onlf laga waayey xunihii la takooray, waxayna jabhadnimadii u ekaatay wax uu hal nin iska leeyahay uuna wax sugayo. Dadka Somalida Ogadeeniya waxay kaga jawaabeen arimahan ay fahmi waayeen qaaraankii ururka onlf oo ay joojiyaan. Waayo jabhadu waxay jabhad ku ahayd daacadnimo iyo isjacayl xubnaha dhexdooda, kol hadii taa la waayey waxaa la waayey taageerayaalkii ururka.

Hadaba, arimuhu waxy miir dilaaceen kolkii dhamaadkii sanadkii 2008, Dr. Dolal uuu galay gudaha Ogadeeniya. Maadaama uu mustaqbalkiisuba yahay ururka onlf iyo Jabhadnimo. Waxaana soo baxay arimahan;

Waxaa werar lagu qaaday Dr. Dolal, waxaana la damcay in la dilo, ka dibna waxaa wada raacay ciidankii xarunta intiisii badnayd oo uu wali la joogo.
Waxaa weerar lagu qaaday Jabhada Xoreynta Somali Galbeed, dagaaladaas oo keenay dhimasho badan oo ku timid naftood hurayaalka la dagaalamaya gumaysiga Itobiya.
Waxaa kale oo werar lagu qaaday Ciidanka Wadaniyiinta Islaamka Somaliyeed ee Mmaamula gabalka Jobooyinka ee Somaliya. Waxayna noqotay fadeexad weyn oo soo gaadhay onlf iyo taageerayaalka ururkaba.

Arimahan waxaa ay noqdeen dhamaantood kuwo uu ka dambeeyey Maxamed Cumar Cismaan, wuxuuna u muuqday in uusan ahayn nin Jabhadeed balse uu yahay dagaal Ooge [warlord]. In kasta oo ay yaraatay magac xumada ka soo gaadhay ururka onlf, ka dib kolkii la sheegay in uusanba ahaynba Maxamed Cumar gudoomiyaha ururka onlf.

Sida aynu kor ku soo sheegnay, xidhiidhkii u dhaxeeyey Maxamed iyo Cabdulahi Yusuf waa uu wanaagsanaa. Wanaaguna ma ahayn in onlf la dhiso ee wuxuu ahaa sidii loo soo xarayn lahaa ururka onlf.

Mantag meel aad doonayso kuguma simo, Itobiya waxay xamili kari wayday dhibaatooyinka ka haysta Somaliya, inta aan la gaadhin soo xaraynta ururka onlf oo hore Cabdulahi Yuusuf loogu baaramay. Waxaa kale oo ay dareentay culays ka xoog badan ururka onlf oo ka bilowday gudaha Somalida Ogadeeniya taageerayaalkiisuna ay joogaan gabalada ugu dhadhaw Addis Ababa .

Waxayna badhtamihii sanadkii 2008, magaalooyinka Puntlan laga qababtay xubno ah golaha dhexe ee onlf iyo taageeroyaal fara badan. Qabqabashadaas oo ay aad uga xumaatay ummada Somalida Ogadeeniya, waxaana waraysi siiyey Ideecada BBC-da Maxamed Cumar wuxuuna sheegaya in shacabka Somalida Ogadeeniya iskaga guurto Puntlad oo ay aadaan Jubooyinka oo kolkii dambe noqotay meeshii uu werarka ku qaaday.

Waxaa kale oo ay Itobiya samaysay arimo aan hore la isugu ogayn oo ahaa in aan far la saarin xubnaha iyo taageerayaalka ururka onlf ee joogay Puntland. Talaabadan oo gacan dhaaf ku noqotay Yusuf, markii ay lumiyeen isaga iyo Puntlan-ba kalsoonidda shacabka Somalida Ogadeeniya, oo ahayd kobtii laga taftaafay Yusuf iyo dawladii uu madaxda ka ahaa.

Hadaba, waxaa la sheegayaa in Maxamed Cumar uu yimid Gaalkacyo lana joogo saaxiibkiisa oo aan xiligan awood lahayn [old Ethiopian friend and enemy of onlf]. Waxaan filayaa in dad badani ay isweydiinayaan onlf-ta Galkacyo lagu qabqabtay iyo onlf-ta hada joogta Gaalkacyo maxaa u dhaxeeya?.

In kasta oo Cabdulahi Yusuf uusan xiligan madax ahayn hadana intii uusan xukunka ka dagin ayuu ka shaqeeyey in Puntland oo ah gabalka uu u dhashay iyo Itobiya in ay kala saxiixdeen xidhiidh adag oo ku saabsan dhinaca difaaca.

Waxaana xaqiiq ah in uu lug weyn ku siiyeelan doono Cabdulahi Yuusuf xidhiidhka Itobiya iyo Puntland, waxaa kale oo uu sii wadi doonaa sidii uu uga shaqayn lahaa soo xero galinta ururka onlf oo dagalka uu wadaa ayna wax dan ahi ugu jirin dawlad gabaleedka Puntland oo xiligan u muuqata in ay ku dhawaaqdo gooni isu taag.

Kolka aan isu gayno arimahaas oo dhan waxaa inoo soo bixi in Maxamed Cumar uu raadinayo meel uu ka galiyo ururka onlf Itobiya, isna uu ku noqon lahaa nin masuuliyad hela [destroy it to get way out] nabadna u keena gabalka. Ma dhici karaa arintaasi tolow?.

Waxaan filayaa in uu hamigaasi bilowday sidii ay xubno olnf ihi hore u yidhaahdeen “hadaan qoriga dhigno kuwo kale umbaa qaadi, waayo arintu waa arin gumaysi ee ma aha arin maamul” Cadaani iyo Dr. Dolal.

Somali Galbeed ayaa waxay wadaa dardar cusub iyada oo uu is afgarad dhexmaray Golaha sare ee jabhada onlf oo u muuqata in ay hayso dhabaha haganka dhabta ah.

Waxaa la sheegay in Odayaal u dhashay Somalida Ogadeeniya ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan khilaafka ururada gabalka ku dhex dagaalamaya. Kuna abuuraan jawi nabad lagagga dhex abuuro ururka onlf dhexdiisa iyo waliba ururka Somali Galbeed, arintaasna uu ka meermeerayo Maxamed Cumar Cismaan oo aanay wali la fahmin waxa uu doonayo dadka Somalida Ogadeeniya.

Cabdishakuur Cali oo wax ka qora xaaladaha Siyaasadeed ee geeska Afrika.
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com