Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Ciyaartii ugu xarfadda kululayd ee ka dhacday Miraad Layli Memorial Stadium
waxaan aad ugu qoslay ciyaar kubadda cagta ahayd oo dhex martay labada kooxood ee dawlada kumeel gaadhka aha ee Soomaaliya ee ay kala hogaaminayaan Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Mudane Shariif Xassan. ciyaartan oo ay sootabisay shabakada dayniile oo aan kolal badan is iraahdo waxay lamid tahay qof gudcur xaabo hilanaya. hadaba aniga qudhigaygu waxaan xasuustay ciyaar kubadda cagta ahayd oo qudhigeedu aad u xiiso badnayd oo dhexmartay labo kooxood oo kasoo jeeda deegaanka Soomaalida Ogaadeenya. labadaas kooxood oo kala aha Xulka Salaadiinta Ogaadeenya (AsFC) iyo Xulka Akaabirada maamula Kilalka lambar shanaad (AlFC)


seedhi hayihii markii uu firimbiga fidhiiiiiiiiiiidh kaga siiyey ayaa waxaa laagtay banoonigii Salaadiinta iyadoo uu Ugaas Cabdi Dacay oo watay lambar toban oo weerar ahi uu lahaa laadkii ugu horeeyey isagoo u baasay Suldaan C/raxmaan Duullane. isu baas baasid iyo ciyaarsiin ay Salaadiintu ku billaabeen hawsha ayaa isu rogtay shan iyo toban daqiiqo oo qudha kadib weerar aad u culus oo ay is yidhaah deen si kadis aha madaxda Kililka uga hoos bixiya oo xerada ku bubsada kubadda. laakiin taas team-ka Al-Akaabira way isaga soo jeedeen oo difaacooda Mr Cali Kunnaay ayaa jilibka u aasay isagoo waliba cirkaa intii uu u qaaday dhulka uu kashan qadhay Ugaas Cabdi Dacay oo ahaa Al-xaaji Diof-ka teamka ugaasyada, meeshaas oo ay ciyaartii yaraha hakatay kadib markii uu miyir beel ku dhowaaday Ugaasku, Cali Kunnaay-na Card-ka Jaallaha ah loogu taagay ( Yellow Card). Ugaas Cabdi Dacay oo saaran qalabka ciyaartooyda haawaca aha lagu qaado ayuu firimbi hayihii seedhigii afuufay isagoo fas!
axay in dib loo bilaabo ciyaartii hakatay. laakiin sidaadii uu firimbigii dhagihiisa usoo gaadhayba wuu is hayn waayey markaasuu iska tuuray bahalkii lagu waday isagoo dhutinaya ayuuna dib ugu noqday Ugaasku ciyaartii.

Ciyaartii oo maraysa daqiiqadii 31 ayaa waxaa sidookale is hayn waayey diyeeshaha team-ka Al-Akaabira Mudane Cabdi Jibriil Abuubakar isagoo weerar cir iyo dhul aha soo qaaday. wuxuuna ku sigtay inuu dhaafo oo uu jabiyo difaacii duqeyda, halkaas oo ay wacadaro layaable ku muujiyeen
difaaca team-ka Ugaasyadu oo kala aha Ugaas Maxamed Duullane iyo Ugaas Cabdi Salaan oo soo bandhigay xirfad difaac oon lamalayn karaynin farsamadeeda. waxay rogaal celis ku jiraanba oo uu Cabdi Jibriil team-kiisii dhiiri galiyaba waxaa isna xadhiga soo goostay weerar yahanka weyn ee
Kililka Mr Jamiil Muxumed Gaas. isagoo xawli aad u dheer kusoo dhaafay dhamaan weerarkii duqaytida. isaga iyo Mr Bashiir C/laahi Caydaruu oo si xaragale isugu dhiib dhiibayaba kubadda ayaa soo gaadhay goolkii Ugaasyada. halkaas oo laaggii uu tuuray Mr Jamiil ay birtu soo celisay
banoonigii, iyadoo waliba goolhaye Ugaas Maxamed Faatulle uu mooday inay ka dhalatay oo uu wadnaha gacanta saaray. cadhadii uu cadhooday goolha! ye Ugaas Maxamed faatulle oo lagu sheego inuu kamid yahay goolhaye yaasha ugu qiimiga badan dhamaan deegaannada Ogaadeenya, taas oo ay u sahashay isagoo ka tirsanaan jiray xulka magaalada
Baarreey (Barrey Old Boys' Football Club BOBFC) kuna taba baran jiray garoonka weyn ee layidhaahdo Cigaal Shidaad Stadium, ayaa waxay kalliftay inuu si aad u xoog badan u soo haraatiyo banooniga. haalkaas oo kubaddii sidii ay usii socotay ay u tagtay Sheekh Maxamed Xikam
Sh C/Raxmaan oo aan kafogayn goolka kooxda Kililka. Sheekh Maxamed Xikam oo aad ugu fiican gool madaxeedka ayaa fursaddii siday ahayd uga faa'iidaystay isagoo daqiiqadii 44 shabaqa goolka Al-Akaabir ku hubsaday banoonigii kadib markii uu kubbadda madaxa lahelay isagoo teesto
sacab iyo sawaxan badan ka keentay daawada yaashii ku dhuftay.


haafkii koobaad ayaa ku dhamaaday Al-Akaabira 0 : 1 Ugaasyada. 15kii daqiiqo ee nasniin yaha ahaa ayaa dhamaaday iyadoo kooxdii Al-akaabira is eedayn iyo dhankaagaa nalooga soo dhacayi ay soo kala dhex gashay, waloow qaarkood ay isku calool fayoobay siinayeen maah maahdii
Soomaaliyeed ee ahayd Ciyaari waa galin dambe. sidookale 15kii daqiiqo ayuusan nasniinyo helin gool dhaliye Sheekh Maxamed Xikam iyadoo dad weyne aad ubadani oodda soo jabsaday oo xattaa ay horjoogsan kari waayeen ciidankii Daraawiishta ee goobta amnigeda sugayey, dadkaas oo dhulka inuu istaago u diiday Sheekhu.


Car car horle ayey ku billaabatay qaybtii dambe ee ciyaartu iyadoo ay wajiyo cusubi kadhex muuqdeen oo ay kamid yihiin rag caanka aha ciyaaraha kubada cagta ee Ogaadeenya sida Mudane Maxamuud Dirir, Maxamed Ibraahim, Mr Xamow iyo sidookale Mr Daa'uud oo dhammaan
tood kasocday dhanka Kililka markii horena kuraasta lagu reebay. dhanka kale, Salaadiintu waloow ragbadan qudhigooda kuraasta lagu reebay, hadana waxaa ceeb lanoqotay inay rag baddashaan iyagoo taageerada iyo sacabka bulsha weynta daawanaysay ciyaartu lajirto iyaka, is tusiyeyna
inay kalug meersan karayaan Xulka Akaabirada. daf daf aad u farabadan ayey raggii cusbaayi kusoo galeen ciyaarta iyagoo isku dayahayey inay bareejeeyaan Duqeyda, Salaadiintuse waxay bilaabeen inay xoogoodii oo idil difaac isugu geeyaan. weeraradii Maxamed Ibraahim iyo Daawuud gaar ahaan, ayaa waxaa kahor yimid darbi difaac oo aad u adag oo ay Ugaasyadu ku ilaashanayaan goolkooda.

dhowr koor oo isdaba joog aha markii uu calan wadihii calanka kor u taagay Maxamed Ibraahim oo far dheeraatay noqday awgeed ayuu markii dambe firimbi afuufihii si lama filaana jeebka intii uu gacanta u galiyey uga soo bixiyey kaadhka cas ( Red Card), isagoo u sheegay inuu Mr Ibraahim ciyaarta ka fadhiisto xattaa isagoon dhididinba. arintaas oo shoog iyo qalbi jab ku noqotay kooxdii Al-Akaabira, kabtan koodiina uu dhiigu boqolka tagay. waxaa qaadan waayey weerarka aan kala joogsiga lahayn ee kooxda Kililku wadaan Ugaas C/raxmaan Ugaas Muxumed Qani, isaga oo uu
weheliyo Suldaan Tahar Suldaan Cali Saafi oo labada koone ee garoonka banoniga isaga dhiib dhiibaya ayey soo abbaareen goolkii qolyahii kale, qolyihii kale ayaa iyaguna difaaca galay markaas ayaa aaga loo yaqaanno Penalty Area la iskula gal-gashay halkaas oo daqiiqaddu markay ahayd 79 uu Mudane Bashiir C/Laahi Ceydaruus uu kooxdiisii ka dhaliyey gool illaa iyo hadda lakala garan la'yahay kas iyo kama'a miduu ahaa. meeshaas oo goolkii labaad ugu soo hoyday ruug caddaayadii soo rogaal celiyey. halkaas markay marayso ayey odayaashii u id-meen Garaad Axmed Garaad Makhtal Daahir inuu iska nasto iyadoo meeshaas labadii ! kooxoodba ay tiradoodu min kow iyo toban ku noqotay.


Ciyaartii waxay ku dhamaatay Al-Akaabira 0:2 Assalaadiin. laakiin damaashaadkii ay u samayn lahaayeen guusha odayaasha daawada yaashu, oo intooda badan taageersan team-ka Assalaadiin ayaa waxaa hakiyey gacan kahadal dhex maray labada taageerayaal. arintan oo kabillaabatay kadib markii dhawr qof oo taageer sanaa kooxda Al-akaabira ay fadhiisteen meel ay aad ugu badan yihiin taageera yaasha kooxda kale. halkaas oo ay u adkaysan waayeen sawaxankii, sacabkii iyo hadalladii ay taageera yaasha kooxda Assalaadiin ku dhiiri galinayeen ciyaartooyda. kadibna intii ay dadkaasi kasoo tageen meeshii ay fadhiyeen ay soo aadeen meel ay is lahaayeen saaxiibadiin qayla dhaantiinna way ka maqli karayaan laakiin aha meel ay wali taageerayaasha kooxda Assalaadiin joogaan. meeshaas oo kooxdii soo cadhootayi feedh iyo faralaab ku billaabeen
dadkii ay meesha ugu yimideen iyagoo ku dhawaaqayey kakaca halkan oo orda oo aada booskii aan saaxiibadiin qayladooda uga soo cararay.


Sikastaba ha ahaatee guusha weyn ee ay kasoo hooyiyeen kooxda Assalaadiin ciyaartan kadhacday Miraad Layli Memorial Stadium waxay walwal-badan ku abuurtay kooxda kale ee iyana aadka u culus
ee layidhaahdo Jawxo Football Club (JFC) ee kamida naadiyada lagama guulaystaanka aha ee musaafuriska ku maqan. Sida ay kusoo waramayso wakaalada wararka ee Wiil-Waal ( Wiil-Waal News Agency), tababaraha kooxda (JFC) Mudane Maxamed Ismaaciil ayaa markii uu maqlay guusha kooxda Assalaadiin isugu yeedhay ciyaartooydiisii isagoo xattaa kasoo noqday fasax abaddi ahaa oo uu ku joogay dalka Australia. wuxuuna kulan degdeg aha ku qabtay magaalada Copenhegan ee dalka Denmark taariikhdu markay ahayd 24 bishan July 2005. warar dheeraada oo kasoo baxay shirarka uu naadigani yeeshay ayaa tibaaxaya in ciyaartoy miisan culus ku dhexle kooxdu jecelyihiin inaan gebi ahaanba lala ciyaarin kooxda Assalaadiin hadiikalese ay suurogal tahay in laga badiyo, taasina ay sababto inay taageera yaal badan lumi! yaan. laakiin siday Soomaalidu sheegto WARJIRAABA CAKAARUU IMAN.


C/Laahi Maxamed Amiin
ceelfuud@hotmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com