Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Naanaysaha dadka loogu yeedho iyo sida ay ku baxaan iyo in ay CAY la qarinayo yihiin badankood, by Cadde Y.
Naanaysaha dadka loogu yeedho iyo sida ay ku baxaan iyo in ay CAY la qarinayo yihiin badankood, by Cadde Y.

Naanaysaha Soomaalidu isugu yeedho qaarkood waxay ku salaysanyihiin xubnaha jidhka qofka sida sanka, afka, indhaha, lugaha, gacmaha iyo madaxa, ama waxay ku qotomaan midabka qofka, socodkiisa, itaalkiisa iwm. Qaarkale oo naanaysaha ah, ayaa ku salaysan habdhaqanka qofka, sida qosalka, aftaaga,waxyaabaha uu qofku halqabsiga u leeyahay iwm. Naanays bixinta laguma ammaanin diinta, dadka khabiirada ku ah xidhiidhada dakuna, aad bay uga dayriyaan in dadka naanays loogu yeedho. Iyadoo waxaas oo dhami jiraan ayaa hadana dadka Soomaalida ah ay aad u isticmaalaan naanaysta oo ugu yaraan qof kasta oo Soomaali ahi uu naanays leeyahay, gaar ahaan raga.

Inta badan bulshooyinka kale ee aan aragnay kuma aha naanaysta sida dadka Soomaalida ah ay ku yihiin. Waa tiro aad u yar bulshooyinkaas aan ka warhayno naanays isu bixintu. Tusaale ahaan, way yartahay inaad ku aragto bulshooyinkaas oo naanays isugu yeedhaya.Xataa dadyowga Soomaalida la dariska ah, sidaas uguma badna naanaystu.Waxaa hubaal ah oo cad inuusan qofna jeclayn in loogu yeedho naanays. Naanaysaha qaarkood aad bayba u xun yihiin oo asluubta way ka baxsanyihiin.
Marka maxaa ugu wacan Soomaalidu in naanays ay iskala daasho oo kasiidarane qof walba lagu calaamadeeyo meeshii uu la’yahay ama ka dhiman jidhkiisa ama uusan u qurxsanayn.

Ma dhaqan xumi baa, ma xurmo daraa mise waa asluub yari?Malaha intaba .Soomaalida lafteedu way dareensanyihiin in aysan fiicnayn naanaystu. Tusaale ahaan, waxay bulshadu dhahdaa qof hebel naanaysta miyaa lagu xantaa mise waa lagu xariiraa. Macnaha weedhani waxaa weeye, qofkii inuun la ixtiraamayo ama laga cabsanayo, naanaysta uu leeyahay hortiisa lagama dhaho ee dhabarkiisaa laga sheegaa oo waa lagu xantaa. Qofkii aan xurmo ku dhex lahayn bulshada uu ka tirsanyahay ama aan cabsi laga qabin waa lagu xariiraa oo hortiisaa laga dhahaa naanaystiisa. Waxaa xusuusin ah in mid iyo labo naanaysahan aan hoos ku taxnay ka mid ahi, ay sidii magac oo kale noqdeen oo aan aad loo dhibsan isugu yeedhkooda oo aysan hoos imaanaynin taxliilka hore ee aan bixinay. Kuwo sifadan leh waa wax aad u kooban, ee inta badan naanaysuhu waa layskuma caddeeyaan( layskuma xariiro ee waa laysku xantaa).

In naanaystu ay cay tahay waxaa u daliil ah qofkii tuhma in wax loo dusinayo ama wax magac-xumo reebaya loo maldahayo wuxuu dhahaa: war ha I naanaysin iyo naanays baa hebel meesha ka raacday, oo macnaheedu yahay ceeb baa ka raacday.

Bal aan fiirino qaar ka mid ah naanaysaha dadka loo bixiyo inagoo ku bilaabayna kuwa xubnaha qofka ku xidhiidhsan.

SANKA
Sanwaa, sandoon, sanyare, saney, sandheere, sanwayne, sanka, sanjab, sanbaloolshe, sanwalo iwm.

AFKA
Afwayne, aftaag, afyare, afgaab, afballaadh, afdheere, afey, aflow, afdhuub, afwaax, afwaranle, dacay, faruur, afgashaantiile,afguduud, afjar, afcase, afkalahaye, afqalalay iwm.

INDHAHA
Indho, indhocase, indhocade, indhoceel, indhogod, indhoyare, indhocaad, indhoqarsho, indhocolle, indhotaag, ilqarsade, iley, indhobiyo, indhodeero iwm

MADAXA
Madaxey, madaxyar, dhalo dheere, dhakomici, dhalowayn, dhakaar, dhakal iwm.

TIMAHA
Bidaar, timodheere, timodhaqe, timoxume, timohuurshe, timowayne, tindheer,timosheexo, timocade, timocase iwm.

DHAGAHA
Dhagacade, dhagowayne, dhagcas, dhagey, dhagoqool, dhagdheer, dhagosayn,dhagolaab iwm.

LUQUNTA
Laboluqun, luqundhure, qooryucub, qoorey, qoorgaab, qoordheere iwm.

GARBAHA
Goobe,shafey iwm.

GACMAHA
Gacmoyare, gurey, gacmogaab, gacamey, gacmodheere, muraar, gacanqullaaf, gacansibidh, farlow, farey, fartaag, suuley, faroxuunsho,farobadane, farocade, labosuul, lixle, farobaasto, farobiid iwm.

DHABARKA
Dhabarey,tuure iwm.

CALOOSHA
Calooley,dibir, daacowayne, xaydhdaac iwm.

LUGAHA
Jilibey, wagad,cagowayne,farotol, cagey, cagjar,cagmadhige, suuldheer, laangadhe, jiis, lugey, minjoquluc.iwm.

Naanaysahani waa kuwa jidhka qofka lala xidhiidhiyo. Bal hadana aan fiirino kuwa midabka iyo itaalka qofka la xidhiidha.

MIDABKA
Casoowe, caddaani,cade,madoobe,caweef iwm.

ITAALKA
Dheere, gaabow,gujis, gambadh, cilin iwm.

HAB DHAQANKA QOFKA
Qoslaaye, hadliye, muranjecel, gacantii ma aamine, madhiijiye, go’ane, xajiye, dhagaxtuuje, kaadheeri,hantiwadaag,dhakhta.r iwm.

NAANAYSTA DUGAAGA
Hebel-dhurwaa, hebel-waraabe, hebel-daanyeer, hebel-dawac, saangur, hebel- xoor, hebel-garonuug, shabeel, dabangaale, hebel-cawl, qalanjo, hebel-faras iwm.

NAANAYSTA SHAYYAASHA
Hebel-rooti,hebel wabi,hebel dayuurad, qare, dhure, mindi, shaatiguduud, elji, jiib,darbi, bigays,muufo iwm.

WADAMO IYO SHAQSIYAAD KALE KUWO LAGU NAANAYSO
Hebel-talyaani, hebel ingiriis, hebel jabaan,hebel-ingiriis, Liilan, Mandeela, Boqorka, Nakruuma, hebel-Tansaaniya, hebel- Suudaani, hebel-Jarmal, hebel-Kuuriya

NAANAYSAHA XILLIGA
Jiilaal, diraac iwm.

Waxaa laga yaabaa akhristow in naanays taa ah aad ka dhexhesho naanaysahan aan qornay, ogow adi laguulama jeedo ee waa soo bandhig guud oo ku saabsan intii aan ka ognahay naanaysaha Soomaalidu la baxdo. Hadii ay jiraan wax aad ku darayso, talo bixin ama waxaad naga saxayso cinwaanka hoose ku soo dir adoo mahadsan

Diyaariye: Cade Yalax
gaaruunyalax@yahoo.com

Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com