Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Onlf iyo Wayaanada koodee noo yare roon?WQ Daahir
Yay u adeegtaa ONLF? Waxaa lagama maarmaan ah inaad ogtahay cadawga aad leedahay sidoo kale waxa haboon inay kuu cadahay wajiga uu yeelan karo cadawgaasi: mid kuu muuqda iyo mid kaa dahsoon. Kan hore hadaba doodi kama taagna, balse kan dambe ayaa khatartiisa leh, waayo Soomaalidu horey u tiri “Abeeso dhul-u-eki ayay kugu dishii” Waxaan uga golleeyahay cadwga dahsooni waa kee? ONLF maxay kaga duwan tahay ka dahsoon iyo kan aan dahsoonyan.

Hadaba, idiinkoo taa ka amba qaadaya bal ila eega arrinta qoys kaliya soo waajahday iyo doorka ay onlf ka qaadatay, iyadoo aanan baciidsanaynin inay jiraan qoysas badan oo dhibaatooyin badan iyo gabood- fallo loo gaystay la heli karo.

Saddex dhacdo oo kala duwan oo qoyska qabsaday waxay ka kala dhacday Gurdumi, Nairobi iyo Waylo- lagu- xidh. Bal aynu isla eegno dhacdo waliba cidda gaysatay iyo doorka ay onlf ka qaadatay.

Duuleedka gurdumi waxa lagu dilay 2000kii Dakhare Makhtal, wuxuna ku jiray halgan: In la dilo ama uu wax dilo, balse waxaan la illoobi karin onlf oo had iyo jeer ku andacoota inay halgan kula jirto Itoobiyaanka, isla markaasna ayna kala reebaynin cadawga iyo cidda u adeegta daba-qoodhiga inayna dan iyo haal ka yeelanin geeridiisii oo ay garawsanyihiin inay ku timid far fiiq uu gaystay nin ay u garanayaan sida Dakhare oo ilaa hada suusac sonkoraysan ku ladaabta Gurdumi. Haddii sheegashada onlf-ta wax ka jiraan, maxaa ka hor istaagay faroole inay qisaasaan?
Ta Nairobi ka dhacday oo ahayd tii lagu afduubay Bashhir Axmed oo haba yaraatee wax isku day ah oo ay onlf ka gaysatay arrinkaasi jirin, ama si xubin ahaan ama si shacab ahaan midba inay ka badbaadiyaan gacan cadaw muddadii 3 saddex todobaad ee lagu haystay keenya.
Waxa is xasuusin mudan qoyska reer Daahir Axmed inay dhawr qofoo kale ka xidhanyihiin oo gacanta cadawga ku jiraan balse labadani aan kor ku xusay waxay ku hodmeen aano onlf.

Haddaba dhacdada saddexaad ee ka dhacday Waylo-lagu-xidh way ka duwan tahay labada kale, waxayna kaga duwan tahay haday labada arrimood ee hore, haday u muuqdaan dhaliil iyo waxqabad li’i onlf, tan haddaba iyaga ayaa geeystay faldambigan oo seddex nin oo onlf ah ayaa dabayaqadii ramadaanka gurigiisa dhexdiisa budh nafta kaga jareen Maxamuud Kaahin Daahir oo ay u quudhi wayeen inay u dilaan si naxariisi ku jirto…..
Hadaba BAL marka hore aan idiin xog wariyo e Maxamud nin sidee ah ayuu ahaa. Maxamuud Kaahin Daahir oo 80 jir ah si fiican looga yaqaano Haro-Digeed waxuu ahaa oday aan nolashiisa ku sifoobin inuu u adeego cadawga, had iyo goorna quudiyo cidii dagaal kala soo horjeeda cadwga. Waxaan la iloobi Karin inay ciidamada eprdf si xoog sheegad ah kula baxeen qorigiisii waynaa, waxaase ayaan darro noqotay xataa inuusan yeelanin nasiib wanaagga faroole dabaqoodhigii Dakhare ku soo gadh qaaday cadawga ee aan onlf danba ka lahayn.

Hadaba, waxaa iswaydiin mudan Maxamuud kaahin waxa u xoog sheegtay oo qorigiisa la baxay waa xabashi, waxa sidii mas la dilay budh ku qudh jarayna waa onlf haddaba midkee u nasteexo ah shacabka? Maxayse iyagu (xabshida iyo onlf-tu) ka siman yihiin ama ay ku kakala duwanyihiin?

Gunaanadka arrintu waa kii I dilay kii diraa iiga sii darane, si xun-u-dilka Maxamuud waxa ka sii daran inuu admiiraalku faro marwadiisa inay ina Maxamuud ka gaarsiisso tacsiyaynta ah “hadde samir iyo iimaan halgan baa lagu jiraaye” halgankaasi waa kee? Ma in maatida sabab la’aan la laayaa? Ma inaan cadawga iyo dabasocodkiis la daayaa? Ma suurogalbaa rag aabahaa dilay inay dhex taxaasho haro digeed ayagoon caddaynin wuxuu ku mutaystay dilkaa ama aan tallaabo laga qaadan ciddii khaladkaa gaysatay, bal aynu aragno waxay ku dambaso.

Email: Dahir@yahoo.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com