Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Cadde Muuse iyo Socdaalkiisa Addisababa maxey keeni kartaa?WQ Mukhtaar
Socdaalka Cadde muuse ee Adis ababa Malaga yaabaa in ay Puntland ku
xambaarto in ay qaadaan Waddadii Hargaysa?

Inkasta oo aan looga baranin maamulka Puntland in uu dad shacab ah oo
kasoo jeeda dhulka Ogaadeenya u gacan galiyo Cadwga Itoobiya, ayaa
hadana maalmahan waxaa cadda Muuse ay Itoobiyaanku ku cadaadinayeen in uu soo gacan galiyo dadka Ogaadeenya ee jooga Puntland.

Hadaba marka la fiiriyo colaadda udhexaysa Puntland iyo Somaliland,oo
mid waliba uu xoogga saarayo in kan kale uu uga dheereeyo Itoobiya,marka lafiiriyo C/laahi Yuusuf sida uu ahmiyadda usiinayo in Itoobiyaanku sii joogaan Koonfurta Soomaaliya garabna u ahaadaan inta laga adkaysiinayo dadka kacdoonka ka wada Koonfurta Soomaaliya, arimahaas oo dhan marka lafiiro ayaa dad badani waxa ay iswaydiinayaan Malaga yaabaa in maamulka Puntland uu ku dhaqaaqo talaabo uu ku raalli galinayo Itoobiya oo ah in uu Itoobiya ugacan galiyo dad udhashay Ogaadeenya?

Markii wakhtiyo badan ay soo noqnoqotay in maamulka Haygaysa uu
Itoobiya ugacan galiyay dad badan oo ganacsato ahaa oo udhashay
Ogaadeenya,ayaa dhamaan ganacsigii uu dadka Ogaadeenya lalahaa Burco iyo Hargaysa ay si toos ugu wareegeen magalada Boosaaso,taasoo reer Puntland unoqotay fursad dahabi ah oo si kadis ah usoo gashay gacantooda ayaa waxa ay uga faa’iidaysteen si dhab ah oo udan ahayd labada dhinacba.
Waxaa muuqaatay oo ay cid waliba ogtahay in ganacsigaa uwareegay
Puntland oo dhabar-jab kunoqday nolosha Somaliland oo ay soo food saartay sixir barar aad uwayn iyo busaaradi,waxaana gabi ahaaba laga guuray oo indhaha isku qabsatay dakaddi Barbara iyo magaalaba,taasoo dad badani ay xukuumadda Riyaale si toos ah ugaga horyimaadeen talaabadaas uu qaaday.

Talaabadaas uu qaaday maamulka Somaliland ma suurta galinin in Itoobiya
intii hore e ay ujirtay uga soo dhawaato,bal e waxay uga wareegtay
Puntland,oo ay waxyaabo badan ugu xilanayso,Itoobiyana culays badan iskama saarto Somaliland waayo meeshii ay rabtay ayay gaadhsiisay oo hadda ahmiyad badan uma sii laha,laakiin Puntland ayaa hadda iyadana la rabaa in lamariyo wadadii Hargaysa qaaday.

Hadaba waxaa iswaydiin leh hadii Puntland ay qaado wadadaas sidee buu
noqon doonaa xidhiidhka labadaas dad iyo gacacsiga udheeyaaaba?


Mukhtaar gundid@gmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com