Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»DAGAALKA DHEXMARAYA ONLF IYO UWSLF MAXAA KEENI KARA YAYSE DANI UGU JIRTAA ?
Ururada ONLF iyo UWSLF, waa labo jabhadood oo hubaysan una wada dhashay Gobolka Ogaden / S.Galbeed . Labada Urur waxay ka midaysanyihiin
1- In Gobolku guumaysi ku jiro
2- In halgan hubaysan lala galo gumaystaha
3- In Shacabku xaq u leeyahay ka talinta aayihiisa, waase hadii ayagoo xor ah afti ( referendum ) laga qaado .

Gacan kahadal dhiig ku daato kuma cusba labada Urur dhexdooda, waxayse ahaan jireen kuwo ku eg uun is garbin iyo is dhudhumis dhinaca awooda ah, hase ahaatee aan xammbaarsanayn utun iyo colaad siyaasadeed, faro shisheeyana aysan ka dhex muuqan.

Dagaalka labada Urur ku dhexmaraya Ogaden/S.Galbeed iyo jawaabaha ‘reaction’ ay ka kala bixiyeen iyo waliba dabaysha colaadeed ee ka oogantay G.Jubbada Hoose ee Somalia, waxay abuureen su’asha ah ‘maxaa keeni kara dagaalkaas, yuuse dan u yahay???

JAWAABAHA ‘REACTION’ LABADA URUR
a) UWSLF
Hogaanka Jabhadda S.Galbeed, waxaa muuqata in ay qaateen tab cusub “new strategy“ oo siyaasadeed, kuna salaysan “ waxaad qarsataayi wuu ku qarsadaa “ . Waxay ashtakooyin is daba joog ah ugudbinayaan guud ahaan bulshada Somaliyeed, gaar ahaana Reer Ogadenia / S.Galbeed, ayagoo si wayn u miciisanaya warbaahinta gudaha. Dadka qaar ayaa qaba in siyaasadani hordhac u tahay dagaal adag oo ay rabaan in ay lagalaan ONLF, halka qaar kalana arinka ku fasirayaan isbihin-bihin iyo kasbashada ra’yulcaama .

b) ONLF

Ururka ONLF wuxuu dagaalka ka bixiyay jawaabo kala duwan. Dr. Doolaad ayaa qirtay in ururkiisu dagaalka qaaday, wuxuuna ka bixiyay raali galin (apologize), halka Gudoomiya ONLF Gen. Mohamed Omer uusan wax wayn kaba sooqaadin arinka. Warbaahinta ONLF ayaan ayana sooba hadal qaadin dagaalka.

Hadaan kaba soo qaadno in ONLF dagaalkan soo qaaday, waxaa la is waydiin karaa ‘ maxaa looga gol leeyahay dagaal ehli ah xilligan adag ‘ ?

Waxaa jirta aragti oranaysa, hogaanka Ururka waxaa walwal wayn ku haya dagaalka caalamiga ah ee Maraykanka iyo Xulufadiisu kula jiraan Ururada jihaadiyiinta ah, kana baqayo in Ururka S.Galbeed sabab u noqdo shaabad khatar ah oo Gobolka ku dhacda, taasoo sahayan karta guud ahaan qadiyaddii loo dagaalamayay loona huray naf iyo maalba, iyo in xaalkuba ku soo ururo Ethiopia oo la diriraysa argagixiso . Tunkani haduu jiro, waxaa ku filan in J.S.Galbeed shaki bixiyaan Walaalahood, si midaysana uga wada hortagaan wixii wiiqaya danta guud ee lagu midaysanyahay.

Aragti kale ayaa qabta in ONLF ka soo qalin daaratay Taariikhdii halgan ee saaxiibadooda ‘ Eretaria ‘ oo ay rabaan in ay Islaamiyiinta jidka isaga sii reebaan .

Tuhunkale ayaa ah, in Maraykanku u igmaday ONLF ladagaalanka Islaamiyiinta Gobolka Ogaden / S.Galbeed.

Arimahani haday jiraan, ONLF inta aysan dagaalka qaadin waxaa uga sahlanayd in ay Walaalahood iyo Shacabkaba u soo bandhigaan, bal waxa la siiyay taas badalkeeda si loo qiimeeyo, waxaaba laga yaabi lahaa in Walaalahooda ay dagaalka ku qaadeeni si uun wax ula fahmi lahaayeene.

YAY DANI UGU JIRTAA DAGAALKA ?
Dagaalkaas nasiib darrada ah ee dhexmaraya Ururadii xornimo doonka ahaa, wuxuu dan u yahay guumaysigii ay la dirirayeen iyo saaxiibadiis, wuxuuna xagal daacin iyo dhabar jabin ku yahay rajadii iyo himiladii Ummadddu ka qabtay in ay ku naalooto xornimo.

URURKA AL-SHABAAB
Jabkii Midowgii Maxaakimta Islaamiga ah ee Somalia iyo qabsashadii Ethiopia ee caasimadda Somalia ka dib, Al-Shabaab waxay gudaha u galeen Gobolka Ogaden/S.Galbeed, ayagoo rabay in ay ka howl galaan agaas, hase yeeshee arintaasi waxay u cunami wayday Ururka ONLF. Halkaas waxaa ka dhashay is maandhaaf ku soo gabagaboobay dalaal lagu hoobtay oo dhexmaray Al-shabaab iyo ONLF, taasoo keentay in Al-Shabaab gabi ahaanba isaga huleelaan Gobolka .

Al-Shabaab waxay fatwoodeen in Ururka ONLF ridoobay ( gaaloobay ), waxayna qudha ka jareen xubno badan oo ONLF ka tirsanaa kuna sugnaa Somalia. Hadaba, Al-Shabaab ayaa noqon kara qolada labaad ee ka fa’iidaysata dagaalkan.

Jabhadda S.Galbeed,oo leh mashruuc siyaasi ah oo ka duwan kan ururka Al-Shabaab, waxay si way uga taxadaraan il gooni ahna isaga fiirinayaan Urur kasta oo ay dhici karto in meelo kale laga maamulo . AL-Shabaab ayaa ayaguna dhankoona eed iyo hiilo la’aan ka tirsanayay Ururka S.Galbeed xilligii ay is hayeen ONLF .

Al-Shabaab, waxay uga faa iidaysanayaan dhacdadaan labo arimood oo kala ah
1- In ay cod dheer ku meel mariyaan fatwadoodii hore, ee ay ku gaalaysiiyeen ONLF, dadkana ay ku dhahaan, wakuwaas nimankii hadana dagaalka ku qaaday Mujaahidiintii S.galbeed, waa ashaado la dirir.
2- In ay helaan saaxiibo awood shacbiyadeed, mid military iyo mid khibradeedba ka badan oo Gobolka ku soo dhaweeya .

Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen Kooxo la sheegay in ay yihiin taageeroyaasha ONLF oo ku sugan G.J.Hoose ee Somalia, wuxuuna sheegay Afhayeenka Al-Shabaab Mr.Yacquub, in sababaha ay u weerareen Kooxdaas ay ka mid tahay ONLF oo Mujaahidiinta S.Galbeed kula dagaalamaysa Gobolka Somali Galbeed .

Xamza Abdi Aar Barre
Tel: 0060173849284
Email: Xamsabdi@hotmail.com
Kuala Lumpur - Malaysia


Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com