Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Jaaliyadaha Ogadenya ma ONLF baa, mise waa umadda gobolka oo dhan?
Waa tuma jaaliyadda Ogadenya, ma ururbaa, mise waa dadka u dhashey deegaanka Ogadenya cururkeey doonaan, qabiilkay doonaan iyo fikirkey doonaanba ha aaminsanaadeene. Warqaddani waxey ka kooban tahey su aalo ku agmeeraya arimahaas iyo inaan jawaab u helo sidii aan ukala sooci laheyn jaaliyadda Ogadenya iyo urur leh hadafkiisa iyo siyaasaddiisa gooniyeed.

Waxaa inoogu danbeeyey shirkii Denmark kadhacey ee lagu yidhi waxaa qabsanaysa jaaliyadda Ogadenya. Marka ladhaho jaaliyadaha Ogadenya waxaa dad aan anigu ku jiro usoo baxda fikir ah in dadka gobolka oo dhami ay isugu imaan doonaan halkaas si ay uga wada hadlaan waxa ka jira deegaankooda iyo dalkooda. Dadkaasi waa iney kakooban yihiin dhamaan inta dagta deegaankaas qabiil walba iyo waliba haddii loo baahdo ururada=u iney jeediyaan fikirkooda iyo halka ay waxmarinayaan si ay ukasbadaan shacabkaas isu yimid.

Waxuu caqliga saliimka ahi qorayaa in jaaliyaduhu yihiin wakiilkii gobolka ee dibadaha kuwaasoo ah shacabka dhulka una baahan iney marwalba kulmaan tashadaanna.

Waxaan aragno iyo waxey aheydna waa kala dheer tahey. Haddaan tusaale usoo qaadano shirkii Denmark waxaa daadihiyey qorey, qabtey casuumey, waxey ahaayeen ururka ONLF unugtiisa Denmark. Waxaa cad in dad badan oo dhashey deegaanka qabiila badanna ka dhashey oo kusugan Denamrk aysan imaanin kulankaas, sababtuna ay tahey labo miduun.

1-Inlaga yaabo inuusan aaminsaneyn fikirka ONLF isla markaana aan loo ogoleyn shirka.
2-iyo inuusan udhalan beesha Ogaden wax ugu yeedheyna uusan jirin, isla markaana uu arko hel beel shirkeed.

In lakala sooco ururka iyo dadka isla markaana shirkan oo kale looga faaideysto isu soodhaweynta umadda iyo iskasbashada waa muhiim maaddaama oo uu yahey fursad qaali ah. Intii shirkan loo fahdiyey waxaa magaalada Diridawa isku heystey qowmiyadda Oromoda iyo Somalida maxaa arinkaas jaaliyad ahaan inooga haboon lama isweydiin, shirarkan noocan ahna laguma arag beelaha Somalida Ogadenya, walina magacu waa kii Jaaliyadaha Ogadenya.

Hadalkii oo kooban sidee ayaan ukala sooci karnaa Jaaliyadaha Ogadenya iyo ururka ONLF. ONLF-na unoqonkartaa ururka u halgama , maqla ka danbeeya shacabka oo dhan ee aan ukala xagleyn shacabka. Jaaliyadaha Somaligalbed ma wada ah ONLF, taas micnaheedu ma ah ninkaan ONLF ahayn kama tirsana jaaliyadaha Ogadenya waa midey hadda umuuqatee.

Isku soo duuboo, doodaha kala gadisan ee shirarkaas oo kale la iskudhaafsado waxey caafimaad iyo wanaag uyihiin wada jirka umadda. Haddii kale sidii kadhacdey Denamrka in istqaana oo isku fikir ah ayunbaa isku sacabeyn, isuna riyaaqi taasoo meesha kasaareysa dhaliilihii iyo wada jir doodkii umadda oo dhan.

Waxaan aad usoo dhaweynayaa fikirka sidii aan u fahmi lahaa in jaaliyadaha Ogadenya kakooban yihiin dadka deegaanka oo dhan ONLF, na ay tahey urur siyaasi ah oo leh ahdaaftiisa iyo siyaasaddiisa kuna tiirsan jaaliyadahiisa kala duwan kaasoo ay qasab tahey iney dhageystaan. Haddiise xaal yahey ama ONLF noqo ama jaaliyadda kama tirsanid iyana waa meesheeda.

Illaaheybaa mahadleh
Al-Haji
ogadenya@hotmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com