Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Dhalleeceyn ku wajahan bogga Xaajo.com. WQ A .M Abiib
Anigoo aan ogayn in aad soo dayn doontaan eedaynta aan idiin soo jeedinayo, taasoo ah mid aad mutaysateen, ka gadaal markii aad ku xad gudubteen shuruucda saxaafada, mar walbana aad taageertaan Garab kamid ah garabyada ka dagaalama gudaha ogenia, oo mar walba aad kusoo gudbisaan webka xaajo wixii lidi ku ah halkganka ogadenia ee hormuudka ay ka tahay JWXo, kuna sifaysaan mar walba niman dib u dhac ku haya shacabka iyo deegaankaba.

sida aynu wada ognahay ONLF waxaa ka horeyay WSLF oo mudo usoo halgantay wadanka ogadenia, waxaana kamid ahaa udub dhexaadkii WSLF, Marxuum Sheikh Ibraahim Cabdale naxariistii jano alaha ka waraabiyee.

Sheikh Ibraahim Cabdala, Sidoo kale wuxuu ahaa hogaamiyihii koobad ee JWXO, hadafkiisuna wuxuu ahaa labada mar ee uu ka kala tirsanaa labada urur in uu la dagaalamo, gumaysiga Ethopia, asagoo mar walba muhimada koobaad siinaya halganka iyo xabada ku jeeda Tigrega.

sidaa darteed waxaan idinku eedaynaynaa guud ahaan maamulka xaajo, in aad ku xad gudubteen shuruucda saaxafada, iyo guud ahaan wadanka ogadenia oo mar walba aad ka tabisan warar aydaan hubsan, idinkoo iska dhigaya niman daacad u ah dalka, si dhex dhexaad ahna uga soo warama, balse riyadaas aad ku riyoonaysaan waa mid ka fog xaqiiqda, wayna jirtay wakhtiyo aad si dhex dhexaad ah uga soo warami jirteen, balse intii dagaalada u dhexeeya labada urur ee JWXO UMJXS uu socday waxaad is muujiseen inaad dhinaca saaraysaan garab kamid ah garabayad ka halkgama gudaha Ogadeia.

waxaan mar labaad idinka digaynaa inaad ka waantowdaan, arimaha aan eedayntooda aan idiin soo diray, ugana soo warantaan wadanka sida webka Dhanaan.com, oo si dhex dhexaadnimo usoo tabiya wararka ogadenia.


Bye, AHmed Muhumed Abiib
Email: abiib55@hotmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com