Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»NINKAAD KABO KA TOLAN KABAHIISAA LA EEGAA W/Q M Haldhaa
Sannadkii 1993kii ayaa anigoo ku wareegaya dhulka Ogaadenya waxaan bas ka raacay magaalada Diridhaba. Baskaas waxaa igu weheliyay nin dhalin-yaro ah, oo ka mid ahaa ardaydii Soomaaliya wax ku soo baratay dagaalkii 1977kii kadib, markuu burburkii soomaaliya dhacayna ku soo noqday Ogaadeenya. Ninkaas saaxiibkay ahaa waligii Diredhabe ma uusan dhaafain, wuxuuna iga codsaday inaan gaadhsiiyo Adis-abab si uu taleefoono uga dirsado.

Markaannu soo dhaafnay meel ay Gabrial yidhaahdaan oo aan sidaas uga fogayn Diridhabe ayay waddadii laamiga ahayd ee aannu haynay go’day, wuxuuna baskii cagta saaray waddo jaay ah oo boodh badan. Ninkii saaxiibkay ahaa markuu arkay boodhkii ayuu is hayn waayay, wuxuuna ku dhawaaqay;
– Aga… Aga…. Aga.. war.. waa maxay boodhkan.Anigoo gartay inuu boodhka la yaabay ayaan haddan ku idhi:–
–Maxaa kugu dhacay, illeen boodh hadda kuuguma horraysee. Wuxuuna iigu jawaabay.
–Waaruntaayee boodh markan iiguma horraysee, waanan filayn, oo waxaan
is lahaa Itoobiya waxay leedahay laami dheer oo isku xira magaalooyinka waawayn. Diridhabe iyo Addis-ababana waxaana islaa waa laami. Isagoo hadalkiisa sii watta ayuu haddana yiri,
–Illaahay baan kugu dhaarshayee ma kuwan ayaannu inay wax noo qabtaan
ka sugaynaa?!. Ma kuwa aan musqulaha lahayn ee waddooyinka kaadida la fariista?!. Ma kuwan magaalooyinka waawayn aanay lahayn hal laami oo siku xira?!. Kuwase nagu leh itoobiya aannu wax la qabsanno oo markay dhulka noo dhisto aannu ka goosanno, soow ma aysan arag iyaduna inaysan waxba dhisan, illeen horaa loo yiri
”Ninkaad kabo ka tolan, kabihiisa la eegaayee”. Waa runtii. Hadday Itoobiya wax noo dhisayso iyadu marka hore ka dhisato. Illeen horaa loo yiri ”Riyo haddii ay dub leeyihiin dabadooday ku qarsanlahaayeen” Markaan arko koox ku doodaysa Itoobiya ayaa wax noo dhisaysa ayaan soo xusuustaa eray uu maalin ka jeediyay shirkii Qabridaha ee sannadkii 1995kii nin oday ah oo ka yimid Soonka Af-dheer. Hadalkaasu wuxuu ahaa;

”Anigu waxaan ka imid Soonka Af-dheer, haddii hadda Nabi Aadan la soo
saarana kama uu habaabeen oo si fiican ayuu u garan lahaa”

Ninkaasu wuxuu hadalkaas xigmadda leh uga jeeday in dhulka uu ka yimid wax lagu kordhiyay aysan jirin oo sidii Rabbi uu ku abuuray uu yahay. Haddii Nabi Aadam hadda la soo saarana wuu garan lahaa oo wax gadaashii laga dhisay ama laga beddelay maba jiraan. Waa taas xaqiiqadA dhabta ah. Itoobiya haddii ay Ogaadenya dhisayso waxay gumaysanaysay tani 1887kii ee maxay u dhisi wayday?!. Haddii ay Soomaaliya wax u dhisaysana maxay dadka Soomaaliyeed ee ay iyadu u taliso wax ugu dhisi weyday?!Cid kastoo damiir iyo caqliba leh way garanaysaa inaysan Itoobiya waxba dhisaynee, waxa waxaas ku sheekeeyaa waa daba-dhilifka iyo biidhi-qaattaha.

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”

Chairman of
The Somali Social Democrats’ Party (SSDP)
Borlänge, Sweden
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com