Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Maanso "UMAL": Geerida Dooalaal!.WQ Deeq C. Xirsi
MAGACA MAANSADA ( UMAL)

-Waa mid xaq ohoo
miyirka galisa umal
iyo murugo gacaloo,,

Malak iyo midaan
Alle mooyee macnaheedu
noo madoow yahaye,,

Maqal-keedu waa mid
igu martoo mahadho
had iyo maalinee,,

Midan maxamadoow
timid i miirtoo
ilmadii moosi
kari waayee,,

Adiguse maarantoo
meeshaad dhigtaanu
mari la,nahay
Ilaahay darajasiyowe,,

Waase midaanu
bidhaansan maamulkad
noo maliigtayee,,

Mana aqaan muraadka
halgan midaadan
noo marinee,,

Mar walba kuwaa
mootanee mutay
nolosha aakhiree
maagay janow
la maaliyo fardowsee,,

Marnaba anigoon
mudanayaasha ilaabayn
midhihii naciimiyo
kuwa maalsaday
malabkii shahiide,,

Midaaduse waa heersaroo
magac lagu miisaamiyo
waa midaan maankayga
uga waayay misaal
kugu haboonee,,

Mudanoow ina siraad
meeshaad ku dhimataa
loo mashquul sanyahaye,,

Hana moogaan
kaama dambayno
muska aakharaye,,

meeshaa in lawada
maro mujaadiyoow
adaa mirayee,,

Marna dib uga
laaban mayno oo
waa maqsadkiiyee,,

Nimaad tahayna waa
midaan madax sariyo
malik inaad tahay
marag ku ahay markhatiyaye,,

Malyuun Mina-zanawiya
hadaanan kuu dilin
muslim-kaanan ku jirine,,

kuugu maray Mowlaha
axmaar badan inaan
kuu midiyeeyaaye,,

Mid wax gartiyo haduu
madow geesiyaa yahay
muruq iyo haduu
maskax leeyahay,
male iyo mug
talis tilmaamsada yahay
kuuma dhuunteen
maalinkii dilkaagiiyee,,

Midigtaa i dhiigaysoo
maradaan qaniinsanahaye
maskii kuu shirqoolaan
miidaan ku masaarrayn
doonaayee,,

Marnaba maamul
haybadle haduu yahay
adoo mahurtadii hooyo
ku mushaaxahaya
ood midnimo qaran
iyo magac u doontay
mooro kuumayna galen,,


Wasalamu calaykum.

Email: gabogab_vip@yahoo.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com