Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

» Geeraar: Haatuf, Waxaa tiriyey Maxamed-Deeq Haldhaa
Haatuf
2007-01-31 Borlänge, Sweden

Waxaa tiriyay Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”

Maansadan waxaan tiriyay 31kii janaayo 2007. Sababtuna waxay ahayd
waxaa isoo wacay 28kii janaayo sanadkan 2007 nin ananu saaxiibbo nahay,
lakaiin ananu arrimaha siyaassada ku kala aragti duwanahay. Wuxuu igu yiri taniyo markii aakhirkii desember laga saaray muqisho iyo koonfurta
Soomaaliya Maxaakiimtii Islaamka, wax wara waa lagaa waayay oo maqaaladdii iyo weerarkii kululaa ee ada Itoobiya ku qaadi jirtay, waa lagaa waayay ee maxa akugu dhacay.

Isagu wuxuu igu durayay in ay dani i aamusisay oo haddii qoladii aan ka
soo horjeeday ay xoog ku qabsadeen Soomaaliya. Waliba in ana cabsaday
oo ay cabsi i aamusiisay. Wuxuuna u arkayay in aan ku qasbanahay in aan
hadda taageero ama aan isaga aamuso ceebayntooda.

Waxaan ku iri;- saaxiib sidada wax u fahantay maahan. Anigu markii horaba waxaan taageerayay jiritaanka Soomaaliyeed. Waxaana ka soo horjeeday
Xabashi iyo cid kastoo aan jeclayn jiritaanka iyo midnimada Soomaaliyeed.
Runtii kumuusan qancin. Laakiin waxaa markiiba igu soo dhacay maansadan. Markaas ayaana qalinka u qaatay. Marka akhriste adna ila arag
dareenkayga.

Raggii uu hareedku
Haaneedka u fuulay
Markay hab cadeenee
Hilfaha loo qaaday
Xamar ka huleeleen
Darbaa nafta hiifay
Ka haayiray guusha
Ilaahay hodanaa
Inuu hagranaayo
Haabka ku qaatay

Anoo harsanaaya
Hareer gurigayga
Haatuf nin sheegay
Wuxuu yiri hoogtay
Ninkii hebel maatid
Maxaa ku haleelay

Haldhaa lagu waayee
Heeso qoraalka
Hooyaalada maanso
Heelada jiibta
Waxaad hurgufaysay
Maxaa helay maanta?

Waxaan iri haaka
Miyaanan hawaasoow
Deyrtii horeeto
Adoo harka jooga
Hagoogtay go’aaga
Luqunta hogaanshay
Afkaa ka hadlaynin
Habaasku ku aasay
Intaan hab kusiiyay
Hayinka ku saarin?!

Miyaanan halgaadda
Axmaar hardankiisa
Intaan hooto tuuray
Halboowlaha gooynin?!

Miyaan hiddidiida
Melez habareeyga
Huurada qurmuun leh
Intaan hargo waaxay
Ka soo qubin hoorta?!

Miyaanan horseedka
Heeraha guuray
Halkuu naqu yaalo
U sii hor kacaynin?!

Miyaanan hayaanka
Beesha hugmaysa
Habeynkii gudaysa
Hangoolka u jiidin?!

Miyaanan haboowga
Hayjad anbanaaya
Hillinka aqoonin
Intoow gacan haadshay
Haloosiga keenin?!

Miyaanan horweynta
Haleelo irmaanta
Hashayda Cadduura
Haaneed lisiddeeda
Haruubka ka buuxsan?!

Miyaanan habsaanka
Hurdada ku raagay
Hawshiina ka daahay
Inta hoonka yeershay
Hanbaabirka toosin?!

Miyuusan hadhiinka
Dheemman ku haysta
Hareerta isbigga
Karaawil u hiilin?!

Miyaanan hadimo
Hoggaa la qodaayo
Dadkayga ku hoobtay
Intaan hor istaagay
Hareer uga leexin?!

Miyaanan herdida
Haraati lugeedka
Tigree hiijo qaaday
Inta god ku huurshay
Ku heerin dagaalka?!

Miyaanan heybta
Qabiil isku hiifka
Hilib u colloowga
Waryaa hakiyaayda
Intaas ku harraadin?!

Miyaanan hillaada
Dadkaa la hafraayo
Dawladda haysan
Anoon hagranaynin
Hareerta ka joogsan?!

Miyaanan hugunka
Hirkaa sare gaaray
Anoon xil ka haynin
U sii hunguryoonin?!


Miyaanan hadeerto
Haddaayay shalayto
Markii had kastaaba
Ninkii la hallaago
U hiillin aqoonin?!

Miyaanan hayaayda
Colkaas la horjoogo
Intaan rag hubeeyo
Hawser la qaadan?!

Miyaanan hillaaca
Dhankaa bari hooray
Harooyin biyoobay
Dadkaygaan harraadsan
Haamaha u aroorin?!

Miyaysan hiloowga
Dhulkii aabbe hooyo
Ka soo hijro dhoofay
Laabtu ii huraynin?!

Miyaanan higgaada
Carruurta hadaaqa
“H” “W” iyo siinka
Intaan hadh galbeedka
Looxa hareeri
Anqaasta hadiga
Ka so hil-hillootay
Qur’aanka aan hoorshay
Hagaag ugu sheegin?!

Anoon hadalkiiba
Wax saasa hanbeynin
Wuxuu hiyigaygu
Laabta ku haayo
Halkaan wax la doono
Anigoon hallaynin
Rabaa ii hagaajin.
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com