Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Sadjacaylka Mohamed Omar iyo samirdarida Dr Dolaal. WQ Dhakaase
Kusoo bodistii uu Mohamed Omar Cismaan halganka kusoo booday ayaan waxba soo kordhinin laakiin waxay baabiisay wixii tabarta yaraa ee alla ha’unaxariistee halgame Sheikh Ibrahim Cabdalla iyo saaxiibadii ummadda u abuureen, Mohamed Omar oo taariikh ahaan ku can ahaa isku koobista danihiisa gaarka ah horayna aan loogu aqoonin ka dhex muuqashada meelaha lagaga hadlaayo danaha qadiyadda halkudhaggiisa ku wajahan halganka shacbiga s/ogadeniyana ahaan jiray (a) waqtigii dagaalka waa laga baxay ee xabadda joojiya (b) qaaraanka marwalba la qaadayo wax lagu qabanayana la ogayn dadka wuu ka batay ee halaga daayo, ayaa waxaan ognahay in shaqada kaliya ee Mohamed Omar manta hayo tahay labada arimood ee aan kor ku sheegnay, sidaa daraadeed labada jeer keebuu odaygu saxan yahay?

Waxayna su’aasha wayn ee aan ilaa iyo hadda jawaabta loo helin tahay maxaa badaley figraddii iyo wixii horey loogu yiqiiney M/Omar muddo gaaban gudaheed sababayna inuu noqdo guddoomiyaha JXWO isagoon wali xubin noqonin? M/omar oo ku yimid sidaa qaladka ah ee aan waafaqsanayn sharciga ONLF inuu qofaan xubun noqonin guddoomiye noqdo, xubnihii ONLF ugu sarsareeyey ee arintaaas watayna Dr Dolaal kamid ahaa muranka ugu wayn ee manta laysku hayaana yahay in sharci wax lagu mamulo ayaa su’aashu waxay tahay waa maxay sharciga laga sugi shaqsi si sharci dara ah ku yimid?.

Dadyawga siyaasadda shacbiga S/ogadenia indha-indheeya ayaa waxay hogaaminta M/Omar ku tilmaamaan inay tahay mid ku salaysan sidii halaganka ONLF loosoo afjari lahaa arintaas oo noqon karta jawaabta midka mid ah su’aalaha kor ku qoran in arintani hirgashana heshiis lagula galay gacmo shisheeye oo kale oo marwalbana iyagu go’aanka wata sababna u ah in dhamaan ficilooyinka xunxun ee aan marwalba arkayno dhacaan, waxaana taa makhraati u noqon karta dagaalada lagala horjeedo dhamaan ururada ka dagaalama gudaha dalka S/ogadenia, waxaana meesha kabaxday maahmaahdii Somaliyeed ee odhan jirtay cadowgaaga cadowgiisu waa saxiibkaa.

Marhaddii waxyaabaha aan soo sheegnay oo dhan jiraan waxaa kuusoo bixi sawir u muuqan kara in saraakiisha Tigreega iyo ina Ileey oo ah kuwa beera inta ugu badan dhalinyarada xabadda ridda ee u dagaalanta qadiyadda shacbiga S/Ogadenia ay halganka u dhaamaan kuwa sheeganaya inay madax ka yihiin ONLF qabanayaana shaqadii ay ahayd inay ONLF qabato, marka waxaa laga yaabaa in markaad akhriyeysid qoraalkan aad iswaydiiso maxay ina Ileey iyo saraakiisha tigreegu ka wadaan cadaadiska faraha badan ee keenay inuu noqdo midka dhalinyarada raaciya jabhadaha ka dagaalama dalka S/ogadenia? Jawaabtu waxaa weeyaan cimriga shaqadoodaa ku xidhan in marwalba qalalaase ka jiro dalka.

Gagabadii waxaa nasiibdara ah inaan makhraati ka noqono in wiilashii ka dhashay cadaadiska aan kor ku sheegnay go’aankooduna ahaa inay la dagaalamaan gumaysiga Tigreega kulana dagaalmayeen qorigii ay kala yimaadeen reerkooda iyo qaraan bileedkii ay bixinayeen jaaliyadaha dibadda jooga ay qaarkood naftoodii qaaliga ahayd ku waayeen xabad uu ku dhuftay walaalkiisii ka garabdagaalami jiray inta soo hadhayna ku mashquulsan yihiin M/omar iyo Dolaal midkii ay raaci lahaayeen.

Markii arini halkaa mareyso su,aashu waxaa weeye maxaa shacabka s/ogadenia udiyaarsan oo halganka lagu badbaadiyaa ama lagu badalaa’ soo uma muuqato in jaanis fiican oo jabhadda soomaaligalbeed halganka ku badbaadin karto meesha kasoo baxay? Halganka qadiyaduse soo uma baahna hogaan hornimo u dirir oo daacad ah mise aayad quraa ah ayaa sheegtay in Dolal ama danaysteyaal kale la daba joogo? Si kastaba ha’ahaatee waxaa muuqata in halgankii qadiyaddu galay waqti adag loona baahan yahay sidii looga gudbi lahaa loona badbaadin lahaa umadda, haddaba si arintaas loo helo waxaan dhamaan shacbiga S/Ogadenia ugu baaqaynaa inay u diyaar garoobaan qaabkii halganka loo dabaqaban lahaa waxaana arintaas lagu suuro galin karaa in shaqsi kasta oo u dhashay dalka S/Ogadenia xil iska saaro sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka halganka soo foodsaarey iyadoo cidkasta isku dayeyso inay ogaato waxa jira ee runta ah lagana xoroobo in shaqsiyaad ku amarkutaagleeyaan danaha guuud ee S/Ogadenia.

ogadeniya12@yahoo.co.uk
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com