Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»ONLF maxey dagaalkan ka faaiideysaa?WQ Xasan Yare
ONLF maxey dagaalkan ka faaiideysaa?
Qaybta 2aad


Maqaalka qeybtiisii hore waxaan kaga soo hadalnay hordhac kooban iyo
su'aalo ay mid ahaayeen: maxaa dhacay?,maxaa ONLF dagaalka ku kallifay? Qeybtan labaadna waxaan kaga hadli doonnaa su'aalo ay ka mid yihiin ONLF maxay dagaalkan ka faa'iideysaa? Maxeyse ju khsaraareysaa?, iyo side loo joojiyaa dagaalka?.Sida muuqata dagaalkan wuxuu dhalinayaa khasaare naf iyo maalba leh qofna ma galo dagaal uusan is laheyn faa’iido dhibka ku soo gaadhaya ka badan ayaad ka heli doontaa, bal haddaba waa maxay midhaha ay ONLF fileyso inay ka gurato dagaalka ay la gashay ururada islaamiga ah?.

Shaki igagama jiro inuusan Mareykanku ONLF u ballanqaadeynin xornimo
ama xattaa talaabo wax ku ool u ah shacabka reer Soomaali galbeed
waxaanse qiyaasi karaa inayna wiilasha madaxa diiran ee bintaagoonka iyo FBIda ka shaqeeya waayeynin madadaalo ay ku mihiyaan ninkii laga
faa'iideysan karo, dhab ahaantiise dagaalkan waxaa ka macaashaya Maraykan iyo Itoobiya oo uu daneheeda ka shaqeynayo waxaana isku naafanaya ururo khatar ku ahaa Mareykan iyo Itoobiyaba, haddiise aan odoroso waxa ay ONLF ka heli karto dagaalkan waxaa ka mid ah:

1. saaxiibtinimada Mareykan ama in xataa uu ku salaamo waa hadaf dad
badan oo siyaasadda jecel muhiim u ah, waayahan danbena waxaa soo baxay siyaasiga aan cidi wadanin inuusan muhiimba aheyn ama uusan mustaqbal siyaasadeed laheyn marka waxay ila tahay inayna arrintaasi meesha ka maqneyn.

2. baraafo, durunow iyo ereyo lamid ah ama ammaan in hebal iyo heballo ay muhiim yihiin warbaahinta Mareykana laga sheego lana xuso sida ay argagixisada ula dirireen iyana waa arrin dadka qaar muhiim la ah inay helayaanna way ila tahay.

3. in la sheego in ururka ONLF uusan aheyn urur argagixiso ah walow ay adagtahay inay Itoobiya arrintaas yeesho.

4. dhaqaale dhiirigalin ah oo aan ka badnaan doonin ama ka yaraan doona kharashka dagaalku keeni doono oo dhimasho, dhaawac iyo qalab iyo saanad luntaba leh.

5. in maamullada heerarka hoose ah ee wasaaradda arrimaha dibadda loo
ogolaado in ay la kulmaan sida haweeneyda frezer ah ee asalkeedu
Itoobiyanka yahay, arrintaasina aad bey muhiim ugu tahay dad badan, waana midda uu (Riyaale) Mareykan ugu safray socdaalkiisii dhowaa, waxaana arrintaas loo daliishadaa in ninka sidaas loo qaabilaa uu yahay nin soo koraya oo lagu wado inuu Mareykanka hawlo u qaban karo aanse aad loogu sii kalsooneyn ama aan arrimo siyeesadeed laga rabin.

6. in hay'adaha lagu sheego inay xuquuqul insaanka daneeyeen ay
arrimohooda ka hadlaan jawaasiis si hoose u soo baadhana wariyeyaal ahaan loogu daro oo ay diraasado ka soo sameeyaan.

7. in laga qaybgaliyo maamulka waxa loogu yeedho (kililka shanaad),
xubno muhiim ahna ay ku yeeshaan, ama laga qaybgaliyo, maamulka fadaraalka Itoobiya, taas oo soo afjari doonta halgankii uu mudada dheer kusoo jiray ururku, wax kama jiraana ka dhigaysa dhiigii iyo dhaqaalihii ururku ku bixiyay halganka xornimo doonka.

Faa'iidooyinkaas haddaba ma yihiin wax urur gobanimo doon ahi u mohdo mise waa shaqo ku habboon nin aan hadaf laheyn oo ay dantiisu tahay inuu afkiisa wax u helo? Aniga waxay ila thay ama ha la helo ama ha la waayo ee shaqooyinka noocaas ah waa buux waana kuwa ay ka shaqeeyaan Karazaay, Maxamuud Cabbaas, ina iley … iwm. Ninkii sharaf lehna waa ceeb ay tahay in uu arwaaxiisa uga bo'o.

ONLF maxay dagaalkan ku khasaareysaa?

Dagaal ninkii galaa khasaare iyo faa'iidaba wuu fishaa, mararka qaar
khsaaraha ayaa yaraada oo faa'iidadaa badata, mararna khasaarahaa bata ama faa'iidoba lama helo haba yaraatee, balse haddii aan saadaallino waa maxay khasaaraha la fili karo inuu ONLF dagaalkan ay ku qaadday ururada islaamiga ah ka soo gaadho? Aniga sidey ila tahay dagaalkani haba yaraatee wax aan khasaare aheyn malaha haddii aan wax ka tilmaanno khasaarahaasna waxaa ka mid ah :

1. dagaalkan waxey ONLF kaga lumeysaa hadafkeedii ahaa gobanima
doonnimada, waxeyna kaga mashquuleysaa cadowgii ay dagaalka kula jirtay ee ahaa gumeysiga Itoobiya, waxeyna noqoneysaa sida ninkii ceel u arooray ee markii uu meel dhexe sii marayo dhaandabangaalle iska raacay ka dibna uu col ula galay ee markii danbe fikirkiisii noqday Ilaahayoow yaadan biyaba heline naftaada ma u badbaadi doontaa!!

2. wuxuu ururku waayi doonaa sumcaddii uu soo dhisayay muddada dheer
waxaana la kala garan waayi doonaa faraqa u dhexeeya isaga iyo
dabaqoodhiga (Ina iley) wato maxaa yeeley waxaa muuqneysa inay isku shaqo uun hayaan oo ah la dagaalanka ururda gumeysiga ka soo horjeeda.

3. ururku wuxuu waayi doonaa taageeradii iyo kalsoonidii uu ka haystay bulshada reer Soomaali galbeed iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed, maxaa yeelay ururku wuxuu taageerada ku helayay waxay ahayd la dagaalanka gumeysiga ee ma ahayn ladagaalanka ururada gumeysiga la dagaalamaya,
waxa bulshadu taageertayna ma ahayn koox ama ashkhaas ee wuxuu ahaa
mashruuc gobanimo doon, haddii marka mashruuca ONLF uu isu baddalo
ashahaado la dirir waxaan hubaa inayna ka ayaan badnaaneynin qabqablayaashii Xamar ku hoogay ee Mareykankii kireystayba iska nacay Markey ebar keeneen, arrintaasna dad badan baa khalda ama ( miss calculation) ku dhaca oo mooda in taageerada uu haystaa ay tahay mid uu ku helay raganimadiisa waxayna la noqotaa haddii uu saxarada qastana in waligiisba la taageeri hiil iyo hoobana lala garab taagnaan, waxayse waayuhu ina bareen ninka ka baydha mashruucii lagu taageeray inuu cidlo soo fadhiisan dabdeedna la odhan doono war indhoolaan bannaan baad ku gabbaneysaa!!

4. ONLF waxay kasbatay colaad iyo cadow ayna u baahneyn waxyna isu
dhigtay xabbad rag kale u socotay waxayna soo gashay safka gaashaan buurta Mareykanka ee ay muslimiinta meel walba isku hayaan, taasina waxay keeni doontaa in ONLF dhulku ku cidhiidhyamo oo ay ka go'do jidad badan oo ay ka adeegan jirtay, Soomaaliyana ay ka caagto; maxaa yeelay haddii ay is bidday inay Soomaali galbeed ku xoog badantahay Soomaaliya ayaa lagaga xoog badan yahay, haddii aan arrintaas la xallininna ONLF waxaa ku adkaan doonta inay u kala gooshto Asmara iyo Soomaali galbeed.

5. dadka ay ONLF ladagaalameyso waa culimo Soomaali oo dhan kalsooni
iyo taageero ka haysta oo takoori kara haddii ay fatwo ka soo saaraan inay ONLF dad culimo ah leysay, haddii aan sii ballaadhiyana ONLF uma adkeysan doonto hadii ay koox ka tirsan culimada ka soo jeedda deegaanka Soomaali galbeed bulshada u sheegaan inay xaaraan tahay in ONLF xoolo la siiyo maxaa yeelay dad islaam ah bay ku leyneysaa, dad badan oo taariikhdu u joogto markii wadaadku allow sahalka ahaana waa cusub baa ku baryi doona, waxayna arki doonaan in ururo badan hal sheikh ka kalsooni iyo sumcadba badanyahay.

6. arrintani ururka waxay ku keeni doontaa kala jab; maxaa yeelay dad
badan oo madax iyo ciidanba leh kuma qanci doonaan inay isku baaba'aan rag ay ilma adeer yihiin oo hadhow dakanohooda ayna ka bixi Karin waxaana soo bixi doonta in waxa dagaalka wada ay yihiin koox ka tirsan ururka, taasoo marka danbe u gudbi doonta warbaahinta waji siyaasadedna yeelan toonta, waxyna arintaasi xoojin doontaa mowqifka garabka mucaaradka ah ee haddaba warbaahinta ka hadla.

7. waxaa ka lumi doona rag, qalab iyo hanti badan oo noqonaya hal
bacaad lagu lisay ama awood wiiqantay oo aancadow wax lagu yeelin ee walaal lagu dilay.





Sidee loo joojiyaa dagaalka?

Ma yara khasaaraha ONLF ka soo gaadhaya dagaalkan ay billowday, waxayna ila tahay si dagaalkan loo joojiyo in loo baahanyahay arrimaha soo socda:

1.madaxda ururka ONLF waa inay dagaalka joojiyaan warbahintana ka
hadlaan kuna dhawaaqaan inay diyaar u yihiin in wixii dhacay nabad lagu dhammeeyo qof walbana khaladkiisii la saaro.
2. ururada islaamiga ahi waa inay samir iyo adkeysi muujiyaan
aqbalaanna wixii garsoor ah oo dhiigga lagu joojinayo.

3.waxgaradka, aqoonyahanka iyo madax dhaqameedyada ka soo jeeda
Soomaali galbeed waa inay u guntadaan sidii ay ONLF dagaalka u joojin lahayd, ka dibna u dhexdhexaadin lahaayeen ururada, haddii ay arrintaasi ku adkaatona waa inay mowqif mideysan ka qaataan ciddii gardarada wadda.

4. dadka sharafta leh ee dhibsanaya waxa dhacaya ee ka tirsan madaxda
ama ciidanka ururka ONLF waa inay mowqif cad ka istaagaan dagaalkan xaq darrada ah, waana inay ka howlgalaan sidii ay ururkooda ugu qancin lahaayeen inay dagaalka joojiyaan haddii ururku ku dhago adeygana waa inay ka bari noqdaan dhiigga walaalohood si cadna war baahinta uga hadlaan.

5. taageerayaasha ururka ONLF dibad iyo gudaba waa inay madaxda ururka ku cadaadiyaan inay joojiyaan dagaalka kuna baaqaan waanwaan iyo wada hadal, haddii ay diidaanna waa inay hakad galiyaan dhaqaalaha ay ururka ku caawiyaan si aan xoolohooda loogu adeegsan in walaalohood lagu laayo.

Arrimahaas dhammaantood ama qaar ka mid ahba waxaan is leeyhay haddii
lagu tallaabsado waxaa suuragal ah in la xalliyo mushkiladdan inta ayna sii ballaadhanin, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu muslimiinta kala qaboojiyo, dhiigga daadanayana dhakhso u joogsado …. Aamiin .. aamiin

Qore: Xasan Maxamed Ibraahim
Xasanyare@msn.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com