Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

» Faallo:ONLF Ma Xornimo Doonbaa? Mise Xuquuq Dheeriya? Mise Waa Dantaa-Xurubsi?
Waxaa mahad oo dhan leh Illaahayga mulkiga ciddii doona siiya, tuu doonana ka qaada; Illaahayga cidduu doono cizeeya, tuu doonana dulleeya; Illaahayga khayr oo dhan gacantiisa ku jiro. Naxariis iyo nabad-galyana nabigeena korkiisa ka ahaato.Qoralkanu wuxuu la hadlayaa cid kastoo gumaysiga aadamaha neceb, xoriyadda jecel kuna qanacsan addonimada Illaahay. Qoraalku wuxuu isku dayayaa inuu iftiimiyo dhawr arimood oo hagar-daammooyin ku ah sidii umadda gobolka S/galbeed?.Ogaden ay xoriyad u heli lahayd heeryada gumasigana iskaga tuuri lahayd. Gumaysiga iyo dhibta uu inagu hayaba waxaa horay uga hadlay qaar iga faseexad badan. Waxaanse wali aad looga hadlin kuwa iyagu xidhan dhar gobonimo doon, balse umadda bohol uun u sii gadh-wada; kuwo aan halyeeyo u naqaan balse biidhi-qaatayaal ah; kuwo halganku u yahay sidii xoollo ay xidhaaldeeda uun qaateene aanay lexe-jecladiisa lahayn. Kuwaasu waa madaxd ONLF ee qurba joogta ah, gaar ahaan inta isku tilmaanta aqoonyahanada ama rog-cadayaal siyaasadeed.

Run ahaantii hal mar lagama wada hadli karo, laakiin waxaan filayaa in qoraalkan uu bilaw u noqdo sil-silad lagu fashilnayo kuwaas iyagu xidhaalada ka qaata gobonimo-doonka. Waxaa qoraalku soo qaadanaya dhawr arimood oo kalaata oo mid waliba daliil u tahay in ragaasi aanay inoogu maqnayn xornimaadan naawilay ee ay siiba durkinayaan.

Kow, ururada Siyaasadda waxaa lagu tusaaleeyaa ganacsato ka mushtarta rabitaanka umadaha ay matalaan. Sida ninka ganacsadaha ahi uu ugu kuur-galo bal waxa dadku u baahanyihiin ee laga gadi karo ayaa ninka siyaasiga ahna ay tahay inuu u kuur-galo bal umaddu waxa ay u baahantahay. Dabadeed waxaas la ogaaday inay umaddu u baahantahay ayaa siyaasigu ka diyaarsadaa barnaamij siyaasadeed oo dadka si fudud looga gadi karo. Su¡¦aal aan doonayo inay is waydiiso cid kastoo ka soo jeedda gobolka S/galbeed/Ogaden ayaa ah; bal in ONLF ay arintaas samaysay iyo in kale?

Marar badan waraysiyada lala yeesho madaxda ONLF marka la su¡¦aalo bal inay u dagaalamayaan in ay gooni isu taagaan iyo in kale waxay ku jawaabaan, ¡¥ma jirto si gaara oon rabno ee dadkanaga ha la waydiiyo, markaa iyagay jirtaa inay Ethiopia ku sii jiri, inay Somalia ku darsan iyo hadday dawlad gooniya noqonba¡¦. Runtii waa wax laga naxo in urur sheeganaya inuu 10eeyo sano halgamayay uu qeexi kari waayay waxa dadkiisu rabo ee uu ka tarjumayo. Taasu waxay inagu war-galinaysaa seddex arimood. Midda koobaad waa in ONLF ay tahay sidii ruux day-dayaya baadi aanu tilmaanteedaba garanayn, dabcan waxaana dhici in xataa hadduu arko uu garab maro illayn tilmaanteedaba ma hayee. Haddaan si kale u dhigo, ONLF kartida ay u yeelan wayday inay ku caddayso rabitaankeeeda ama kan umadda ay leedahay waan matalaa uma yeelan karto inay gumaysi gaamuray ku kiciso. Laba, waxaa kaloon arintan ka baran karaa xidhiidh-la¡¦aanta dhex-taala ONLF iyo dadka ay leedahay waan matalaa. Seddex, waxaan ka baran karaa in ONLF, iskaba daa barnaamij siyaasadeed ooy ku hawl-gasho markay awoodda heshee, aanay xataa lahayn mid baadida umadda ka maqan lagu baadi-goobi karo. Haddaba hadday ay arini sidaas noqotay saw ma haboona inaan is waydiino su¡¦aalahan:
ľ Urur ma sheegan karaa inuu ka wakiil yahay ummad uusan warba u haynin xataa waxa ay rabto?
ƒæ ONLF dagaalkan umaddu qiimaha adag ugu kacay haddaanay ku doonayn xornimo, xornimo doonimadka ay shacabka qaaraanka kaga gurtaan ma caruurtii dhaankii baa soo dhaw beena lagu seexin jiraa oo iyagaa dantooda gaarka ah ka leh dagaalkan? Malahan isaga ah wuxuu kuu sii xoogoobi markaad ogaato inay shuruud la¡¦aan kula midoobeen xisbiga mucaardka ah ee CUD. Xisbigaasoo hadafkiisa koobaad yahay in marnaba aan Ethiopia la kala jarin. Bal¡¦e ay tahay in dib loo raadiyo sidii Eriteria loogu soo celin lahaa Ethiopia.

ľHaddii ONLF wax xornimo ka hoseeyo ku gor-gortamayso iyagaaba xukuumadda deegaanka haystaye maxay dagaalka iyagoon dadka kala tashan u bilaabeen, inta habeen-madow calankiina xooggaa sonkora ku sii guntadeen?

ƒæMase laga yaabaa in markii hore xornimo doonku ka dhab ahaa iminkana ay ka quusteen ooy is leeyihiin ¡¥Illaahoow yaa mar idiin gacan-haadiya aabad iska xarootaan ood maamulka kililkana mar labaad dib u qabsataane?

ľSababtu waxay doonto ha ahaate waatan ka muuqata inayna xornimo doonayne saw ma ahayn inay dadka u sharaxaan wixii is beddellee ku yimid xornimo-doonkii la isku ogaa?
Middayy doontaba ha noqotee waa wax qalbigii garasho leh qaradhinya, wixii rajo ahaa quus inaga gaadhsiinaya inana baraya sida aan ugu tacab-khasaarnay ururkan.

Sida aan wada ognahay shacabka deegaanku waa Muslim 100% waxa dulmiga ku haya ee uu rabo inuu ka xoroobana waa dawlad ah kiristaan waliba xag jira ¡¥Cobtic-orthodox¡¦. Dagaalkaasu wuxuu soo jiray ilaa qarnigii 15aad. Illaa xiligaas umaddeenu waxay naftooda qaaliga ah ugu hurayeen inuu dagaalku yahay jihaad xaq ah. Sidoo kale, Sheekh Ibraahim Cabdalla, Guddomiyihii hore ee ONLF wuxuu ku tilmaamay dagaal waligii u soo dhexeeyay kaniisadaha iyo masaajidda geeska Afrika. Nasiib darose mar uu wariye Jeffrey Jettleman oo u shaqeeya Wargayska New York Times soo warsaday ambaan-duulayaasha ONLF June, 2007 waxay u sheegeen in dagaalkanu aanu ahayn Jihaad iyaguna aanay ahayn dad diineed balse ay cilmaaniyiin (diin-laaweyaal) yihiin. Waxaa taas ka sii naxdin badan in Gudduumiye Maxamed Cumar Cusmaan horaantii Janauray 2008 uu VOAda ayuu af buuxa kaga yidhi urur diini ah kama ogalaan karo gobolkayaga. Intaas kuma ekaanine waxaa ay ONLF kuba talaabsatay inay laysay culumo badan oo xiligii ONLF gumaysiga hoos yuusaysay iyagu Jihaad xaqa kula jiray Ethiopia. Si hoose markaad ula sheekaysato madaxda ONLF waxay kuu sheegi inay muhiim tahay in adduunyada lala jaan-qaado oo aan la dagaalno islamiyiinta si aan u hello taageerada reer-galbeedka. Haddaba, bal aan is waydinee su¡¦aalahan:

ľTaloow Illaahay xaggiisa oo la raali-galiyo ma waxaa kala qaalisanaaday raali-galinta Reer-galbeed? Mise waxayba is-leeyihiin iyagaa kaba xoog-badan xataa Illaahay? Subxaana Laahi Cammaa Yasifuun

ľONLF ma Maraykan iyo adduun-waynay matashaa ooy xornimo u raadinaysaa, illayn waan ognahay kuwaasu islaamka khatartiisa ka xoroobay is leeyihiine, mise ummad cadawgeeda 1aad Ethiopia yahay bay wax u rabaan?

ľDagaalka gaalada ina haysata aan kula jiraa haddaanu jihaad ahayn saw ma aha inuu xaq-daro yahay oon loo baahnayn in naf iyo maal midna lagu bixiyo? Markaanse reer-galbeed odhaahdaas ku raali-galin wax intee dhan baan Illaahay kaga fogaanaynaa; wax intee dhan baanse u dhimayaa mooraalka dhalinta naftooda u huraysay inay guul helaan ama janno rabi galaan?

ľMa fahmi waayeen in ummaddani Islam tahay wixii ka farxiyaana Islamnimo tahay, mise waxay umaddoodu ku farxi waxay ka jecelyihiin waxa maraykan ku farxi?

ľMa dhici kartaa in Qoxootinamada madaxda ONLF ku haysato Europe iyo America ayba kala qaalisantahay waxa umaddu jeceshahay? Ooy is leeyihiin xaganaa la idinka carqaladayn haddii aad iska fogayn-waydaan Islaamka iyo dadkiisaba

ľHaddayse Jabhadu wax ku ahaan jirtay taageerada shacabka, maxay noqon jamhaddii ilaalin-wayda dareenka shacabka? Kalluun biyihii ka dhamaadeen oo kale saw ma aha?

Iyadoo aynaan xaqirayn qaar badan oo naftooda iyo maalkoodaba u huray sidii umaddaas loo gaadhsiin lahaa xoriyad, ayay haddana waajib inagu tahay inaan dadka uga digno dhagarta madaxda ONLF ay ku hayso inta iyadu xornimada u halgamaysa. Anigoo halkaas ka sii amba-qaadaya ayaan filayaa inaad iiga wada marag kacaysaan in madaxda ONLF waqtigooda inta badan ku bixiyaan Europe & America ooy horay qoxootinimo isaga diiwaan-galiyeen. Hadday dhacdaba, 5% waqtigooda ah ayay joogaan Africa. Intaas yarna qaybteeda badan Casmara Huteelada ugu qaalisan bay ku qaataan, markaas bay waliba mararka qaar inta teleefan satellite ah BBCda kula soo xidhiidhaan sheegtaan inay Ogaden joogaan. Haddaba haddaad xornimo jeceshahay, Illaahay ha ku gaadhsiiyee, is waydii su¡¦aalahan:
ľ Xornimadu la dooni ma dariiqyada Europe & America bay ku luntay oo laga baadhayaa?
ľ Ma fahmi karaa nin nolashaas ku jira xaqiiqada umadda & xanuunka haya toona? Hadduusan fahminse ma haggi karaa
ľ Haddaan dhihi lahayn siyaasadda dibadday adkaynayaan madaxdoo dhan ma wakiillo arimaha dibaddaa? Mise holaca intuu daacad ahayd looga soo kala dhuuntay? Ka holaca laabta u dhigayase emaa hogaamintana loogu daro?
ľ Sideedabase umad dhan masiirkeed ma noqon kartaa shaqo part-time ah oo saacadaha dheeriga ah sidii shaxda lagu madaddaasho?
ľ Ma waxaan raali ku noqon karaa in malaayiinta dayaca u dhimanaysa iyo dhalinta naftooda u huraysa xoriyadda uu remote-control ugu taliyo nin hadhkaa Europe ee uu foodda soo galiyay wax-walba kala qaalisanyahay?
ľ Illaahay baan idinku dhaarshee ma waxaan yeeli karnaa in dhibka xornimo-doonkuna umaddoo dhan saabto midhaheedana rag naftooda soo bajiyay ay Europe & America ku tamashleeyaan?
Sida aad qoraalkaba ku aragtaan wax gunaanada ma samaynin hal aragti oo go¡¦anna ma soo bandhigin. Waxaa uun toosh lagu qabtay qayb-yar oo ka mida waxa ka muuqda dhaqanka ONLF iyo waxyaalaha laga dheehan karo oo qaab su¡¦aaleed ah. Marka ciddii waddanka iyo umadda lexojeclo ka hayso fadlan hannoo saxdo wixii khaldan wixii saxanna hanagu taageerto. Hana la xusuusnaado in umaddu mar-walba xaq lama taabtaana u leedahay in loo sheego sida arimaheeda loo maaraynayo

Saahid Keynaan
saahidkaynaan@hotmail.co.uk
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com