Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Fariin Aakhiro: WT: Abwaan Hurgumo
Abwaan Hurgumo
striver_love@yahoo.com


FARIIN AAKHIRO:

Malagaa deg-degayow
Adaan daalin waligaa
daruuraha dulmarayee

xareedaa da'aysana
adigaa dalbanayoo
dulmigana aqoonoo
daacadnimo halmaaloo
aan diidin waligaa
halkii eebe kuu diro

Inyar ii dulqaadoo
deelaydan gaadhsii
iyo dulucda sheekada
kuwa duni kuneelee
wali iga danbeeye
dunna aan wadaagnee
daacad ii ahaankara

Durba waxaad tidhaahdaa
Digtoorkii wuxuu yidhi:
magacaygu Doolaal
cinwaan daarta aakhiro
Fardowsada dusheedee
Ilaahbaa idoortoo
shihiidnimo ii daahfuray

Danbigay ladhaafyoo
dacatigii karaystoo

Deegaan baxaysiyo
Dugsibaan kunoolahay

Waxa aan dabaashaa
ama aan durduurtaa
wabiyaal danbara iyo
Xareedaas da'aysiyo
Malabkoo kasii daran

Markaan dihin jacaylkiyo
Dumar aan xusuustana
daqiiqado dhexdoodiyo
inta aanan midig dayin
Xuural cayn diyaaroo
deel-qaaf aqoonbaa
dibnaha ii furaysoo
udug igu dahaadhoo
Daadah igu tidhaahdee

Xuural cayn diyaaraan
ladalxiisayaayoon
damaashaad kunoolnahay
daaraha dhexdoodee

Dabaakh kalana iga qora
iyo duur xulkaygaas
Raasin Deeq Bashiir iyo

Mukhtaar Odol ku diirsaday
darisbaan wadaagnaa

Kayd daqaqan gaadhnaa
dabajeedis baan nahay
dalab baan ciyaarnaa

Dinaahigii daraawiish
Sayidkiina Daalacay
Eebe darajo wayn sii
dakharbaa ku yaaloo
dibnuhuu qaniinaa
Dulankaan kunoolnahay


Axmed Guray darmaankii
Faraskii dagaalkii
wali daabkii muu dhigin
dagaalbuu darbanayaa

Makhtal baa kasii daran
wali duubkii muu dhigin
oo dablaydii muu odhan
danihiina raacdoo
duurkiina kala xula
hadaabteen nirguhuyoo
dambarkii hanuugeen
Dihanay xoriyad buu
dabarkii kagooyoo
soo daaya leeyahay.

Malagaa deg-dagayee
laba baal kuduulee
diyaaradaha dhaafow
daacad waxaad u sheegtaa
digtoorkii inuu yidhi:
kuwa duni kunolow
waa iga dar-daarane
Halgankiinu yuu damin

Anigaa kadiidoo
Gobanimada doortee
Daafulaha Tigreegiyo
Dabaqlay Axmaaradu
diyaarbay ahaayeen
daakhiliyad qadhmuuniyo
nabad aan damiin qabin
oon markhaati lagu darin
dawliguna diiwaan galin

Halgankiinu yuu damin
oo danbaabur xoogbadan
iyo miici aan damin
dam intaad kusiisaan
da'yar doogsin dhabanoo
aan fulay dareen qabin
Dayr dhalkaad u aayiye

Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com