Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»TACSI: Dr Maxamed Siraad Doolaal eebboow kuu naxariiso!
Ururka Codka Nabad-raadinta ee Ogadenia (Ogaden Voice For Peace) waxay tacsi baaxad weyn leh u dirayaan dhamaan shacabka soomaali-Galbeed gude & dibadba meel kasta oo ay joogaan, waxay uga Tacsiyaynayaan Geerida ku timid Halgame,Hoggaamiye,Halyeey,NaftiiHure Dr Maxamed Siraad Doolaal oo Waqti & Waran wuxuu hayey Maskax & Maal wuxuu lahaaba tan iyo maalinkuu hano-qaaday kula jiray Gumaysiga madaw ee Ethiopia.

Codka Nabad-raadinta Ogadenia waxay dardar galin hawlaha halgan & u hiilin qaddiyadda Ogadenia ee uu Dolal u geeriyooday Qaranimadeeda ku qeexaysaa u hiilinta himilooyinkii sare ee uu Halgame Doolala Higsanayey.*Anagoo Heshiis La ah Damiirkanagana, Waxaan Ku Qanacnay Gobonimo:: *

Ogaden Voice For Peace (OVP)
(ogadenvoice@yahoo.com)
=================================
OGADEN INTELLECUAL FORUM
Golaha Aqoonyahanka Ogaadeenya



TACSI TIIRAANYO TIIRAANYO LEH

”INAA LILAAHI WA INAA LILLAHI RAAJICUUN” GEERIDU WAA XAQ.

Dhammaan Maamulka iyo xubnaha ururka OGADEN INTELLECUAL FORUM ayagoo aad uga murugaysan, waxay tacsi tiiraan leh u dirayaan: Ehelahadii, Qaraabadii, Ururkii uu ka tirsanaa, iyo guud ahaan Soomaalida reer ogadenia meelkasta oo ay joogaan, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid alle ha u naxariistee Dr.Mohamed Siraad Doolaal. Waxayna alle uga baryaynaa in uu sabir iyo iimaan kasiiyo, marxuumkana janadii firdows ka waraabiyo.

Dr.Doolaal, wuxuu mudo dheer u soo halgamay sidii uu ummadiisa uga dul qaadi lahaa heeryada guumasiga madow. Wuxuuse alle qadaray in uu maanta kamid noqdo kumanaan shahiiday oo dadkiisa ah, kuwaas oo naftoodii u huray diintooda, dadkooda iyo dalkooda.

Dr. Doolaal, waa hogaamiyihii labaad ee ka baxa ummadda modo kooban , waxaana asaga ka horeeyay Rabi ha naxariistee Gudoomiyihii hore ee ONLF Sh.Ibraahiim Abdullahi.

Hadaba Ururka OIF (OGADEN INTELLECUAL FORUM) wuxuu ugu baaqayaa shacabka reer ogadenia meelkasta oo ay joogaan, inay halgankaas uu Dr. Doolaal naftiisa u huray u midoobaan Allana tala saartaan, hal meelnna uga soo wada jeestaan cadowgooda, kana dheeraadaan tafaraaruq, kala tag, iyo wax kasta oo cadowgooda farxad galinaya.


OGADEN INTELLECUAL FORUM
24/01/2009
=======================
JAB IYO GABLAN

aad ayaan ooga xunahay geerida kutimid dhamaan ree ogaadeeniya gablanka kaga yimid halgamaaga xornima doonka
Dr doolaal oo guumeysiga madow ee tigreega ay ku gaadeen deegaanka ree ogaadeeniya
ishaa alaah waxaan urajaynaynaa halgamaagaa in janadii kawaraabiyo

amin amin amin

Ururka ree ogaadeeniya
===========================

Ururka Hooyooyinka Ogaadeenya

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun Dr Doolaal Eebe waxaanu uga baryaynaa in uu shahaadadiisa ka aqbalo Jannatul Fardoosalaclaana geeyo waxaana halkan ku leenahay samir iyo iimaan suuban Eebe ha siiyo Marwadiisii Xaliimo iyo Dhamaan Caruurtuu ka tagay iyo dhamaan Hooyooyinka iyo Caruurta Dalka iyo Umadda ku nool Ogaadeenya ee uu howshooda noloshiisii qaaliga ahayd u huray waligiina ku jiray howl galkooda anagoo balanqaadayna in aanu Caruurahanaga u sheegno in uu ayaga u dhintay.. waxaan leenahay wuxuu ku biiray shuhadadanada ah taajka nno wada saaran iyo ifka aanu mugdiga ku bidhiiqsano
==========================
Anagoo ah dadkan hoos ku xusan waxaan tacsi tiiraanyo leh udireynaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Marxuum Dr Maxamed Siraad Doolaal waxaana eebbe uga baryeynaa in shahaadadiisa uu ka aqbalo ehelkiisii iyo dhamaan shacabka Ogaadeenyana samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaana tacsidan diraya:

Ahmed Abdi Noor
Maxamed Cabdi Noor
Cabdiqaadir Cali Sahal
Hilaal Xaaji Maxamed
Mukhtaar Sheekh Yuusuf
Cabdinaasir Cali Sahal
Cabdixakiim Ibraahim Kilaas
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com