Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Dr. Doolaal iyo Qadiyadda Ogaadeenya
Maqaalkan waxaa igu kalifay inaan qoro kadib markii aan akhriyay warka odhanaya dadbaa lagu laayay Shilaabo iyagoo dhagaysanaya waraysigii Dr.Doolaal. Waxaanse waxyar ka hormarinayaa qaddiyada odayaasha Ogaadeenya ee uu ka jawaabayay Dr. Doolaal.

Odayaasha Ogaadeenya ee maalintii Arbacadii asbuucii tagay kula shiray madaxda Ethiopia magaalada Addis Ababa waxaa la odhan karaa wuu midha dhalay dadaalkii ay wadeen mudada 2 sano iyo 4 bilood ah.

Odayaashu waxyaabihii ay guulaha waawayn ka soo hoyiyeen waxaa ka mid ah:
· Dagaalada sokeeye oo ka socday meelo ka mid ah wadanka (Waxaa jira dagaalo cusboonaaday, laakiin waa inta ay odayaashu
labadii sano ee u danbaysay dadaalka u galeen inay joogsadaan.

Odayaashu ma aha niman doonaya inay siyaasada galaan ee waa niman doonaya inay saxaan siyaasada la jahwareeriyay ee gobolka. Qaar ka mid ah odayaashu waa 80 jir, qaarna waxaa wadnaha kaga jira qalab kaalinaya caafimaadkooda. Sida ay ila tahay wax u dhaafa ayay waayeen dadka gobolka ee la marin habaabiyay.

Aanu kusoo noqdo faaqidaadayda.

Dr. Max’ed Siraad Doolaal oo aan shakhsiyan u hayo tixgalin aad u wayn maadaama oo uu yahay nin mudo 20 sano ku dhaw ku jiray u huray qadiyad u rumaysan yahay ayaan halkan ku soo bandhigayaa sida uu isaga iyo xisbiga uu ka tirsan yahay madaxdiisa sar-sare ay uga dhacsan yihiin is badalada taariikhiga ah ee ku dhacayay gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba caalamka.

Dr. Doolaal markii iigu horaysay ololihiisa qadiyada Ogaden waxay ahayd dabayaaqadii Sideetamaadkii markaas oo rag Dr. Dolaal iyo Axmed Cabdi Xukun ka mid ahaayeen ay sameeyeen ururkii la odhan jiray Ogaden Action Group (OAG). Waxay Dr. Doolaal iyo Axmed Cabdi Xukun soo saari jireen joornaal.

Barigaas iyada ah ilaa iyo maalintii Arbadaca ee 28 June 2005, wuxuu ku hogaaminayay ururkiisa inuu kolba kud ka raro oo Qanjo u raro. Dr. Doolaal wuxuu si cadaan ah ula socday shirkii uu Maraykanku hogaaminayay ee uu gudoominay Herman Cohen ee lagu sameeyay ururka EPRDF ee maanta haya talada dalka Ethiopia. Dr. Dolaal wuxuu awooday inuu ururkiisa markaas ka qayb galiyo xulufadaas cusub ee dhinaca qaliinka u rogaysay Boqortooyadii Xabashida.

Sida aan kasoo xigtay Halgame Cali Cabdi Gurxan maqaal uu qoray oo la yidhaadho “FURSADO QAALI AH OO LAGA LUMIYAY UMMADDA KU NOOL GOBOLKA OGADEN” Dr. Maxamad Siraad Dolaal oo markaas ku hadlayay magaca urur cusub oo la baxay ONLF,. wuxuu BBCda ka sii daayay, in shirkaasi uusan khusaynin dadka Gobolka Ogaden.Waayo dadkaas mà aha “Ethiopian” ee waa dad Soomali ah oo Ethiopia gumeysato.Mabdà ahaan waa mowqif sax ah oo waafaqasan kii taxanaha ahaa ee la soo facsaday halgankii dheeraa ee Gobolka.Waxaase is-weydiin leh, ma loo baahnaa tasriix caynkaas ah xilligaas?ma wax Dr. Dolaal ku koobnaa buu ahaa, mase wuxuu ahaa goàaan ka soo baxay urur siyaasi ah oo dadka gobolka ku nool matala, magacoodana ku hadli karay?.

Ururka Dr. Doolaal uu markaas ku hadlayay magaciisu wuxuu markaas ka koobnaa xubno ahaan taqriiban 11 ruux oo ay 6 ka mid ahi ahaayeen kuwii aas-aasay oo dhammaantood masaafuris kaga maqnaa gobolka Geeska Afrika. Waxay qandaraas ay iyagu sixiixdeen, kala baayacdeen isla mar ahaantaasna qaybsadeen ay maalintas ka dib ku qaateen masiirka dad dhawr malyuun oo ruux ah oo aan haysanin waxyaabaha aas-aaska u ah nolosha bani’aadamka.

Ururka Dr. Doolaal wuxuu diiday, kadibna galay awood qaybsigii ka socday Ethiopia. Waxay ahayd is burin xagga istaraatiijiyada ah in sidaas la yeelo. Dadka gobolka dagani ma ayna diidin ururkan cusub oo ay ui rakayeen inuu yahay koodii iyaga oo dhammaanba garanayay raga aas-aasay. Waxaad ka garan kartaa aqbalitaanka uu uu shacbigu aqbalay ururkan cusub shirkii lagu doortay Sh Ibraahin Cabdalle Maax ee ka dhacay Garbo xoolihii lagu qalay waxaa kala badh lahaa beesha Sheekhaash ee maanta dagaalada sokeeye kula jirta qaar ka mid ah beesha Reer Cabdille gobolada Baali, Godey, iyo Afdheer,.

Waxaan xasuustaa heestii ay maalintaas Godey ka qaadaysay Rooda Ibraahin Cabdi (Af Jano) oo leh” CALANYAHOW BIDHAAN QURUXOOW, BILAASH MAANAN KUGU HELINEEY. BIRMADKII LAGUU GALAY BAA BOQOLAAL KUN LOO DILAYEEY”

Calankii ay noocaas ugu heesaysay Abwaanad Rooda oo ka bibanayay magaaloyinka Ethiopia oo idil ayay dhawr nin oo ONLF ah (7 Nin) waxay amar ku bixiyeen in calankaas loola kaco xidhka. Calankii ay maalintaas u sii qaadeen xidhka ONLF wuxuu kusii dhacay meel bohol oo dheer oo xidhka dhexdiisa ku taala. Uma malaynayo in Dr. Doolaal wiilasha geeljiraha ah ee uu dhiibay inay garanayaan meesha ay bohoshaasi ahayd. In la yidhaahdo waa la xoroobay, hadana la yidhaahdo maynaan xoreebin waxay ahayd is burin ay sameeyeen raggii ONLF ee Dr. Doolaal ka mid ka ahaa.

Ilaa iyo maalintaas ay calanka ka siibeen tiirarki dhaadheeraa oo magaalooyinka ayna kasii dhex qaadeen mujtamicii Ogaadeenya ee joogay magaalooyinka waxaa maalinba maalinta ka danbaysa is burinayay xeerarka iyo istaraatiijiyada ONLF.

Markii ay 1997 dii qaar ka mid ah ONLF tu ogaatay khaladaadka waawayn ee ay ku sigan tahay qadiyadii Ogaadeenya ayay is tuseen inay lagama maarmaan tahay in is badal la sameeyo. Waxaa si dadban loo doonayay in laga takhaluso garabka Af Carabiga ku hadla ee ONLF ta oo runtii aadka u ragaadisay halgankii. Sh Ibraahin Cabdalla waxyaabaha ay taariikhdu ku iloobi doonin waxaa ka mid ah ‘warqadii uu u diray isaga oo jooga Gari Go’an Madaxweynihii xiligaas ee Ethiopia Mudane Melez Zenawi. Waxaa ka mid ahaa xaashidiisa:

“Ka socota; Madaxweynaha Jamhuuriyada Ogaadeenya ee Carabta ah ee Islaamiga ah,

Ku socota maamulha Tigray ee xaqiirka ah Melez Zenawi. Ikhtiyaarada ku horyaala waa laba kaliya. 1) iskaga bax dhulkayga 2) aan soo fasaxo ciidan tiradiisu ay tahay 30 000. (Xaashida halkan ayaan ku joojinaynaa).

Dr. Doolaal ayaa ujeedo uu ka lahaaba af ganbi ku sameeyay ururkii uu kasoo waaqsan la’yahay ilaa maanta. Dr. Doolaal wuxuu gacanta qabtay nin ay dad badani la yaabeen doorashadiisa. Waa Admiral Max’ed Cumar Cismaan. Admiral ka oo ka mid ahaa raggii ugu caansanaa xoogii ciidamada dalka Soomaaliya wuxuu ahaa ninkii 2aad ee ka tirsanaa XHKS ee diiday in la qaado dagaalkii Ogaden isaga oo sheegay in Ethiopia ay tahay dal shuuci ah oo ay Soomaaliya walaalo yihiin. Wuxuuna markii Aljeeriya lagaga dhawaaqay xisbigan cusub ee ONLF ka mid ahaa rag Ogaadeen ah oo ay abaabushay dawladii Soomaaliya oo Carabta kala hadlayay inaan la ictiraafin xisbigan cusub oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid minja xaabinaya midnimada Soomaalida. Raggii baasaboorada laga qaatay waxaa ka mid ah Mudane C/Laahi Max’ed Sacdi oo markaas Kuwayd joogay.

Dr. Doolaal, Admiral ka oo markaas 2 maalmood ka hor lagu daray Golaha Dhexe ee JWXO ayuu gacanta midig qabtay wuxuuna yidhi “ Ha la ila doorto Admiral Max’ed Cumar Cismaan akhyaaray” halkaas ayaa lagu doortay Admiral ka iyado fajac iyo niyad jab ku noqotay xubnihii jabhadaas. Wuxuu Dr. Doolaal jabiyay oo uu buriyay maalintaas xeerarka iyoq awaaniinta xisbigisa isaga oo ku khasbay iniuu madax u noqdo nin ayna garanaynin halka Ogaadeenyana aan ku lahayn taariikh quruxsan. (Admiral ka baabkiisa marbaan galaynaa).

Dr. Doolaal oo hayn jiray sanooyin aad u fara badan hogaanka arimaha dibada ee JWXO ma uusan u samaynin JWXO wax aqoonsi ah haba yaraatee intii uu jagadaas hayay. Kaliya waxaa maanta wadamada aduunka ka ictiraafsan JWXO dawlada Eritrea kadib markay isku dheceen Ethiopia 1997. dawladaha Afrikaank, kuwa Carabta, kuwa Reer Yurub, Waqooyiga Ameerika, Naato iyo Waarso, Dawlada siyaasadoodu ay dhex-dhexaadka tahay iyo ururka dawladaha Islaanka midna ma aqoonsana, ma oga mana ka war hayso. Waa is burin xilka uu hayay Dr. Doolaal iyo natiijada shaqadiisa. Miyayna ahayn??????

Xilka uu maanta hayo Dr. Doolaal waa inuu yahay hogaanka Cilmi Baadhista iyo Qorshaynta ee JWXO!!! Xilkaas hadda wuxuu hayaa hal sano. Wali ma aynaan arag wuxuu baadhay Dr. Doolaal ilaa iyo hadda. Qorshayn iyada iskaba daa!!!.

Haddii ay lajnadiisu wax baadhayso waxay baadhi lahayd waxa curyaamiyay hawsha ay hayaan? Waxa 6 gobol ee Ogaadeenku dago Kililka ay uga horumar daran yihiin 3 kale? Waxay baadhi lahaayeen xabada caatada ah ee ay wadaan waxa ay soo hoyisay een ahayn; BARAKAC, NIYAD JAB, XASILOONI DARO, DAGAALO SOKEEYE iwm.?? Wuxuu Dr. Doolaal baadhi lahaa halka ay ku danbeeyeen ragii Gollaha Dhexe ee JWXO ahaa ay ku badaleen Asmara oo gaadhaya 45 nin ee qaar ku nool yahay gudaha Ogaadeenya, qaarna danahooda raacdeen, qaarna ay xidha saliida ku naf waayeen? Soo ma aha is burin shaqada uu Dr. Doolaal u hayo JWXO iyo natiijada shaqadiisu?

Xagga qorshaynta, maxaa la qorsheeyay? Ma doonayo inaan kusii dheeraado qodobkan… haddii aan waxba la qorshaynin ilaa hadda mudo hal sano ah oo uu xilka hayay soo ma aha is burin shaqadiisa ah

UGU DANBAYN

Dr. Doolaal wuxuu maalintii Arbacadii oo ku began maalinta odayaal dhaqameedka Ogaadeenya ay la kulmeen madaxda dawlada dhexe ee Ethiopia uu ka sii daayay BBC da hadalo is burinaya.
1) Wuxuu sheegay in odayaashu ay u dhiibeen qandaraaska nabad galyada darada ee gobolka ka jirta.
2) Wuxuu sheegay in uusan xisbigiisu xabada caatada ah joojinaynin in Ethiopia joojiso mooyee (Su’aashu waxaa weeye 3 gobol ee aan Ogaadeenku dagin Kililka, hal qof siyaasad dawladu uma disho, hal qof siyaasad uma xidhna, hal qofna masaafuris kagama maqna)
3) Dagaalka Mandad ee uu ku faanay Dr. Doolaal, waa dagaalkii 1aad ee si ka fool ka fool ah ay iskaga hor yimaadaan JWXO iyo ciidamada Ethiopia oo ay saacidayaan malayshiyooyin reer Shilaabo ah. waa mudo 15 sanadood ah. Waa dagaalka 35 dhalinyara ahna nolol lagu qabtay, 20 caruur ah oo ay gabdho ku jiraana ay haraad iyo dhama’ u dhinteen.

Haddaba Dr. Doolaal miyuu uun is buriyaa xagga fikirka iyo istaraatiijiyada waligiiba? Ma wuxuu ku hadlayay fikirka xisbigiisa mise mid isaga u gaar ah? Maxay ka leeyihiin madaxda kale ee xisbigu waraysigiisan?

Ugu danbayn ninbaa layidhi “war taladii ba’day soo laba talaba dhexdood talo kama dhalato”. Dr. Doolaal oo haysta shahaadada ugu sarayssa ee cilmi ijtimaaciga ah laga gaadho soo ilbaxnimo uma korodho 15 sano ee lasoo dhaafay?

Dhibaatada Ogaadeenya taala manta way ka wayn tahay mid 3 ama 4 daqiiqo oo BBC da laga hadlo lagu xalin karo. Dadka reer Shilaabo iyo reer Ogaadeenyana ha iska daayaan inay maalin walba u dhintaan nin dagaaluusan kula jirin galiya. Wardheer ayaad ogaydeen wuxuu Sh Ibraahin Cabdalle ka sameeyay intuu shacabkii dagaal galiyay uu Dubai iska fadhiistay.

C/Laahi Axmed Gaas
Abdulaahi1999@yahoo.com

Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com