Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»MUXUU ‘HEBEL’ SAMEEYEY OO LAGU XIDHAY ? !!!

Runtii markii aan dalkan Mareykanka aan soo galey dhibaatooyinka ugu waaweyn ee aan kala kulmay waxaa ugu badnaa in aanan helin qof warbixin ama akhabaar iga siiya nadaamka iyo nolosha dalkan. Waxaa jirtey in mar madaxweynihii hore ee Mareykanka, ee la odhan jirey Ronald Reagan wax laga weydiiyey arrimaha dadka dariiqyada ku nool ee aan hoyga lahayn. Reagan wuxuu ku jawaabey, “Hoy la’aani ma hayso dadkayga ee waxaa haysa akhabar la’aan” wuxuu uga dan lahaa waxaa jira hay’ado badan iyo kaniisado dadka hoy la’aanta ah caawiya. Kuwaasoo ay caawimaaddoodu ku salaysan tahay arrimo diimood ama arrimo bani’aadanimo.

Waxaan arrintan gogol-dhac uga dhigayaa, in aan si kooban uga jawaabo su’aal in badan la i weydiiyey. Waxaa dhawaan aniga oo makhaayad ka qadeynaya shaqana ku jira ii yimid oday Soomaaliyeed. Intii aan qadada sugayey wuxuu I weydiiyey, “Adeeroow maxaa ninka ‘hebel’ la yidhaahdo lagu xidhay ?” waa ay jirtaa in hebelka uu sheegayo la xidhay, hasa yeeshee waxaa daw ila noqon wayday inaan u sheego arrin aan isaga khuseyn. Tan kale ee labaad, hebelka la xidhay waxaa weli socotey baadhista fal-damiyeedkii lagu soo xidhey. Qeynuunna ma aha inaan cid kale u sheego arrimahaas. Waxaan odeygii weydiiyey iney guriga Rooxaani (Computer) u yaallo iyo in kale. Wuxuu ii sheegay iney caruurtiisa ay guriga u yaallaan dhawr rooxaamood oo ay hadh iyo habeenba dul fadhiyaan. Waxaa halkaas iiga caddaatey lahaansho Computer(Rooxaan) ka sokow, iney leeyihiin shabakada Internetka. Waxaan markaas siiyey cinwaanka shabakada Laanta Nabadgelyada (Sheriff) ee Deegaanka Sandiyeego oo cinwaankeedu yahay ! sidan soo socota: www.sdsheriff.net Waxaan ku idhi dhawr saacadood ka dib, caruurtaada waxaad u geysaa warqaddan oo cinwaankan ku qoran yahay si ay rooxaanta guriga kuu taalla ay u weydiiyaan waxa ‘hebel’ lagu soo xidhay. Waxaan kaloo aan ka codsadey inuu ila soo socodsiiyo waxa uu kala kulmo arrintan.

Goor fiidadkii ah ayaan odeygii masaajidka kula kulmey isaga oo aad u yaabban. Wuxuu I yidhi, “Waan ogaadey waxa ‘hebel’ lagu soo xidhay ee talow anigana dadku miyey ogaadeen waxa waagii la igu xidhay” runtii markaas maba aanan ogeyn in isaga horey loo xidhay iyo in kale. Waxaan weydiiyey waxa lagu xidhey. Wuxuu iigu jawaabey “Adeer, ceebtaada Allaha asturee dadka been baan u sheegay ee ha u sheegin waxa la igu xidhay.” Waan ka ballan qaadey inaanan cidna u sheegin sababta waa hore lagu xidhey. Odeygii salka inta uu dhulka dhigey ayuu ii sheegay inuu taagnaa, kuna tallamayey inuu waddanka iskaga cararo inta aan dadku ogaan wixii kal hore lagu soo xidhey.

Hadal tiro ha ii geysee, haddii aad rabto inaan wax ka ogaato dhawrkan arrimood ee hoos ku qoran, waxaa laga yaabaa inaad ka heli karto shabakada internetka adiga oo aan qof kaleba weydiin ama aan dhageysay been laguu sheegay (Weydii Laanta Nabadgelyada deegaankiinu iney leeyihiin cinwaan ay ku soo gudbiyaan arrimahan) Haddiise aad deggan tahay deegaanka ay Soomaalidu ku badan yihiin oo ay ka mdi yihiin deegaamada (Counties) San Diego, CA, Columbus, OH, King County (Seattle, WA) ama Deegaanka Hennepin County (Minneapolis) waxaad cinwaanadan hoos kor ku qoran ka heli kartaa arrimahan soo socda:

1. Qofka la xidhey iyo waxa lagu soo xidhey.
2. Lacagta damaano-qaadka looga baahan yahay.
3. Laanta Booliiska ee soo xidhey.
4. Maxkamadda ugu horreysa goorta la keeni doono.


San Diego County: www.sdsheriff.net ka dib waxaad riixdaa halka ay ku qoran tahay ‘who is in jail’ ka dibna waxaa gelisaa magaca awoowga ee qofka aad rabto inaad ogaato wuxuu ku xidhan yahay. Haddii aadan aqoon higgaada waxaad gelisaa labada xaraf ee ugu horreeya keliya. Haddii aad rabto inaad ogaato in sharcigu ku raadinayo ama aad ‘warrant’ leedahay, riix meesha ay ku qoran tahay ‘Warrant For Arrest’ kadibna gelin magaca iyo maalinta dhalashada.

Ohio (Dadka la xukumey) www.drc.state.oh.us riix meesha hoose ee ay ku qoran tahay Offender Search, kadibna magaca hore ama ka awowga ee cidda aad rabto inaad wax ka ogaato geli.

Hennepin County: www.hennepin.us ka dib waxaad riixdaa meesha ay ku qoran tahay Sheriff’s Jail Roster, laba jeer. Marka uu meesha magaca lagu qorayo ay kuu soo baxdo geli magaca qofka aad rabto. Haddii aadan aqoon higgaadda magaca awoowga, waxba ha ku qorin ee waxaad riixdaa meesha ay ku qoran tahay ‘Show All’ ka dib ka dhex raadi liiska maxaabiista oo dhan.

King County (Seattle, WA): www.metrokc.gov ka dib waxaad riixdaa Public Safety, ka dibna waxaad arki oo aad riixdaa ‘Jail Inmate Lookup’ ka dibna waxaad riixdaa ‘View Jail Register’ ka dibna riix ‘Search Jail Booking System’ Waxaad halkan ka akhrin kartaa dhammaan magacyada dadka xabsigaas ku jira.

Deegaamada kale ka raadi inaad ka heli karto shabakada internetka. Wixii su’aal ah ee intaa dheer, fadlan la xidhiidh laanta Nabadgelyada ee deegaanka aad ku nooshahay. Mar walbana xusuusnow inaad huwan tahay magaca Soomaaliyeed oo waa inaad ku dadaasho sidii aad sharaftiisa u dhawri lahayd. Fadlan u hoggaansama shuruucda dalalka na marti geliyey wakhtigii ay xaalladdu nagu xumeyd ee ho’yga iyo nabad-gelyadaba na siiyey.



Cabdiweli Cabdi Haybe
San Diego, CA- USA
Heibeh@Cox.net







Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com