Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Cabdiraxmaan Maadey hadalkiisu maanka ma galaa? WQ Xaaji Askar
waxaa shaqsi kasta oo dhagaystay waraysigii uu VOA da siiyay mudane c/raxman maadeey oo ah hogaanka arimaha dibada ee ururka ONLF qalbigiisa gilgilay uurkutaalo aan go,aynin

waxaa quus u muuqanaysa naruuradii halgankii ay bilaabeen jabhada wadaniga xornimodoonka ogadeenya, waxaa yaraanaysa yididiiladii ay uhayeen dadka masaakiinta ah ee qurba joogta ah ee qaaranka ku bixinaysay inta yar ee ay naftooda ka cunaqabateeyeen.

Ilaahay baan idin kudhaariyaye akhristoow ninka yidhi jabhada soomali galbeed dhulka majoogto ee maydkii wiilasha mujaahidiinta ah ee labada dhinac kukala dhimatayna ay wali qoyan yihiin sidee baad umalayn kartaa in uu maslaxo umadeed ama nololeed midna ugu maqan yahay umada la adoonsado ee reer ogaadeenya.

Waxaa haboon in marka hore laxuso waxqabadkii ururka somali galbeed iyo dharbaaxooyinkii ay gumaysiga ku gaadhsiiyeen goobihii ay ku dagaalameen sanadihi ay seeftoodu galka kabaxsanayd. Waxaan xiligaa xasuusan karaa in quwada labada urur xag dhaqaale xag ciidan xag khibradeed aysan midna sinayn cadawguna ay u kala sheeganaayeen oo waxa ONLF ay sanad gaadhsiiso ay AL-ITIXAAD maalmo ku gaadhsiin karaan.si kasta oy ahaayeena marnaba walaalahooda ONLF uguma aysan awood sheegan oo waxaa waliba dhexmari jirtay iskaashi dhinacya badan lahaa. Waxaana sabab looga dhigi karaa iyadoo hogaanka ururka ONLF uu hayay nin sheekha dagaalkana aaminsan inuu jihaad yahay gaaladana in laga xoreeyo ay muqadas tahay ciida nadiifta ah ee wadanka reer ogadenya. Waxaa hadase badalay quru aan laga ranaynin halka ay halganka soojireenka kufuri doonaaan waayo marnaba macadaynayaan onlf waxa ay udagaalamayaan maanta.

Hadii shalay amxaaro lala dirirayay waxa maanta lala dirirayo waa wiil ogaden ah oo gurigii uu kudhashay lagula dirirayo ha xoraynin. Hadii ay sikabadalan u sheegaana waa sida uu ku ciyay ama ku hadaaqay Maaday oo aan asagu kala garanayn waxa shalay gudoomiyihisu lahaa iyo wixii daraad ka dhacay gudaha wadanka ee xaqiiqda ah. Hadii ay JWXSG ay wiilal jeebla ah tahay waqtiga idiin sheegaya ee umada halka aad ku wadaan cadeeya idinku.

1- waxaad lamidowdeen amxaaro oo dadka reer ogadeenya waxa ay badeen mid yar iyo mid weyn ka dharagsan yahay

2- waxaad ogolaateen inaad wada jirka ethiopia aad ilaalinaysaan nidaamka federaalka ahna aad ku dhaqmaysaan.

3- waxaad kutumateen wax kasta oo sharci ah oo idin qoraa. Sababtoo ah waa mida sababtay inaad suuqa isku qab qabsataan,islaysaan is dacaayadaysaan walibana mujaahin hore ugawracdaan.

Waxaan ahay shaqsi aad uga xun inuu halganka xornimo doonka ONLF sidaa kufashilmo sababtoo ah waxaan u arkaa halgan miro dhal badan muujiyay mudo 25 sano ahna umadan u halgamayay maanta ooguushii dhawdahay inay wiiqmaan waa wax aan dhagaha umada reer ogadenya u fiicnayn base cadwga dhiiri galinaysa.

Kawaantooba ficilada foosha xun ee siyaasadan guracan ee cusubi latimid oo usoo noqda wixii ururka loo unkay hana ku hungoobina fara godka yar ee janday frezer.

F.G: Qoraalkan dib ayaan ugu soo laaban doonaa idamka illaahay waxaana ku eegi doonaa waxa khalad ah iyo waxa saxda ah iyo arimaha Doolaal.
Waxaa qorey: Xaaji Askar

email: qamuuda2000@yahoo.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com