Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Socdaal kii Madaxda kililku sidee udhacay? WQ M Badal
Socdaal kii saraakiisha kilil ka ee uu ugu cad cadaa Cabdi maxamed cumar (Ina ilay) wuxuu ahaa mid qorshay san, oo ka soo baxay xaga dawlada dhexe ee Ethiopia, waxaa jiray seminar mudo socday oo looqab tay masuuliyiinta kilil ka, wuxuu seminar kaas ka dhacay magaalada Dhabrazit oo Addiss Ababa ujirta 45km dhanka bariga, waxaan odhan karnaa waxaa seminar kaas uu ahaa diyaarin loodiyaarinayay waftida loogu talagalay inay usoo hayaamaan wadamada Europe, waxaa lodiyaarinayay agenda ha, meelaha ay tagidoonaan iyo IWM

Kadib mar kii haw lahaas aan kor kuxusnay ladhameeyay, ayay 14-9-2009 kasoo dhoofeen lix xubnood oo loo idmay inay hawshaas sooqabtaan, hadaan eegno meelaha ay mareen waxaan dhihi karaa waxaay isku dayayeen inay ahaato wadamada Ethiopia safaaradaha ay ku leedahay sida Sweden iyo UK, sabab tuna waxay ahayd majirin cidkale oo kusoodhawanaysay garoomada aykasoo dagayeen taas oo muujinaysay sida ayaynan saaxiibo ugu lahayn qurba jooga soomaalida Ogadenia,
Waxaa ka muuqatay dhaq-dhaqaaqooda daxadar badan, waxay kudadaaleen inaan la ogaanin inta ayjoogayaan iyo halka ayrabaan inay uka caan, waxaay shirar kooda ku qabteen labada safaaradood ee ay ku leedahay Ethiopia, Stockholm iyo London,

Waxay bilaabeen iyaga oo fulinaya dardaaran kii dawlada dhexe inay dad kii utagay ukala qayb-qay biyaan qabiilo, oo layidhaah do waxay lakul mayaan reer hebal barina reer hebal, xataa dad kii shirkaas kaqaygalay waxaa lagu war galiyay qof ka su’aal qabaa inuu sheego magiciisa qabiilkiisa iyo gobolka uu kasoojeedo…!
Taas oo katurjumaysa siyaasda dawlada dhexe ay kumaamusho gobolka (qaybi oo xukun) taasna waxay ku cadayd sidii looqoray bayaan kii kasoobaxay kulankii London,

Maxaa u qabsoomay?

Waxaay iskudayeen inay helaan dad hall ka shirka ubuuxiya, lana dhac san barnaamijkooda, dhab ahaan tii dad waxoogaa ah shirkii London waay ugu tageen lakiin wax lataaban karo oo sawirka la iska qaaday waydaar san kamasoobixin,

Dad kii shukaansiga loogu socday waxay ahaayeen dad ka uu ina Ilay hooyooyin kood, eedooyinkood,habar-yarahood xabsiga jeel Ogaaden kaga yimid, mar ka ma uusan awoodin in uu dad kaas waajaho, taasaana keentay in uu kulan ku ka dhaco safaarada gudeheeeda, oo lawada ogsoonyahay inuuna galaynin qof aan xidhiidh lalahayn,
Waxaan daawaday waraysi uu ina Ilay siiyay TV ya soomaaliga ee London mikamid ah wariyaha ayaa wuxuu way diiyay dad kamudaaharaadayay safgaarada dibadeeda oo ku dhawaaqayay ereyo kadhan ah Ethiopia iyo sigooni ah ina Ilay, wuxuu kujawaabay dadkaasi waa Eritrean inka badan 5 goor ayuu kucelceliyay, taas muujinaysa in dardaaran adag lasoosiiyay oo ah xaqiiqada dafir, xageenana adkee,

Waxaay isku dayayeen in dadkan oo inta aynan waftigu iman wadamadan ree Europe ka war hayay wax walba oo deegaan ka kadhaca inay uga sheekeeyaan in horumar ka jiro deegaan, taas oo loo turjumay in horumar ka usheegay ina Ilay ahaa militia da Jan-jawiid cusub (new police) oo gobolka ka noqday waxa axmaaradu dhihijireen “Qoraaj falaaj” oo macnaheedu yahay waxay doonaan sameeyayaal.





Gabagagadii

1-Wuxuu safar kan uu ahaa ujeedo badan, waxaana kamid ahaa in la iskudayao indad maamulka kililka taageersan lagahelo qurbajoogta deegaan ka, waloow ayanan madaxda kililiku laftoodu wadadii ku haboonayd umarin,
2-fashilkan kuyim safarkaas yoolkiisa ugu muhiim sanaa, waxaa dusha lagasaari doonaa ina Ilay waxaa na laga yaabaa in loo isticmaalo xujo ahaan markay timaado isqab-qab siga maamulka kiilil ku
3-in indho gooni ah uyeelan doonaan Ina Ilay iyo saaxiibadii dadka udhashay deeganka ee daganaa wadamada ay booqdeen ee aan sooxaadirin shirarkoodii.

Qormada xigta wxaan ku eegi doonaa awooda maamul ee kililka Inshaa allaha

Qore: M Badel
Waxaa laga xidhiidhi karaa Email ka Dalkaygoow@gmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com